Revised Common Lectionary (Semicontinuous)
Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey markuu joogay cidlada reer Yahuudah.
63 Ilaahow, waxaad tahay Ilaahay, oo anna goor hore ayaan ku doondooni doonaa,
Naftaydu adigay kuu oomman tahay, jidhkayguna aduu kuu xiisoodaa,
Anoo jooga dhul engegan oo daal miidhan ah oo aan biyo lahayn.
2 Si aan u arko xooggaaga iyo ammaantaadaba aawadeed,
Ayaan kaa fiiriyey meesha quduuska ah.
3 Waayo, raxmaddaadu way ka sii wanaagsan tahay nolol,
Haddaba bushimahaygu way ku ammaani doonaan.
4 Sidaas daraaddeed waan kugu mahadnaqayaa intaan noolahay,
Oo gacmahaygana kor baan ugu qaadi doonaa magacaaga aawadiis.
5 Naftaydu waxay u dhergi doontaa sida mid dhuux iyo baruur uga dhergo,
Oo afkayguna wuxuu kugu ammaani doonaa bushimo faraxsan
6 Kolkaan sariirtayda kugu soo xusuusto
Oo aan kaa fikiro habeenka markaan soo jeedo.
7 Waayo, waxaad ii ahayd caawimaad,
Oo hooska baalashaada ayaan ku rayrayn doonaa.
8 Naftaydu adigay ku raacdaa,
Oo gacantaada midigna way i tiirisaa. (Selaah)
Maryan Iyo Haaruun Oo Xantay Muuse
12 Oo Maryan iyo Haaruunna waxay Muuse u xanteen naagtii reer Kuush oo uu guursaday, maxaa yeelay, isagu wuxuu guursaday naag reer Kuush. 2 Oo iyagu waxay yidhaahdeen, War Rabbigu ma Muuse keliyuhuu la hadlay? Miyuusan annagana nala hadlin? Oo Rabbigu taas wuu maqlay. 3 Haddaba Muuse wuxuu ahaa ninka ugu wada qalbi qaboobaa dadkii dunida joogay oo dhan. 4 Markaasaa Rabbigu dhaqso ula hadlay Muuse iyo Haaruun iyo Maryan, oo wuxuu ku yidhi, Saddexdiinnuba kaalaya teendhada shirka. Oo saddexdoodiiba way soo bexeen. 5 Markaasaa Rabbigu ku soo degtay tiir daruur ah oo istaagay iriddii teendhadii shirka, oo wuxuu u yeedhay Haaruun iyo Maryan, kolkaasaa labadoodiiba soo bexeen. 6 Oo wuxuu iyagii ku yidhi, Haddaba bal hadalladayda maqla. Haddii nebi idinku dhex jiro, anigoo Rabbiga ah ayaa muujin isku tusi doona, oo riyo baan kula hadli doonaa. 7 Addoonkayga Muuse sidaas ma aha, oo isagu aamin buu ku yahay gurigayga oo dhan. 8 Isaga bayaan baan afkayga ugula hadlayaa, oo hadal gudcur ah kula hadli maayo, oo wuxuu arki doonaa Rabbiga qaabkiisa. Haddaba maxaad uga cabsan weydeen inaad addoonkayga Muuse wax ka sheegtaan? 9 Markaasaa Rabbigu iyagii aad ugu cadhooday, wuuna ka tegey.
21 Markaasaa malaa'ig xoog weynu waxay kor u qaadatay dhagax u eg dhagaxshiid weyn, oo waxay ku dhex tuurtay badda, oo waxay tidhi, Magaalada weyn oo Baabuloon sidaas oo kale xoog baa hoos loogu tuuri doonaa, oo hadda ka dibna lama heli doono. 22 Oo mar dambe dhexdaada lagama maqli doono codka kataaralayda, iyo muusikalayda, iyo kuwa biibiilaha ka dhawaajiya, iyo kuwa turumbada ka dhawaajiya; oo dhexdaada innaba lagama heli doono sancalow sanco kasta ha qabtee; oo sanqadha dhagaxshiidkana dhexdaada innaba lagama maqli doono mar dambe; 23 oo laambad iftiinkeedna mar dambe dhexdaada innaba kama ifi doono, oo codkii arooska iyo aroosaddana dhexdaada innaba mar dambe lagama maqli doono, waayo, baayacmushtariyadaadu waxay ahaayeen amiirradii dhulka, maxaa yeelay, saaxirnimadaadii ayaa quruumaha oo dhan lagu khiyaaneeyey. 24 Oo dhexdeeda waxaa laga helay dhiiggii nebiyadii iyo quduusiintii iyo dhiiggii kuwii dhulka lagu dilay oo dhan.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya