Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Semicontinuous)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with sequential stories told across multiple weeks.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 8

Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu luuqeeyaa Gitiid.

Rabbiyow, Sayidkayagiiyow,
Magacaagu dunida oo dhan ku fiicanaa!
Waayo, sharaftaadii waxaad ka sarraysiisay samooyinka.
Waxaad xoog u yeeshay afka ilmaha yaryar iyo caanonuugga,
Waana cadaawayaashaada daraaddood,
Si aad u aamusiisid cadowga iyo aardoonka.
Markaan ka fiirsado samooyinka farahaaga lagu sameeyey,
Iyo dayaxa iyo xiddigaha aad amartay,
Bal waa maxay dadku oo aad u xusuusataa isaga?
Iyo wiilka aadanaha oo aad u soo booqataa?
Waayo, waxaad isaga wax yar ka hoosaysiisay malaa'igaha,
Waxaanad taaj uga dhigtay ammaan iyo murwad.
Oo waxaad isaga ka dhigtay inuu u taliyo shuqullada gacmahaaga,
Oo wax walbana cagihiisaad ka hoosaysiisay,
Idaha iyo lo'da oo dhan,
Iyo xayawaanka duurka joogaba,
Iyo haadka hawada, iyo kalluunka badda,
Iyo wax alla waxa ku dhex socda waddooyinka badaha.
Rabbiyow, Sayidkayagiiyow,
Magacaagu dunida oo dhan ku fiicanaa!

Baxniintii 2:15-22

15 Haddaba markii Fircoon waxaas maqlay, ayuu wuxuu doondoonay inuu Muuse nafta ka qaado. Laakiinse Muuse waa ka cararay Fircoon hortiisii, oo wuxuu degay dalka Midyaan, oo ceel buu ag fadhiistay. 16 Haddaba wadaadkii Midyaan wuxuu lahaa toddoba gabdhood. Intay ceelkii yimaadeen ayay dhaamiyeen oo berkedihii biyo ka buuxiyeen inay waraabiyaan idihii aabbahood. 17 Markaasaa adhijirro yimaadeen oo ka eryeen, laakiinse Muuse intuu istaagay, ayuu caawiyey iyagii, oo idahoodii u waraabiyey. 18 Oo markay u yimaadeen Recuu'eel oo aabbahood ah ayuu wuxuu ku yidhi, Waa sidee, maanta waad soo dhaqsateene? 19 Markaasay waxay yidhaahdeen, Midkoo Masri ah ayaa naga samatabbixiyey gacantii adhijirrada, oo weliba biyuu noo dhaamiyey oo idaha isagaa noo waraabiyey. 20 Markaasuu wuxuu gabdhihiisii ku yidhi, Isagii meeyey? De maxaad ninkii uga soo kacdeen? U yeedha, kibis ha cunee. 21 Muusena raalli buu ka ahaa inuu ninkaas la joogo, oo isagu wuxuu Muuse siiyey gabadhiisii Siforaah. 22 Oo waxay u dhashay wiil, markaasuu magiciisii wuxuu u bixiyey Gershoom, waayo, wuxuu yidhi, Qariib baan ku ahaa dal qalaad.

Matayos 26:6-13

Ciise Oo Beytaniya Lagu Subkay(A)

Ciise goortuu Beytaniya joogay oo ku jiray guriga Simoon kii baraska qabi jiray, waxaa u timid naag haysa weel [a]alabastar ah oo cadar qaali ah ku jiro, oo waxay ku shubtay madaxiisa intuu cuntada u fadhiyey. Laakiin xertu goortay arkeen, way cadhoodeen oo waxay yidhaahdeen, Khasaaradanu maxay ku noqotay? Waayo, kan waxaa lagu iibin kari lahaa wax badan oo masaakiinta la siin lahaa. 10 Ciise goortuu gartay ayuu ku yidhi, Maxaad naagta u dhibaysaan? Shuqul wanaagsan ayay igu samaysaye. 11 Waayo, masaakiintu mar walba way idinla jiraan, aniguse mar walba idinlama joogo. 12 Waxay cadarkan jidhkayga ugu shubtay inay aasniintayda ii diyaargarayso. 13 Runtii waxaan idinku leeyahay, Dunida oo dhan meel alla meeshii injiilkan lagu wacdiyo, waxay samaysay ayaa xusuusteeda lagaga hadli doonaa.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya