Revised Common Lectionary (Semicontinuous)
Yuusuf Oo Isu Muujiyey Walaalihiis
45 Markaasaa Yuusuf ku hor adkaysan kari waayay kuwii isaga la taagnaa oo dhan; oo wuxuu ku qayliyey, Nin walba dibadda iiga bixiya. Oo ninnaba lama taagnayn isaga markii Yuusuf walaalihiis isu sheegay. 2 Markaasuu intuu codkiisii kor u qaaday ooyay; oo Masriyiintiina way maqleen, dadkii guriga Fircoonna way maqleen. 3 Markaasuu Yuusuf wuxuu walaalihiis ku yidhi, Yuusuf baan ahay, ee aabbahay weli ma nool yahay? Walaalihiisna way u jawaabi kari waayeen; waayo, aad bay ugu argaggexeen hortiisa. 4 Markaasaa Yuusuf wuxuu walaalihiis ku yidhi, Bal ii soo dhowaada, waan idin baryayaaye. Kolkaasay u soo dhowaadeen. Markaasuu yidhi, Anigu waxaan ahay walaalkiin Yuusuf, kii aad ka iibiseen kuwii Masar tegayay. 5 Oo haatan ha caloolxumaanina, naftiinnana ha u cadhoonina iibiskii aad halkan iga iibiseen aawadiis; waayo, Ilaah wuxuu hortiin ii soo diray in nafo la badbaadiyo. 6 Waayo, labadan sannadood baa dhulku abaar ahaa, oo weli waxaa hadhay shan sannadood, oo aan beer la fali doonin, waxna la goosan doonin. 7 Oo Ilaah wuxuu hortiin ii soo diray inuu dadkiinna qaar dhulka idiinku reebo, oo uu idiin badbaadiyo kuwo fara badan oo baxsada. 8 Haddaba sidaas daraaddeed idinka ma ahayn kii halkan ii soo diray, laakiinse wuxuu ahaa Ilaah; oo isagu Fircoon buu aabbe iiga dhigay, iyo sayidkii dadka gurigiisa oo dhan, iyo taliyihii dalka Masar oo dhan. 9 Dhaqsada, oo aabbahay u kaca, oo waxaad isaga ku tidhaahdaan, Wiilkaagii Yuusuf wuxuu kugu soo yidhi, Ilaah wuxuu iga dhigay sayidkii Masar oo dhan, ee soo dhaadhac oo ii kaalay, hana raagin; 10 oo waxaad degi doontaa dhulka la yidhaahdo Goshen, oo waad ii soo dhowaan doontaa, adiga iyo carruurtaada, iyo carruurtaada carruurtooda, iyo adhigaaga iyo lo'daada, iyo waxa aad haysatid oo dhanba; 11 oo halkaasaan kugu quudin doonaa; waayo, weli waxaa hadhay shan sannadood oo abaar ah, waaba intaasoo aad gaajootaan, adiga iyo reerkaaga, iyo waxa aad haysatid oo dhammuba. 12 Oo bal eega, indhihiinnu waa arkaan, iyo indhaha walaalkay Benyaamiinba, inuu afkaygii yahay kan idinla hadlaya. 13 Idinku waxaad aabbahay u sheegtaan ammaantayda aan Masar ku leeyahay oo dhan, iyo wixii aad aragteen oo dhan; oo dhaqsada oo aabbahay halkan keena. 14 Markaasuu walaalkiis Benyaamiin qoortiisa dhab yidhi, wuuna ku dul ooyay, Benyaamiinna qoortiisuu ku ooyay. 15 Markaasuu wada dhunkaday walaalihiis oo dhan, wuuna ku dul ooyay; dabadeedna walaalihiis baa la hadlay isagii.
Gabayga meelokoridda oo Daa'uud tiriyey.
133 Bal eeg, siday u wanaagsan tahay oo ay u wacan tahay
Inay walaalo wadajir ku degganaadaan!
2 Waa sida saliidda qaaliga ah ee madaxa,
Oo ku soo dareertay gadhka,
Kaasoo ahaa gadhkii Haaruun,
Oo waxay soo gaadhay daraftii dharkiisa,
3 Waana sida dharabka Buur Xermoon,
Oo ku soo dega buuraha Siyoon,
Waayo, Rabbigu wuxuu amray inay halkaas ku dhacdo barako,
Taasoo ah nolosha tan iyo weligeedba.
Diidniinta Ilaah Israa'iil Diiday Ma Dhamma
11 De waxaan leeyahay, Ilaah miyuu xooray dadkiisii? Ma suurtowdo. Waayo, anba waxaan ahay mid reer binu Israa'iil ah, oo farcankii Ibraahim ah, oo qabiilkii Benyaamiin ah. 2 Ilaah dadkiisii uu hore u yiqiin ma xoorin. Mise ma waydaan aqoon waxa Qorniinku ka sheegayo Eliyaas? siduu Ilaah ugu cawday isagoo reer binu Israa'iil ka cabanaya oo leh,
29 Waayo, hadiyadaha iyo yeedhidda Ilaah ka soo noqosho ma leh. 30 Waayo, idinkuba mar baad Ilaah caasi ku ahaydeen, laakiinse haatan waxaa laydiinku naxariistay kuwaas caasinimadooda, 31 sidaas oo kalay iyaguna haatan caasi u noqdeen, in naxariistii laydin tusay, iyagana haatan loogu naxariisto. 32 Waayo, Ilaah kulli wuxuu ku wada xidhay caasinimo inuu u wada naxariisto kulli.
10 Markaasuu dadkii badnaa u yeedhay oo ku yidhi, Maqla oo garta. 11 Ma aha waxa afka gala waxa ninka nijaaseeyaa, laakiin waxa afka ka soo baxa, kaas ayaa ninka nijaaseeya. 12 Markaasaa xertii u timid oo ku tidhi, Ma og tahay Farrisiintii inay ka xumaadeen markay hadalkii maqleen? 13 Laakiin wuu u jawaabay oo ku yidhi, Geed walba oo aan Aabbahayga jannada ku jiraa abuurin waa la rujin doonaa. 14 Iska daaya. Iyagu waa indhoolayaal indhoolayaal hagayaye. Laakiin nin indha la' hadduu nin indha la' hago, labadooduba god bay ku dhici doonaan. 15 Markaasaa Butros u jawaabay oo ku yidhi, Masaalkaa noo caddee. 16 Kolkaasuu wuxuu yidhi, Idinku weli ma garashola'aan baad tihiin? 17 Miyaydnaan garanaynin, Wax kasta oo afka galaa calooshay tagaan, oo waxaa lagu tuuraa meesha lagu saxaroodo? 18 Laakiin waxa afka ka soo baxaa, qalbigay ka yimaadaan; oo kuwaas weeye waxa ninka nijaaseeyaa. 19 Waayo, waxaa qalbiga ka soo baxaa fikirrada sharka leh iyo dilidda iyo sinada iyo galmada xaaraanta ah iyo tuuganimada iyo maragga beenta ah iyo cayda. 20 Kuwan weeye waxa ninka nijaaseeyaa. Laakiin in lagu cuno faro aan la maydhin, ninka ma nijaasayso.
Bogsiintii Gabadhii Aan Yuhuudda Ahayn(A)
21 Ciise ayaa meeshaas ka baxay, oo dhinacyada Turos iyo Siidoon ayuu u leexday. 22 Oo naag reer Kancaan ah ayaa soohdimahaas ka soo baxday oo qaylisay iyadoo leh, Ii naxariiso, Sayidow, ina Daa'uudow. Gabadhayda jinni baa si xun u waalaya. 23 Laakiin hadal uguma uu jawaabin. Markaasaa xertiisii u timid oo ka bariday iyagoo leh, Eri, waayo, way inaga daba qaylinaysaa. 24 Laakiin wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, La iima soo dirin, idaha lunsan oo reer binu Israa'iil maahee. 25 Laakiin iyadu way u timid oo sujuudday, oo waxay tidhi, Sayidow, i caawi. 26 Wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Ma wanaagsana in carruurta kibistooda la qaado oo eeyaha loo tuuro. 27 Waxay tidhi, Waa run, Sayidow, laakiin weliba eeyahu waxay cunaan jajabka ka dhaca miiska sayidkooda. 28 Markaasaa Ciise u jawaabay oo ku yidhi, Naagtay, rumaysadkaagu waa weyn yahay ee ha kuu noqoto sidaad doonaysid. Oo saacaddaasba gabadheedii waa bogsatay.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya