Revised Common Lectionary (Semicontinuous)
105 Rabbiga ku mahadnaqa, oo magiciisa ku barya,
Falimihiisana dadyowga ka dhex sheega.
2 Isaga u gabya, oo ammaan ugu gabya,
Shuqulladiisa yaabka badan oo dhanna ka hadla.
3 Ku faana magiciisa quduuska ah,
Kuwa Rabbiga doondoona qalbigoodu ha reyreeyo.
4 Rabbiga iyo xooggiisa doondoona,
Oo weligiinba wejigiisa doondoona.
5 Xusuusta shuqulladiisii yaabka badnaa oo uu sameeyey,
Iyo cajaa'ibyadiisii iyo xukummadii afkiisa,
6 Kuwiinna farcankii addoonkiisii Ibraahim ahow,
Kuwiisa uu doortay oo reer Yacquub ahow.
37 Oo wuxuu dibadda u bixiyey reer binu Israa'iil iyagoo wata lacag iyo dahab,
Oo qabiilooyinkiisiina mid taagdarani kuma uu jirin.
38 Reer Masarna way ku farxeen kolkay ambabbexeen,
Waayo, cabsidoodii baa ku dhacday.
39 Wuxuu korkooda ku kala bixiyey daruur inay qariso,
Iyo dab habeenkii iftiin u noqda.
40 Wax bay weyddiisteen, markaasuu u keenay digaag duur,
Oo wuxuu ka dhergiyey kibistii samada.
41 Dhagaxii ayuu dillaaciyey, markaasay biyo ka soo buqdeen,
Oo meelihii engegnaa ayay ku durdureen sidii webi oo kale.
42 Waayo, wuxuu soo xusuustay eraygiisii quduuska ahaa,
Oo uu kula hadlay addoonkiisii Ibraahim.
43 Dadkiisiina wuxuu soo bixiyey iyagoo faraxsan,
Kuwii uu doortayna iyagoo gabyaya.
44 Oo wuxuu iyagii siiyey dalalkii quruumaha,
Oo iyana waxay hanti ahaan u qaadeen waxay dadyowgu ku hawshoodeen,
45 Inay amarradiisa dhawraan,
Oo ay qaynuunnadiisa xajiyaan.
Rabbiga ammaana.
Biyihii Maaraah Iyo Elim
22 Markaasaa Muuse reer binu Israa'iil hore uga sii kexeeyey Badda Cas, oo waxay tageen cidlada Shuur la yidhaahdo; oo waxay cidlada ku dhex soconayeen saddex maalmood, oo biyona ma ay helin. 23 Oo markii ay yimaadeen Maaraah, way cabbi kari waayeen biyihii Maaraah, waayo, way qadhaadhaayeen, oo sidaas daraaddeed magaceedii waxaa loo bixiyey Maaraah. 24 Markaasay dadkii Muuse u gunuuseen, oo waxay yidhaahdeen, Bal maxaannu cabnaa? 25 Kolkaasuu Rabbiga u qayshaday, oo Rabbigu wuxuu tusay geed, geedkiina wuu ku dhex tuuray biyihii, markaasaa biyihii macaan noqdeen. Oo meeshaas buu wuxuu ugu sameeyey qaynuun iyo amar, oo meeshaas buu ku tijaabiyey iyagii; 26 oo wuxuu ku yidhi, Haddaad aad u dhegaysatid Rabbiga Ilaahaaga ah codkiisa, oo aad samaysid wixii ku hagaagsan indhihiisa hortooda, oo aad dhegta u dhigtid amarradiisa, oo aad dhawrtid qaynuunnadiisii oo dhan, de markaas anigu kugu ridi maayo cudurradii aan Masriyiinta ku riday midnaba; waayo, anigu waxaan ahay Rabbiga ku bogsiiya.
27 Markaasay waxay yimaadeen meel la yidhaahdo Eelim, oo meeshaas waxaa ku yiil laba iyo toban ilood oo biyo ah, iyo toddobaatan geed oo timir ah, oo halkaasay degeen biyaha agtooda.
Digidda
13 Socodkan aan idiin imanayo waa kaygii saddexaad. Laba ama saddex markhaati afkooda ayaa eray walba lagu xaqiiqayn doonaa. 2 Markii horaan idhi, haddana waan leeyahay; sidaan idinku idhi markii labaad oo aan idinla joogay, ayaan haatanna anoo idinka maqan ku leeyahay kuwii hadda ka hor dembaabay iyo inta kale oo dhanba in haddaan mar kale imaado, aanan u tudhayn iyaga, 3 waayo, waxaad doondoonaysaan wax caddeeya in Masiixu iga dhex hadlayo, kan aan xaggiinna ku itaalka yarayn, laakiinse dhexdiinna ku xoogga badan. 4 Waayo, isagoo itaaldaran ayaa iskutallaabta lagu qodbay, laakiin wuxuu ku nool yahay xoogga Ilaah. Annaguba isaga waannu la itaal yar nahay, laakiin isagaannu xaggiinna kula noolaan doonnaa xoogga Ilaah.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya