Revised Common Lectionary (Semicontinuous)
19 Markaasaa malaa'igtii Ilaah oo hor socotay reer binu Israa'iil soo wareegtay oo daba martay iyagii, markaasaa tiirkii daruurta ahaa ka soo hor wareegay oo uu daba maray iyagii; 20 oo wuxuu kala dhex galay reer Masar iyo reer binu Israa'iil; oo waxaa jiray daruur iyo gudcur, laakiinse weliba habeennimadii wuu iftiimay; oo habeenkii oo dhan midna uma soo dhowaan ka kale. 21 Markaasaa Muuse gacantii baddii ku kor fidiyey, oo habeenkii oo dhan Rabbigu wuxuu baddii dib ugu celiyey dabayl xoog badan oo bari ka timid, oo wuxuu baddii ka dhigay dhul engegan, oo biyihiina way kala go'een. 22 Markaasaa reer binu Israa'iil baddii dhex mareen, oo waxay ku socdeen dhul engegan, oo biyihiina waxay iyagii u ahaayeen derbi xagga midigta iyo xagga bidixdaba. 23 Markaasaa Masriyiintiina soo eryadeen, oo intay soo daba galeen ayay waxay mareen badda dhexdeeda, oo waxayna ahaayeen Fircoon fardihiisii iyo gaadhifardoodkiisii, iyo fardooleydiisii oo dhan. 24 Oo markii waagii beryay waxaa dhacday in Rabbigu ciidankii Masriyiinta ka dhex fiiriyey tiirkii dabka ahaa iyo kii daruurta ahaa, kolkaasuu kadeeday ciidankii Masriyiinta. 25 Kolkaasuu giringirihii gaadhifardoodkooda xidhay, inay si dhib leh u kexeeyaan; markaasay Masriyiintii waxay yidhaahdeen, Reer binu Israa'iil hortooda aynu ka cararno; waayo, Rabbigu waa u dirirayaa iyaga oo uga hiilinayaa Masriyiinta.
26 Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Badda gacanta ku kor fidi, inay biyuhu ku soo noqdaan Masriyiinta, iyo gaadhifardoodkooda, iyo fardooleydooda. 27 Markaasaa Muuse gacantii badda ku kor fidiyey, oo markii waagii beryay ayaa baddii xooggeedii hore ku soo noqotay, markaasaa Masriyiintiina ka carareen; kolkaasaa Rabbigu wuxuu Masriyiintii ku tuuray badda dhexdeedii. 28 Markaasaa biyihii isku soo noqdeen, oo waxay qariyeen gaadhifardoodkii, iyo fardooleydii, iyo xataa ciidankii Fircoon oo dhan oo badda dhexdeeda reer binu Israa'iil ku eryaday, oo xataa midna kama hadhin. 29 Laakiinse reer binu Israa'iil waxay ku socdeen dhul engegan oo badda dhexdeeda ah, biyihiina waxay iyagii u ahaayeen derbi xagga midigta iyo xagga bidixdaba. 30 Oo sidaasaa Rabbigu reer binu Israa'iil uga badbaadiyey gacantii Masriyiinta; oo reer binu Israa'iilna waxay arkeen Masriyiintii oo dhimatay oo badda xeebteeda taal. 31 Markaasaa reer binu Israa'iil waxay arkeen shuqulkii weynaa oo Rabbigu ku sameeyey Masriyiintii, kolkaasay dadkii Rabbiga ka cabsadeen, oo waxay rumaysteen Rabbiga iyo addoonkiisii Muuse.
114 Markay reer binu Israa'iil Masar ka soo bexeen,
Oo ay reerkii Yacquub dad af qalaad ka soo bexeen,
2 Ayaa Yahuudah noqday meeshiisa quduuska ah,
Israa'iilna noqday meeshuu u talinayay.
3 Baddii way aragtay, wayna carartay,
Webi Urdunna dib baa loo celiyey.
4 Buurihii waxay u boodboodeen sidii wanan,
Kurihiina sidii baraar.
5 Baddoy, bal maxaa kugu dhacay oo aad u cararaysaa?
Webi Urdunow, maxaad dib ugu noqonaysaa?
6 Buurahow, bal maxaad ugu boodboodaysaan sida wanan?
Kuraha yaryarow, bal maxaad ugu boodboodaysaan sida baraar?
7 Dhulkow, ku gariir Sayidka hortiisa,
Ilaaha reer Yacquub hortiisa ku gariir,
8 Kaas oo dhagaxii u beddelay balli biyo ah,
Oo dhagaxmadowgiina u beddelay il biyo ah.
Gabaygii Muuse Iyo Maryan
15 Markaasaa Muuse iyo reer binu Israa'iil waxay Rabbiga ugu gabyeen gabaygan, oo intay qaadeen, bay yidhaahdeen,
Anigu Rabbiga waan u gabyi doonaa, waayo, ammaan buu ku guulaystay;
Faraskii iyo kii fuushanaaba wuxuu ku tuuray badda.
2 Rabbigu waa xooggayga iyo gabaygayga,
Oo isagu wuxuu noqday badbaadadayda.
Kanu waa Ilaahay, oo anigu waan ammaani doonaa isaga;
Waa Ilaahii aabbahay, aniguna waan sarraysiin doonaa.
3 Rabbigu waa dagaalyahan,
Magiciisuna waa Rabbi.
4 Wuxuu Fircoon gaadhifardoodkiisii iyo ciidankiisiiba ku tuuray badda dhexdeeda,
Oo saraakiishiisii la doortayna waxay tiimbadeen Badda Cas dhexdeeda.
5 Oo waxaa iyagii qariyey moolkii,
Oo moolkay dhex tiimbadeen sidii dhagax oo kale.
6 Rabbiyow, gacantaada midig xoog bay ammaan ku leedahay,
Rabbiyow, gacantaada midig cadowga bay burburisaa.
7 Oo mudnaantaada weynaanteeda ayaad ku jebisaa kuwa adiga kugu kaca.
Oo waxaad soo dirtaa cadhadaada, kolkaasay iyaga u gubtaa sidii jirrido yaryar oo jajab ah.
8 Oo neeftii sankaaga aawadeed ayaa biyihii isdul rasaysmeen,
Daadkiina kor buu u kacay sidii taallo;
Moolkiina wuxuu ku adkaaday badda dhexdeeda.
9 Oo cadowgii wuxuu yidhi,
Anigu waan eryan doonaa, anigu waan gaadhi doonaa, boolida waan kala qaybin doonaa.
Oo damacaygu waa ka dhergi doonaa iyaga;
Oo seeftaydaan galka kala bixi doonaa, gacantayduna way baabbi'in doontaa iyaga.
10 Adigu dabayshaadii baad ku afuuftay, oo baddii baa qarisay iyagii;
Oo sidii laxaamad oo kale ayay u dhex tiimbadeen biyihii xoogga badnaa.
11 Rabbiyow, adiga bal yaa kula mid ah ilaahyada dhexdooda?
Bal yaa adiga kula mid ah oo quduusnimada ammaan ku leh,
Oo ammaantiisa laga cabsadaa, oo cajaa'ibyo sameeya?
20 Markaasaa Maryan oo nebiyad ahayd, Haaruunna walaashiis ahayd, ayaa waxay gacanteeda ku qaadatay daf; kolkaasaa dumarkii oo dhammu ka daba yaaceen iyagoo cayaaraya oo dafaf wata. 21 Markaasaa Maryan waxay ugu celisay iyagii,
War Rabbiga u gabya, waayo, ammaan buu ku guulaystay;
Oo faraskii iyo kii fuushanaaba wuxuu ku tuuray badda.
Waa In Loo Dulqaataa Kuwa Wax Ka Shakiya
14 Kii rumaysadka ku itaal yar soo dhoweeya, mana aha inaad ra'ayiyadiisa la murantaan. 2 Mid baa rumaysan inuu wax walba cuno, kii itaal yarse wuxuu cunaa khodaarta. 3 Kii cunaa yuusan quudhsanin kii aan cunin, kii aan cuninna yuusan xukumin kii cuna, waayo, Ilaah baa aqbalay isaga. 4 Yaad tahay kaaga xukuma midiidinka mid kaleto? Waayo, sayidkiisuu u taagan yahay ama u dhacaa. Waana la taagi doonaa, waayo, Rabbigu waa awoodaa inuu taago. 5 Nin bay la tahay in maalinu maalinta kale ka fiican tahay, mid kalena waxay la tahay in maalmaha oo dhammu isku mid yihiin. Mid kastaaba maankiisa aad ha ugu hubsado. 6 Kii maalinta ka fikiraa, Rabbiguu uga fikiraa, kii wax cunaa, Rabbiguu u cunaa, waayo, Ilaah buu ku mahadnaqaa; kii aan wax cuninuna, Rabbiga ayuusan u cunin, oo Ilaah buu ku mahadnaqaa. 7 Midkeenna naftiisa uma noola, midkeenna naftiisa uma dhinto. 8 Waayo, haddii aynu nool nahay, Rabbigaynu u nool nahay; oo haddii aynu dhimannona, Rabbigaynu u dhimannaa, sidaas daraaddeed haddii aynu nool nahay iyo haddii aynu dhimannoba, Rabbigaa ina leh. 9 Waayo, sababtaasaa Masiixu u dhintay, una soo noolaaday inuu Rabbi u noqdo kuwii dhintay iyo kuwa noolba. 10 Adigu maxaad walaalkaa u xukuntaa? amase adigu maxaad walaalkaa u quudhsataa? Waayo, kulligeen waxaynu hor istaagi doonnaa kursiga xukumaadda Ilaah. 11 Waayo, waxaa qoran,
Anigu waa noolahay, ayaa Rabbigu leeyahay, oo jilib waluba anuu ii sujuudi doonaa,
Carrab walubana Ilaah buu qiri doonaa.
12 Sidaasaa midkeen kastaba Ilaah ula xisaabtami doonaa.
Waajibka Iscafiga Iyo Masaalka Ku Saabsan Midiidinkii Abaaldarnaa(A)
21 Markaas Butros ayaa u yimid oo ku yidhi, Sayidow, immisa goor baan cafiyaa walaalkay hadduu igu dembaabo? Ma ilaa toddoba goor baa? 22 Ciise ayaa ku yidhi, Kugu odhan maayo, Ilaa toddoba goor, laakiin, Ilaa toddobaatan goor oo toddoba ah. 23 Sidaa darteed boqortooyada jannada waxaa loo ekaysiiyaa nin boqor ah oo doonayay inuu addoommadiisa ka xisaab qaato. 24 Goortuu bilaabay inuu xisaab qaato waxaa loo keenay nin toban kun oo [a]talanti uu ku lahaa. 25 Laakiin wuxuu ku bixiyo ma uu haysan. Markaasaa sayidkii wuxuu ku amray in la iibiyo isaga iyo naagtiisa iyo carruurtiisa iyo wuxuu lahaa oo dhan, oo lagu bixiyo. 26 Addoonkii haddaba wuu dhacay, oo intuu sujuuday, ayuu wuxuu ku yidhi, Ii dulqaado, anna waan wada bixin doonaaye. 27 Markaasaa addoonkaas sayidkiisii u naxariistay, wuuna sii daayay, oo amaahdii wuu u dhaafay.
28 Laakiin addoonkaas ayaa baxay oo helay mid ka mid ah addoommadii uu la shaqayn jiray, kii uu ku lahaa boqol dinaar. Wuu qabtay oo intuu ceejiyey ayuu ku yidhi, Bixi waxa lagugu leeyahay. 29 Addoonkii uu la shaqayn jiray ayaa haddaba cagihiisii isku riday oo baryay, oo ku yidhi, Ii dulqaado, anna waan bixin doonaaye. 30 Isaguse ma uu doonaynin, laakiin wuu baxay oo xabsiga ku tuuray ilaa uu bixiyo wixii lagu lahaa. 31 Haddaba kuwii la shaqayn jiray, goortay arkeen wixii dhacay, aad bay u calool xumaadeen, oo intay sayidkooda u yimaadeen, ayay u sheegeen wixii dhacay oo dhan. 32 Markaasaa sayidkiisii u yeedhay oo ku yidhi, Addoon yahow sharkaluhu! Waxaan kugu lahaa oo dhan waan kuu dhaafay, waayo, waad i bariday. 33 Miyaanad lahayn inaad kii kula shaqayn jiray u naxariisatid sidaan anigu kuugu naxariistay? 34 Markaasaa sayidkiisu cadhooday oo u dhiibay kuwa dadka silciya ilaa uu bixiyo wixii lagu lahaa oo dhan. 35 Sidaas oo kalena ayaa Aabbahayga jannada ku jiraa idinku samayn doonaa, haddaan midkiin waliba qalbiga ka cafiyin walaalkiis.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya