Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Semicontinuous)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with sequential stories told across multiple weeks.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 124

Gabayga meelokoridda oo Daa'uud tiriyey.

124 Haddaan Rabbigu inala jirin
Hadda reer binu Israa'iil ha yidhaahdeen,
Haddaan Rabbigu inala jirin,
Markii dadku inagu kacay,
Kolkaasay innagoo noolnool ina wada liqliqi lahaayeen,
Markay aad inoogu cadhoodeen,
Kolkaasay biyuhu ina qarqin lahaayeen,
Durdurna nafteennuu dul mari lahaa,
Oo kolkaasay biyaha kibirsanu nafteenna dul mari lahaayeen.
Waxaa mahad leh Rabbiga
Aan inaga dhigin ugaadh ilkahoodu ay qabsadaan.
Nafteennu waxay u baxsatay sida shimbir uga baxsato dabinka shimbirrodabtaha,
Dabinkii wuu go'ay, innaguna waynu baxsannay.
Caawimaaddeennu waxay ku jirtaa magaca Rabbiga
Sameeyey samada iyo dhulkaba.

Bilowgii 49

Yacquub Oo Barakeeyey Wiilashiis

49 Markaasuu Yacquub wiilashiisii u yeedhay; oo wuxuu ku yidhi, Isa soo urursada, aan idiin sheego waxyaalaha maalmaha ugu dambeeya idinku dhici doona.

Wiilashii Yacquubow, isa soo urursada, oo maqla,
Oo i dhegaysta anigoo ah aabbihiin Israa'iil.
Ruubeenow, waxaad tahay curadkayga, iyo xooggayga, iyo itaalkayga bilowgiisa,
Xagga sharafka adaa u sarreeya, xagga xooggana adaa u sarreeya.
Waxaad tahay sida biyo socda, oo ma sarrayn doontid,
Maxaa yeelay, adigu waxaad fuushay sariirtii aabbahaa;
Waanad nijaasaysay. Wuxuu fuulay sariirtaydii.
Simecoon iyo Laawi waa walaalo,
Seefahoodu waa hub dirireed.
Naftaydiiyey, ha gelin guddigooda,
Oo ururkoodana ha la midoobin, ammaantaydiiyey;
Waayo, cadhadoodii nin bay ku dileen,
Oo qushigooday dibi ku boqno jareen.
Habaar ha ku dhaco cadhadooda, waayo, xoog bay lahayd,
Habaar ha ku dhaco ciilkooda, waayo, naxariis ma uu lahayn.
Reer Yacquub baan ku kala qaybin, oo reer binu Israa'iil baan ku kala firdhin.
Yahuudahow, walaalahaa waa ku ammaani doonaan.
Gacantaadu waxay saarnaan doontaa cadaawayaashaada qoortooda,
Anigoo ah aabbahaana wiilashaydu way kuu sujuudi doonaan,
Yahuudah waa libaax dhashiis.
Wiilkaygiiyow, wixii aad ugaadhsatay waad ka tagtay.
Wuu kadaloobsaday, oo wuxuu u jiifsaday sida aar,
Iyo sida gool, haddaba yaa kicin doona?
10 Usha boqortooyadu kama tegi doonto Yahuudah,
Usha taliyuhuna cagihiisa kama dhex bixi doonto;
Ilaa Shiiloh yimaado;
Dadkuna isagay addeeci doonaan.
11 Qaylkiisa wuxuu ku xidhaa geed canab ah,
Dameerkiisa yarna canabka la doorto,
Dharkiisa wuxuu ku maydhaa khamri,
Lebiskiisana dhiig canab.
12 Indhihiisu waxay la guduudan doonaan khamri,
Ilkihiisuna waxay la caddaan doonaan caano.
13 Sebulun wuxuu degganaan doonaa badda xeebteeda.
Wuxuuna noqon doonaa marsada doonniyaha,
Xuduudkiisuna wuxuu ahaan doonaa Siidoon agteeda.
14 Isaakaar waa dameer xoog weyn,
Oo jiifsada xeryaha idaha dhexdooda.
15 Oo wuxuu arkay meel lagu nasto inay wanaagsan tahay,
Iyo dhulku inuu nimcaysan yahay;
Kolkaasuu garbihiisa u soo goday inuu wax ku qaado,
Oo addoon buu u noqday hawshii.
16 Daanna wuxuu dadkiisa u xukumi doonaa
Sidii qabiilooyinka Israa'iil middood.
17 Daan wuxuu noqon doonaa abeeso jidka dhex joogta,
Iyo jilbis waddada dhex yaal,
Oo fardaha cedhbaha ka qaniina,
Si uu kii faraska ku joogaana dib ugu dhaco.
18 Rabbiyow, waxaan sugayay badbaadintaada.
19 Waxaa Gaad cidhiidhi gelin doonta guuto wax dhacda;
Laakiinse isna cedhibtooduu cidhiidhi gelin doonaa.
20 Aasheerna cuntadiisu subag bay lahaan doontaa,
Wuxuuna keeni doonaa cunto ay reer boqor ku farxaan.
21 Naftaali waa cawl la furay,
Hadallo wanwanaagsanna wuu ku hadlaa.
22 Yuusuf waa laan midho leh,
Waa laan midho leh oo il biyo ah ku ag taal;
Laamihiisuna derbigay kor u dhaafaan.
23 Qaansolayaasha ayaa aad u dhibay,
Wayna toogteen oo silciyeen;
24 Laakiinse qaansadiisu xoog bay sii yeelatay,
Dhudhummadii gacmihiisana waxaa lagu xoogeeyey
Gacmaha Kan xoogga leh oo Yacquub,
(Kaasuu adhijirku ka imanayaa, waana dhagaxii Israa'iil)
25 Oo ah Ilaaha aabbahaa oo ku caawimi doona,
Iyo Ilaaha Qaadirka ah, oo kugu barakayn doona
Barakooyinka samada sare,
Iyo barakooyinka moolka hoos jiifa,
Iyo barakooyinka naasaha iyo maxalka.
26 Barakooyinkii aabbahaa
Way ka xoog badnaadeen barakooyinkii awowayaashay
Ilaa meesha ugu fog oo buuraha weligood waara;
Waxay saarnaan doonaan madaxa Yuusuf,
Iyo dhakada kan walaalihiis laga soocay.
27 Benyaamiin waa yeey hilib dillaacsada;
Oo aroorta wuxuu cuni doonaa wixii uu ugaadhsaday,
Fiidkana wuxuu qaybin doonaa wixii uu dhacay.

28 Kuwan oo dhammu waa laba iyo tobankii qabiil oo reer binu Israa'iil; tanuna waa wixii aabbahood kula hadlay oo ugu duceeyey; mid walbana sidii ducadiisu ahayd buu ugu duceeyey.

Dhimashadii Yacquub

29 Oo wuxuu kula dardaarmay, oo ku yidhi iyagii, Waxaan ku darman doonaa dadkaygii. Awowayaashay igula aasa godka ku yaal berrinka Cefroon kii reer Xeed, 30 kaasoo ah godka ku yaal berrinkii Makfelah, oo ku hor yaal Mamre, oo dalka Kancaan ku taal, oo uu Ibraahim Cefroon kii reer Xeed ka iibsaday, godka iyo berrinkaba, inuu ka dhigto meel xabaaleed oo hanti ah. 31 Halkaasaa lagu aasay Ibraahim iyo afadiisii Saarahba, halkaasaa lagu aasay Isxaaq iyo afadiisii Rebeqahba, oo anna Lee'ah baan ku aasay halkaas 32 oo ah berrinka iyo godka ku dhex yaalba, oo laga iibsaday reer Xeed. 33 Oo markii Yacquub dhammeeyey dardaarankii uu wiilashiisii kula dardaarmayay ayuu cagihiisii ku soo urursaday sariirta, oo markaasuu naf baxay, oo wuxuu ku darmaday dadkiisii.

1 Korintos 6:1-11

Dacwado Ay Masiixiyiintu Isdacweeyaan

Midkiin haddii uu xaal ku haysto kan kale, miyuu ku dhacaa inuu ku dacweeyo kuwa aan xaqa ahayn hortooda, oo aanu ku dacwayn quduusiinta hortooda? Mise waydnaan garanaynin in quduusiintu ay dunida xukumi doonaan? Oo haddaad dunida xukuntaan, ma waxaad tihiin kuwa aan istaahilin inay waxyaalaha yaryar xukumaan? Miyeydnaan ogayn inaynu malaa'igaha xukumi doonno? Intee ka badan baa waxyaalaha noloshan ku saabsan aynu xukumaynaa? Haddaba haddii aad leedihiin axwaal ku saabsan waxyaalaha noloshan, kuwa aan waxba ka ahayn kiniisadda miyaad ka dhigaysaan inay xukumaan? Waxaan taas u leeyahay inaan idin ceebeeyo. Ma sidaas baa inaan dhexdiinna laga helaynin mid xigmad leh oo karaya inuu u gar qaybiyo walaalihiis, laakiin in walaal walaalkii dacweeyo oo uu weliba ku dacweeyo kuwa aan rumaysnayn hortooda? Haddaba waa idiin wada daran tahay in midkiinba midka kale dacweeyo. Maad iska daysaan, ha laydin xumeeyee? Maad iska daysaan, ha laydin dulmee? Laakiin idinka qudhiinnu wax baad xumaysaan oo dulantaan, oo xataa walaalihiin. Ama miyeydnaan ogayn in kuwa xaqa darani ayan dhaxlayn boqortooyadii Ilaah? Yaan laydin khiyaanayn. Ama dhillayaasha, ama kuwa sanamka caabuda, ama kuwa sinaysta, ama khaanisiinta, 10 ama tuugagga, ama kuwa wax badan damca, ama kuwa sakhraama, ama kuwa wax caaya, ama kuwa wax dulma, ma dhaxli doonaan boqortooyadii Ilaah. 11 Qaarkiin sidaas oo kale baad ahaan jirteen, laakiin waa laydinka maydhay, quduus baa laydinka dhigay, xaq baa laydinkaga dhigay magaca Rabbi Ciise Masiix iyo Ruuxa Ilaaheenna.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya