Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Semicontinuous)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with sequential stories told across multiple weeks.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 133

Gabayga meelokoridda oo Daa'uud tiriyey.

133 Bal eeg, siday u wanaagsan tahay oo ay u wacan tahay
Inay walaalo wadajir ku degganaadaan!
Waa sida saliidda qaaliga ah ee madaxa,
Oo ku soo dareertay gadhka,
Kaasoo ahaa gadhkii Haaruun,
Oo waxay soo gaadhay daraftii dharkiisa,
Waana sida dharabka Buur Xermoon,
Oo ku soo dega buuraha Siyoon,
Waayo, Rabbigu wuxuu amray inay halkaas ku dhacdo barako,
Taasoo ah nolosha tan iyo weligeedba.

Bilowgii 41:37-57

37 Waxaasuna Fircoon way la wanaagsanaayeen, isaga iyo addoommadiisiiba. 38 Markaasaa Fircoon wuxuu addoommadiisii ku yidhi, Miyaynu heli karaynaa mid la mid ah kan, oo ah nin Ruuxa Ilaah ku jiro? 39 Markaasuu Fircoon wuxuu Yuusuf ku yidhi, Mar haddii Ilaah ku tusay waxyaalahan oo dhan, ma jiro mid sidaadoo kale caqli iyo xigmad u leh. 40 Adigu waxaad ka sarrayn doontaa gurigayga, dadkayga oo dhanna waxaa lagu xukumi doonaa si waafaqsan hadalkaaga, oo anigu carshiga oo keliya ayaan kaaga weynaan doonaa.

Yuusuf Oo Ka Sarreeyey Masar

41 Markaasaa Fircoon wuxuu Yuusuf ku yidhi, Bal eeg, dalka Masar oo dhan ayaan kaa sarraysiiyey. 42 Markaasuu Fircoon gacantiisa ka bixiyey kaatunkiisii, oo Yuusuf gacanta u geliyey, oo wuxuu u xidhay dhar aad u wanaagsan, silsilad dahab ahna qoortuu u sudhay; 43 oo wuxuu fuushiiyey gaadhifaraskii labaad oo uu lahaa, oo waxay hortiisa kaga qayliyeen, Sujuuda; oo wuxuu ka sarraysiiyey dalka Masar oo dhan. 44 Markaasaa Fircoon wuxuu Yuusuf ku yidhi, Anigu waxaan ahay Fircoon, oo adiga la'aantaa ninna gacantiisa ama cagtiisa kor uma qaadi doono dalka Masar oo dhan. 45 Markaasaa Fircoon wuxuu Yuusuf magiciisii u bixiyey Saafnad Facneh, oo wuxuu u guuriyey Aasenad oo ahayd ina Footiiferac, wadaadkii Oon. Yuusufna markaasuu dalkii Masar oo dhan u baxay oo wada maray. 46 Yuusufna soddon sannadood buu jiray markuu hor istaagay Fircoon oo ahaa boqorkii Masar. Markaasaa Yuusuf Fircoon hortiisii ka tegey, oo wuxuu wada maray dalkii Masar oo dhan. 47 Markaasaa toddobadii sannadood oo barwaaqada ahayd waxaa dhulkii ka soo baxay wax aad u badan. 48 Markaasuu ururiyey cuntadii toddobadii sannadood baxday oo dalka Masar oo dhan tiil, oo cuntadii wuxuu ku kaydiyey magaalooyinka. Cuntadii beerihii ku wareegsanaa magaalo kastana isku meel buu ku kaydiyey. 49 Markaasaa Yuusuf hadhuudh aad u badan wuxuu u kaydiyey sida cammuudda badda, ilaa uu tirintii daayay, maxaa yeelay, waxay ahayd wax aan tiro lahayn. 50 Oo Yuusuf waxaa u dhashay laba wiil intii aan sannaddii abaarta ahayd iman, oo waxaa u dhashay Aasenad oo ahayd ina Footiiferac, wadaadkii Oon. 51 Markaasaa Yuusuf wuxuu curadkii magiciisii u bixiyey Manaseh; waayo, wuxuu yidhi, Ilaah waa i illowsiiyey dhibaatadaydii oo dhan, iyo gurigii aabbahay oo dhan. 52 Kii labaadna magiciisii wuxuu u bixiyey Efrayim. Waayo, wuxuu yidhi, Ilaah waa igu badiyey dalkii aan ku dhibtooday. 53 Markaasaa toddobadii sannadood oo barwaaqada ahayd ay dalkii Masar ka dhammaadeen. 54 Oo waxaa bilaabatay toddobadii sannadood oo abaarta ahayd, sidii Yuusuf yidhi. Dalalkii oo dhanna abaar baa ka dhacday; laakiinse dalka Masar oo dhan cuntaa jirtay. 55 Oo markii dalkii Masar oo dhammu wada abaarsaday ayaa dadkii Fircoon cunto ugu qayliyeen. Markaasaa Fircoon wuxuu ku yidhi Masriyiintii oo dhan, Yuusuf u taga, oo wuxuu idin yidhaahdo yeela. 56 Oo abaartuna waxay ka dhacday dhulka dushiisa oo dhan. Markaasaa Yuusuf wada furay maqsinnadii oo dhan, oo wuxuu hadhuudhkii ka iibiyey Masriyiintii, abaartuna aad bay ugu xumayd dalka Masar. 57 Markaasaa dalalkii oo dhammu waxay u soo safreen Masar, oo Yuusuf bay ugu yimaadeen inay hadhuudh ka iibsadaan; maxaa yeelay, abaartu aad bay ugu xumayd dhulka oo dhan.

Falimaha Rasuullada 14:19-28

19 Laakiin waxaa Antiyokh iyo Ikoniyon ka yimid Yuhuud, oo markay dadkii badnaa yeelsiiyeen, ayay Bawlos dhagxiyeen, oo magaaladii ka jiideen, iyagoo u malaynaya inuu dhintay. 20 Laakiin intii xertii hareerihiisii taagnaayeen, ayuu kacay, markaasuu magaaladii galay; maalintii dambena wuu ka baxay oo Barnabas u raacay Derbe.

Bawlos Iyo Barnabas Waxay Ku Noqdeen Antiyokh

21 Oo markay magaaladaas injiilkii ku wacdiyeen oo kuwo badan xer ka dhigeen, ayay ku noqdeen Lustara iyo Ikoniyon iyo Antiyokh, 22 iyagoo nafihii xerta ku xoogaynaya, kuna waaninaya inay iimaanka ku sii wadaan, iyagoo ku leh, Waa inaynu dhibaatooyin badan ku galnaa boqortooyada Ilaah. 23 Oo markay iyagii kiniisad walba waayeello uga dooreen oo ay soon ku tukadeen, waxay iyagii ku ammaana geliyeen Rabbiga ay rumaysteen.

24 Markaasay sii dhex mareen Bisidiya oo yimaadeen Bamfuliya. 25 Oo kolkay ereyga kaga hadleen Berga ayay waxay tageen Ataliya; 26 meeshaasna waxay uga dhoofeen Antiyokh, taasoo ahayd meeshii iyaga lagaga ammaana geliyey nimcadii Ilaah shuqulkii ay sameeyeen aawadiis. 27 Oo markay yimaadeen oo kiniisaddii isu ururiyeen waxay uga warrameen waxyaalihii Ilaah iyaga la sameeyey oo dhan iyo siduu albaabka iimaanka ugu furay dadkii aan Yuhuudda ahayn. 28 Markaasay wakhti aan yarayn xertii la joogeen.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya