Revised Common Lectionary (Semicontinuous)
149 Rabbiga ammaana.
Rabbiga gabay cusub ugu gabya,
Oo ammaantiisana shirka quduusiinta kaga dhex gabya.
2 Reer binu Israa'iil kii iyaga uumay ha ku reyreeyeen,
Oo reer Siyoonna boqorkooda ha ku farxeen.
3 Magiciisa cayaarta ha ku ammaaneen,
Oo ammaan ha ugu gabyeen iyagoo sita daf iyo kataarad.
4 Waayo, Rabbigu wuxuu ku farxaa dadkiisa,
Wuxuu kuwa camalka qabowna ku qurxin doonaa badbaado.
5 Quduusiintu ammaan ha ku reyreeyeen,
Oo farxad ha ku gabyeen iyagoo sariirahooda jiifa.
6 Ammaanta sare oo Ilaah afkooda ha ku jirto,
Seef laba af lahuna gacantooda ha ku jirto,
7 Si ay quruumaha uga aargutaan,
Oo ay dadyowgana u ciqaabaan,
8 Si ay boqorradooda silsilado ugu soo xidhaan,
Oo ay raggooda gobta ahna jeebbooyin bir ah ugu soo xidhaan,
9 Si ay iyaga ugu soo dejiyaan xukunka qoran,
Quduusiintiisa oo dhammuna waxay leeyihiin sharaftan.
Rabbiga ammaana.
Belaayadii Oo Ku Dhacday Curadyada
11 Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Weli belaayo kale ayaan Fircoon iyo Masar ku soo dejin doonaa; oo dabadeedna wuu idin sii dayn doonaa inaad halkan ka tagtaan, oo markuu idin sii daayo, giddigiin ayuu halkan idinka sii wada eryi doonaa. 2 Haddaba dadka dhegihiisa maqashii, oo nin waluba ha weyddiisto deriskiisa, naag walubana ha weyddiisato deriskeeda alaab lacag ah iyo alaab dahab ah. 3 Rabbiguna Masriyiintii ayuu dadkii raalli uga dhigay. Oo weliba ninkii Muuse ahaa wuxuu dalka Masar ku ahaa mid aad u weyn xagga Fircoon addoommadiisa iyo xagga dadkaba.
4 Muusena wuxuu yidhi, Waxaa Rabbigu leeyahay, Habeenbadhka baan dalka Masar ku dhex soconayaa, 5 oo curadyada dalka Masar jooga oo dhammu way wada dhiman doonaan, curadka Fircoon oo ku fadhiya carshigiisa, ilaa la gaadho curadka gabadha addoonta ah oo ka dambaysa dhagaxshiidka, iyo curadyada xoolaha oo dhan. 6 Oo waxaa dalka Masar oo dhan jiri doonta oohin weyn, taas oo kale aan hore loo arag, hadda kaddibna aan la arki doonin marnaba. 7 Laakiinse reer binu Israa'iil dad iyo duunyo toona xataa eeyna afka u kala qaadi maayo, si aad u ogaataan in Rabbigu kala duway Masriyiinta iyo reer binu Israa'iil. 8 Oo addoommadaadan oo dhammu anigay ii iman doonaan, oo anigay ii sujuudi doonaan, iyagoo leh, Iska bax, adiga iyo dadka kula socda oo dhammuba; oo markaas dabadeed ayaan bixi doonaa. Oo wuxuu Fircoon kaga tegey cadho aad u kulul.
9 Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Fircoon hadalkaaga dhegaysan maayo, inay cajaa'ibyadaydu dalka Masar ku sii bataan aawadeed. 10 Muuse iyo Haaruunna cajaa'ibyadan oo dhan waxay ku sameeyeen Fircoon hortiisa; Rabbiguna waa sii qallafiyey qalbigii Fircoon oo isna ma uusan sii dayn reer binu Israa'iil inay dalkiisa ka baxaan.
29 Waa idiin hoog, culimmo iyo Farrisiin yahay, labawejiilayaasha ahu, waayo, waxaad dhistaan xabaalaha nebiyada, oo waxaad qurxisaan qabriyada kuwii xaqa ahaa; 30 oo waxaad tidhaahdaan, Haddii aannu waagii awowayaashayo joogi lahayn, annagu kala ma aannan qayb galneen kuwii dhiigga nebiyada qabay. 31 Sidaasaad isugu marag furaysaan inaad tihiin wiilasha kuwii nebiyada dilay. 32 Idinku haddaba dhammaystira qiyaastii awowayaashiin. 33 Abeesooyin yahow, dhal jilbisay, sidee baad uga baxsan doontaan xisaabta jahannamada? 34 Sidaa darteed, waxaan idiin soo dirayaa nebiyo iyo kuwa xigmadda leh iyo culimmo. Qaarkood waad dili doontaan oo iskutallaabta ku qodbi doontaan, qaarkoodna sunagogyadiinna ayaad ku karbaashi doontaan, oo magaalo ilaa magaalo ayaad ku silcin doontaan, 35 inuu dushiinna ku soo dego dhiiggii xaqa ahaa oo dhulka ku daatay oo dhan oo laga bilaabo dhiigga Haabiil kii xaqa ahaa ilaa dhiigga Sakariyas ina Barakiyas kan aad ku disheen meesha quduuska ah iyo meeshii allabariga dhexdooda. 36 Runtii waxaan idinku leeyahay, Waxyaalahan oo dhan ayaa qarnigan ku dul degi doona.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya