Revised Common Lectionary (Semicontinuous)
Kitaabka Afraad
Sabuurrada 90-106
Kanu waa baryootankii Muuse oo ahaa ninkii Ilaah.
90 Rabbiyow, tan iyo ka ab ka ab
Adigu waxaad noo ahayd meesha aannu degganaanno.
2 Intaan buuruhu dhalan ka hor,
Iyo intaanad samayn dhulka iyo dunida,
Iyo xataa weligeed iyo weligeedba adigu waxaad tahay Ilaah.
3 Dadka waxaad ku soo celisaa baabba',
Oo waxaad ku tidhaahdaa, Noqda, binu-aadmigow.
4 Waayo, kun sannadood waxay hortaada ku yihiin
Sida shalay oo kale markay dhammaadaan.
Oo waxay la mid yihiin sida wakhti la soo jeedo oo habeennimo.
5 Waxaad iyaga u qaaddaa sida daadku wax u qaado, oo iyagu waxa weeye sida hurdo oo kale,
Oo subaxdana waxay u baxaan sida doog oo kale.
6 Subaxda way cagaaraan, wayna soo baxaan,
Oo fiidkana waa la jaraa, wayna engegaan.
13 Rabbiyow, soo noqo, ilaa goormaad soo noqonaysaa?
Oo raalli ka ahow addoommadaada.
14 Aroorta naxariistaada naga dhergi,
Si aannu u rayrayno oo aannu u faraxsanaano maalmaha cimrigayaga oo dhan.
15 Nooga farxi intii ay ahaayeen maalmihii aad na dhibtay,
Iyo sannadihii aan sharka aragnay in le'eg.
16 Shuqulkaagu ha u muuqdo addoommadaada,
Ammaantaaduna carruurtooda.
17 Oo Rabbiga Ilaahayaga ah nicmadiisu ha na dul joogto,
Oo korkayaga ku adkee shuqulka gacmahayaga,
Haah, shuqulka gacmahayaga adkee.
32 Samooyinkow, dhegaysta waan hadlayaaye,
Oo dhulkuna ha maqlo erayada afkayga.
2 Cilmigaygu wuxuu u soo da'ayaa sida roobka,
Hadalkayguna wuxuu u soo degayaa sida sayaxa,
Sida roob yaru doogga ugu da'o, iyo sida tiixu biqilka ugu tiixo,
3 Waayo, anigu waxaan naadinayaa magicii Rabbiga.
Idinku weyneeya Ilaaheenna.
4 Isagu waa dhagaxa, shuqulkiisuna waa kaamil,
Waayo, jidadkiisa oo dhammu waa caddaalad,
Isagu waa Ilaah aamin ah, oo aan xumaan lahayn,
Isagu waa xaq, waana caaddil.
5 Way iskharribeen, oo carruurtiisii iyagu ma aha, waa ceebtooda,
Iyagu waa qarni qalloocan oo maroorsan.
6 Dadyahow nacaska ah oo aan xigmadda lahaynu
Ma saasaad Rabbiga ugu abaalguddaan?
War isagu sow ma aha Aabbihiinnii idin soo iibsaday?
Isagaa idin uumay oo idin xoogeeyey.
7 Bal xusuuso waagii hore,
Oo soo garwaaqso qarniyo badan sannadahood,
Aabbahaa weyddii oo wuu ku ogeysiin doonaa,
Odayaashaadana weyddii oo way kuu sheegi doonaan.
8 Markii Ilaaha ugu wada sarreeyaa uu quruumaha dhaxalkooda siiyey,
Oo uu kala soocay binu-aadmiga,
Intii tirada reer binu Israa'iil ahayd
Ayuu dadka soohdimaha u dhigay,
9 Waayo, Rabbiga qaybtiisu waa dadkiisa,
Reer Yacquubna waa saamigii dhaxalkiisa.
10 Wuxuu isaga ka dhex helay dhul lamadegaan ah,
Iyo cidlada baabba'a ah oo ay dugaaggu ka dhex ciyaan.
Hareerihiisuu isku wareejiyey, wuuna xannaaneeyey,
Oo wuxuu isaga u dhawray sida ishiisa inankeeda,
11 Sida gorgorku buulkiisii u lulo,
Oo dhashiisa ugu kor ruxmo,
Oo baalashiisa u kala bixiyo, oo uu u qaado,
Oo garbihiisa ugu xambaaro,
12 Ayaa Rabbiga oo keliya isaga hoggaamiyey,
Oo ilaah qalaadna lama joogin.
13 Wuuna fuuliyey meelaha sarsare ee dhulka,
Oo wuxuu cunay wixii beerta ka baxay,
Wuxuuna ka dhigay inuu nuugo malab dhagaxii ka soo baxay,
Iyo saliid dhagax madow ka soo baxday.
14 Wuxuuna quutay subag lo'aad, iyo caano idaad,
Iyo baraarro baruurtood,
Iyo wananka Baashaan, iyo riyaha,
Iyo sarreenka ugu wanaagsan.
Oo dhiiggii canabkana waxaad ka cabtay khamri.
18 Adigu Dhagaxii ku dhalay ma aad xusuusnid,
Oo waad iska illowday Ilaahii ku dhalay.
7 Wax walba nafsaddaada masaal ahaan u tus xagga shuqullada wanaagsan; oo cilmigaagana ku tus qummanaan, iyo dhuglahaan, 8 iyo hadal run ah oo aan ceeb lahayn, si midka geesta kaa ahu u ceeboobo, oo uusan u helin wax xun oo uu inaga sheego.
11 Waayo, nimcadii Ilaah way muuqatay, iyadoo badbaado u keenaysa dadka oo dhan, 12 oo ina baraysa inaynu cibaadola'aanta iyo damacyada dunida diidno, oo aynu wakhtigan haatan la joogo digtoonaan iyo xaqnimo iyo cibaado ku noolaanno, 13 innagoo sugayna rajada barakaysan iyo muuqashada ammaanta Ilaaheenna weyn oo ah Badbaadiyeheenna Ciise Masiix. 14 Isagu nafsaddiisuu u bixiyey aawadeen, inuu dembi oo dhan inaga furto oo uu inaga dhigto dad daahirsan oo uu isagu leeyahay oo ku dadaalaya shuqullo wanaagsan.
15 Waxyaalahan dadka kula hadal, oo ku waani, oo ku canaano, adigoo amar oo dhan leh. Oo ninna yuusan ku quudhsan.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya