Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Semicontinuous)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with sequential stories told across multiple weeks.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 119:97-104

MEM.

97 Aad baan sharcigaaga u jeclahay!
Maalinta oo dhan isagaan u fiirsadaa.
98 Amarradaadu waxay iga dhigaan ku ka sii caqli badan cadaawayaashayda.
Waayo, weligayba way ila jiraan.
99 Waan ka sii waxgarasho badnahay macallimiintayda oo dhan,
Waayo, waxaan u fiirsadaa markhaatifurkaaga.
100 Waan ka sii waxgarasho badnahay odayaasha,
Waayo, waxaan xajiyey amarradaada.
101 Cagahayga waan ka joojiyey jid kasta oo shar leh,
Si aan eraygaaga u dhawro.
102 Xukummadaada gees ugama aan leexan,
Waayo, wax baad i bartay.
103 Erayadaadu dhanxanaggayga u macaan badanaa!
Afkayga malab way uga sii macaan badan yihiin!
104 Amarradaada ayaan waxgarasho ku helaa,
Oo sidaas daraaddeed ayaan jid kasta oo been ah u necbahay.

Tirintii 11:1-9

Dabkii Rabbiga Ka Yimid

11 Oo dadkuna waxay ahaayeen sidii kuwo gunuunac badan, oo wax shar ah ayay Rabbiga dhegihiisa maqashiiyeen. Oo markii Rabbigu maqlay ayaa cadhadiisii kululaatay, oo dabkii Rabbiguna dhexdooduu ka qaxmay, oo xerada meesheedii ugu dambaysay ayuu baabbi'iyey. Markaasaa dadkii waxay u qayliyeen Muuse, kolkaasaa Muuse Rabbiga baryay, oo dabkiina wuu damay. Oo meeshaas magaceediina waxaa loo baxshay Tabceeraah, maxaa yeelay, dabkii Rabbiga ayaa dhexdooda ka qaxmay.

Digaagduurka Rabbiga Ka Yimid

Oo dadkii badnaa oo isku darsanaa oo iyaga ku dhex jirayna aad bay wax ugu jeeleen. Oo reer binu Israa'iilna mar kalay ooyeen, oo waxay yidhaahdeen, Bal yaa hilib aannu cunno na siinaya? Annagu waxaannu xusuusan nahay kalluunkii aannu Masar lacagla'aan uga cuni jirnay, iyo khajaarkii, iyo batiikhii, iyo basashii cagaarka ahayd, iyo basashii guduudnayd, iyo toontii. Laakiinse haatan naftayadii way cunta nacday, oo waxba ma jiraan, oo maannadan ma ahaane wax kaloo aan fiirsanno ma haysanno. Oo maannaduna waxay u ekayd midhaha koryander la yidhaahdo, oo midabkeeduna wuxuu u ekaa midabka xabagta beduliyum la yidhaahdo. Dadku way warwareegi jireen oo soo urursan jireen, markaasay mixdin ku daqiijin jireen, amase mooye ku tumi jireen, oo dheryay ku karsan jireen, oo moofo bay ka samaysan jireen; oo dhadhankeeduna wuxuu ahaa sida dhadhanka wax saliid lagu sameeyey. Oo habeennimada markii sayaxu xerada ku soo dego ayaa maannaduna la soo dhici jirtay.

Rooma 16:17-20

17 Haddaba walaalayaalow, waxaan idinka baryayaa inaad fiiro u lahaataan kuwa kicinaya iskala qaybinta iyo xumaatooyinka oo ka geesta ah cilmiga aad barateen, kana leexda iyaga. 18 Kuwa caynkaas ahu Rabbigeenna Masiix uma adeegaan, laakiinse waxay u adeegaan calooshooda; hadalkooda macaan oo wanaagsan bay ku khiyaaneeyaan qalbiyada jaahiliinta. 19 Warkii addeeciddiinnu wuxuu gaadhay dadka oo dhan. Sidaas daraaddeed aad baan idiinku faraxsanahay, laakiin waxaan jeclaan lahaa inaad garaad u lahaataan waxa wanaagsan, oo aad ka eedla'aataan waxa sharka ah. 20 Oo Ilaaha nabaddu Shayddaan buu haddiiba cagihiinna hoostooda ku burburin doonaa.

Nimcada Rabbigeenna Ciise Masiix ha idinla jirto.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya