Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Semicontinuous)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with sequential stories told across multiple weeks.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 19

Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha.

19 Samooyinku waxay caddeeyaan ammaanta Ilaah,
Cirkuna wuxuu muujiyaa sancadii gacantiisa.
Maalinba maalinta ka dambaysaa waxay ku hadashaa hadal,
Oo habeenba habeenka ka dambeeyaa wuxuu caddeeyaa aqoon.
Ma jiro hadal ama af
Aan codkooda laga maqlin.
Codkoodii wuxuu dhex maray dhulka oo dhan,
Hadalkoodiina wuxuu gaadhay dunida meesha ugu dambaysa.
Oo dhexdooda wuxuu taambuug u dhigay qorraxda,
Taasoo la mid ah aroos qolladdiisii ka soo baxaya,
Oo waxay u faraxdaa sida nin xoog leh oo baratamaya.
Waxay ka soo baxdaa samada darafkeeda,
Oo waxay ku soo wareegtaa hareeraheeda,
Oo kulaylkeedana wax ka qarsoonu ma jiraan.
Sharciga Rabbigu waa kaamil, oo nafta wuu soo celiyaa,
Maragfurka Rabbigu waa aamin, oo garaadlaawaha ayuu u caqliyeeyaa.
Qaynuunnada Rabbigu waa hagaagsan yihiin, oo qalbiga ayay ka farxiyaan,
Amarka Rabbigu waa daahir oo indhaha ayuu nuuriyaa.
Cabsida Rabbigu waa nadiif, weligeedna way raagtaa,
Xukummada Rabbigu waa run, waana wada xaq dhammaantood.
10 Iyagu waa wax xataa dahab laga sii jeclaado, haah, xataa dahab badan oo saafi ah,
Oo weliba way ka sii macaan yihiin malab iyo awlallada malabka.
11 Oo weliba addoonkaagana iyagaa loogu digay,
Oo xajintoodana waxaa ku jira abaalgud weyn.
12 Bal yaa qaladdadiisa garan kara?
Rabbow, iga nadiifi dembiyo qarsoon.
13 Anoo addoonkaaga ah iga hay waxyaalo aan ku kibro,
Oo yaanay ii talin,
Oo markaas kaamil baan ahaan doonaa,
Oo xadgudub weynna daahir baan ka ahaan doonaa.
14 Rabbiyow, xooggayga iyo bixiyahaygiiyow,
Erayada afkayga iyo fikirka qalbigaygu ha ahaadeen kuwo hortaada lagu aqbalo.

Baxniintii 23:14-19

Saddexda Iid Ee Sannadka

14 Oo sannad walba saddex goor waa inaad ii iiddaa. 15 Oo Iiddii Kibista-aan-khamiirka-lahayn waa inaad dhawrtaa. Toddoba maalmood waa inaad cuntaa kibis aan khamiir lahayn, sidii aan kugu amray wakhtigii la yidhi oo bisha Aabiib ah, maxaa yeelay, bishaas ayaad Masar ka soo baxday; oo midkiinna hortayda yuusan iman isagoo faro madhan. 16 Oo waa inaad dhawrtaa Iiddii Beergoosadka oo ah midhihii ugu horreeyey hawshaada aad beerta ku abuurtay, iyo Iiddii Wax urursiga oo sannadda dhammaadkeeda ah, marka aad soo urursatid midhihii aad beerta ku hawshootay. 17 Kuwaaga labka ah oo dhammu waa inay sannad walba saddex goor Rabbiga Ilaaha ah ka hor yimaadaan.

18 Oo waa inaadan dhiigga allabarigayga la bixin kibis khamiir leh; baruurta iiddayduna waa inaanay hadhin habeenka oo dhan ilaa subaxda. 19 Oo dhulkaaga midhaha ugu horreeya waa inaad inta hore guriga Rabbiga Ilaahaaga ah geeysaa. Waa inaadan waxar caanaha hooyadiis ku karin.

Filiboy 2:14-18

14 Haddaba wax walba ku sameeya gunuunac iyo muran la'aantood, 15 inaad ceeb iyo eed la'aataan, idinkoo ah carruurtii Ilaah oo aan iin lahayn, oo ku dhex jira qarni qalloocan oo qallafsan, kuwaas oo aad uga dhex muuqataan sida nuurar dunida ku dhex jira, 16 idinkoo hore u soo fidinaya ereyga nolosha, si aan anigu u helo wax aan ku faano maalinta Masiixa, taas oo ah inaanan micnela'aan u ordin oo aanan micnela'aan u hawshoon. 17 Oo weliba haddii laygu dul sadqeeyo allabariga iyo hawsha rumaysadkiinna, waan farxayaa, oo kulligiin waan idinla farxayaa, 18 oo weliba sidaas oo kale idinkuna waad farxaysaan oo waad ila rayraysaan.

Filiboy 3:1-4

Xaqnimada Runta Ah

Walaalahayow, ugu dambaysta, waxaan idinku leeyahay, Rabbiga ku farxa. Sida xaqiiqadaa anigu inaan isla wixii idiin soo qoro dhib iguma aha, laakiinse idinka way idiin roon tahay. Eeyaha iska jira, oo iska jira kuwa sharka sameeya, oo iska jira gudniinta beenta ah, waayo, innagu waxaynu nahay kuwa gudan oo Ruuxa Ilaah ku caabuda, oo Ciise Masiix ku faana, oo aan jidhkana ku kalsoonayn, in kastoo aan aniga qudhayduba jidhka ku kalsoonahay, haddii nin u malaynayo inuu jidhka ku kalsoon yahay anigu waan ka sii daranahay.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya