Revised Common Lectionary (Semicontinuous)
Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha.
19 Samooyinku waxay caddeeyaan ammaanta Ilaah,
Cirkuna wuxuu muujiyaa sancadii gacantiisa.
2 Maalinba maalinta ka dambaysaa waxay ku hadashaa hadal,
Oo habeenba habeenka ka dambeeyaa wuxuu caddeeyaa aqoon.
3 Ma jiro hadal ama af
Aan codkooda laga maqlin.
4 Codkoodii wuxuu dhex maray dhulka oo dhan,
Hadalkoodiina wuxuu gaadhay dunida meesha ugu dambaysa.
Oo dhexdooda wuxuu taambuug u dhigay qorraxda,
5 Taasoo la mid ah aroos qolladdiisii ka soo baxaya,
Oo waxay u faraxdaa sida nin xoog leh oo baratamaya.
6 Waxay ka soo baxdaa samada darafkeeda,
Oo waxay ku soo wareegtaa hareeraheeda,
Oo kulaylkeedana wax ka qarsoonu ma jiraan.
7 Sharciga Rabbigu waa kaamil, oo nafta wuu soo celiyaa,
Maragfurka Rabbigu waa aamin, oo garaadlaawaha ayuu u caqliyeeyaa.
8 Qaynuunnada Rabbigu waa hagaagsan yihiin, oo qalbiga ayay ka farxiyaan,
Amarka Rabbigu waa daahir oo indhaha ayuu nuuriyaa.
9 Cabsida Rabbigu waa nadiif, weligeedna way raagtaa,
Xukummada Rabbigu waa run, waana wada xaq dhammaantood.
10 Iyagu waa wax xataa dahab laga sii jeclaado, haah, xataa dahab badan oo saafi ah,
Oo weliba way ka sii macaan yihiin malab iyo awlallada malabka.
11 Oo weliba addoonkaagana iyagaa loogu digay,
Oo xajintoodana waxaa ku jira abaalgud weyn.
12 Bal yaa qaladdadiisa garan kara?
Rabbow, iga nadiifi dembiyo qarsoon.
13 Anoo addoonkaaga ah iga hay waxyaalo aan ku kibro,
Oo yaanay ii talin,
Oo markaas kaamil baan ahaan doonaa,
Oo xadgudub weynna daahir baan ka ahaan doonaa.
14 Rabbiyow, xooggayga iyo bixiyahaygiiyow,
Erayada afkayga iyo fikirka qalbigaygu ha ahaadeen kuwo hortaada lagu aqbalo.
Qaynuunnadii Sabtida
10 Lix sannadood waa inaad dhulkaaga wax ku abuurtaa oo midhihiisa urursataa, 11 laakiinse sannadda toddobaad waa inaad iska daysaa ha nasto, oo dhul aan beernayn ha noqdee, inay masaakiinta dadkaagu wax ka cunaan; oo waxay reebaanna dugaagga duurku ha daaqeen. Oo sidaas oo kalena waa inaad u gashaa beertaada canabka ah iyo beertaada saytuunka ah. 12 Lix maalmood waa inaad shuqulkaaga qabsataa, oo maalinta toddobaadna waa inaad nasataa, si ay dibigaaga iyo dameerkaaguna u nastaan, oo ay wiilka addoontaada iyo kan qariibka ahuba nafis u helaan. 13 Oo kulli wixii aan idinku idhi oo dhan waa inaad aad u dhawrtaan, oo ilaahyo kale magacood ha soo qaadina innaba, ama afkaagaba yaan laga maqlin.
40 Sidaa aawadeed dadkii badnaa qaarkood, goortay hadalladaas maqleen, waxay yidhaahdeen, Runtii kanu waa nebigii. 41 Qaar kalena waxay yidhaahdeen, Kanu waa Masiixii. Qaarse waxay yidhaahdeen, Laakiin Masiixii ma wuxuu ka imanayaa Galili? 42 Qorniinku miyaanu odhan, Masiixu wuxuu ka iman doonaa farcanka Daa'uud iyo tuuladii Beytlaxam oo Daa'uud joogay? 43 Sidaa daraaddeed dadkii badnaa waa kala qaybsamay aawadiis. 44 Qaarkood baa doonay inay qabtaan, laakiinse ninna faro ma uu saarin.
45 Saraakiishii haddaba waxay u yimaadeen wadaaddadii sare iyo Farrisiintii, iyaguna waxay ku yidhaahdeen, Maxaad u keeni weydeen? 46 Saraakiishii waxay ugu jawaabeen, Ninna weligiis uma hadlin sida ninkaasi u hadlay. 47 Farrisiintii haddaba waxay iyaga ugu jawaabeen, Idinkana ma laydin khiyaaneeyey? 48 Miyaa taliyayaasha midkood ama Farrisiinta rumaystay isaga? 49 Laakiin dadkan badan oo aan sharciga garanaynin waa inkaaran yihiin. 50 Nikodemos (kii markii hore Ciise u yimid, isagoo ah midkood) wuxuu iyaga ku yidhi, 51 Miyaa sharcigeennu xukumaa nin, iyadoo aan marka hore laga maqlin isaga oo aan la garanaynin wuxuu sameeyo? 52 Kolkaasay u jawaabeen oo waxay ku yidhaahdeen, Adiguna ma reer Galili baad tahay? Doondoon, oo arag inaan nebi ka kacayn Galili.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya