Revised Common Lectionary (Semicontinuous)
Gabayga meelokoridda oo Daa'uud tiriyey.
133 Bal eeg, siday u wanaagsan tahay oo ay u wacan tahay
Inay walaalo wadajir ku degganaadaan!
2 Waa sida saliidda qaaliga ah ee madaxa,
Oo ku soo dareertay gadhka,
Kaasoo ahaa gadhkii Haaruun,
Oo waxay soo gaadhay daraftii dharkiisa,
3 Waana sida dharabka Buur Xermoon,
Oo ku soo dega buuraha Siyoon,
Waayo, Rabbigu wuxuu amray inay halkaas ku dhacdo barako,
Taasoo ah nolosha tan iyo weligeedba.
14 Dabadeedna Fircoon baa u cid diray oo u yeedhay Yuusuf. Markaasay dhaqso uga soo bixiyeen godxabsigii; kolkaasuu xiirtay, oo dharkiisii beddeshay, oo uu u soo galay Fircoon. 15 Markaasaa Fircoon wuxuu Yuusuf ku yidhi, Riyaan ku riyooday, mana jiro mid fasiri karaa; oo waxaan maqlay in markii aad riyo maqashid aad fasiri kartid. 16 Yuusufna Fircoon buu u jawaabay oo ku yidhi, Taasu xaggayga ma aha, laakiinse Ilaah wuxuu Fircoon siin doonaa jawaab nabadeed. 17 Markaasaa Fircoon Yuusuf la hadlay, oo yidhi, Waxaan riyadaydii ku arkay anigoo webiga qarkiisa taagan; 18 oo bal eeg, waxaa webigii ka soo baxay toddoba sac oo buurbuuran oo quruxsan oo waxay daaqeen cawskii dareemada ahaa; 19 oo waxaa haddana ka soo daba baxay toddoba sac oo kale, oo taagdaran oo fool xun oo weyd ah. Weligay dhulka Masar oo dhan kuma aan arag kuwa sidooda u xun. 20 Markaasaa sicihii weydda ahaa oo foosha xumaa waxay cuneen toddobadii sac oo hore. 21 Oo markay cuneen lagama garan karin inay cuneen, laakiinse waxay u fool xumaayeen sidii markii hore. Markaasaan toosay. 22 Oo waxaan kaloo riyadaydii ku arkay toddoba sabuul oo iltiran oo wanaagsan, oo ka soo baxay isku jirid; 23 dabadeedna waxaa ka soo daba baxay toddoba sabuul oo engegan oo xunxun oo dabayshii bari qallajisay. 24 Markaasaa sabuulladii xunxumaa waxay liqeen toddobadii sabuul oo wanaagsanayd; markaasaan u sheegay saaxiriinta, laakiinse ma uu jirin mid ii sheegi karay. 25 Oo Yuusuf wuxuu ku yidhi Fircoon, Riyadaadu waa mid, oo waxa Ilaah samaynayo ayuu kuu sheegay, Fircoonow. 26 Toddobada sac oo wanwanaagsanu waa toddoba sannadood, toddobada sabuul oo wanwanaagsanuna waa toddoba sannadood; riyadu waa mid. 27 Toddobada sac oo weyd ah oo foosha xun, oo ka soo daba baxay waa toddoba sannadood, oo haddana toddobada sabuul oo madhan, oo dabayshii bari qallajisay waxay noqon doonaan toddoba sannadood oo abaar ah. 28 Taasu waa wixii aan kugula hadlay, Fircoonow. Waxa Ilaah samaynayo ayuu ku tusay. 29 Oo bal eeg, waxaa dalka Masar oo dhan imanaya toddoba sannadood oo barwaaqo ah, 30 oo dabadoodna waxaa dhici doona toddoba sannadood oo abaar ah; oo barwaaqadii oo dhanna waa laga illoobi doonaa dalka Masar, markaasay abaartu dhulka dhammayn doontaa, 31 barwaaqadana dhulka laguma ogaan doono abaartaas ka dambaysa aawadeed, waayo, waxay noqon doontaa mid aad u xun. 32 Oo taas aawadeed riyadii labanlaab bay kuu noqotay, Fircoonow, maxaa yeelay, waxaas waxaa amray Ilaah, oo weliba Ilaah dhowaan buu samayn doonaa. 33 Haddaba Fircoonow, waxaad doontaa nin caqli iyo xigmad leh, oo u sarraysii dalka Masar oo dhan. 34 Tan yeel oo waxaad doorataa niman dalka u sarreeya, oo waxa toddobada sannadood oo barwaaqada ah dhulka ka baxa inta shanaad ha ururiyeen. 35 Oo cuntada oo dhan sannadahan wanaagsan oo imanaya ha ururiyeen, hadhuudhkana ha kugu hoos kaydiyeen, Fircoonow, oo intay cunto ahaan magaalooyinka u dhigaan, ha ilaaliyeen. 36 Cuntaduna kayd bay dalka u noqon doontaa toddobada sannadood oo abaarta ah oo ka dhici doonta dalka Masar, si aan dalku abaarta ugu baabbi'in.
Riyadii Lagu Arkay Toddobadii Fijaan Iyo Toddobadii Belaayo
15 Oo haddana waxaan samada ku arkay calaamo kale oo weyn oo cajaa'ib leh, waxayna ahayd toddoba malaa'igood oo haysta toddoba belaayo, oo ahaa kuwii ugu dambeeyey, waayo, waxaa iyaga ku dhex dhammaatay cadhadii Ilaah.
2 Markaasaan arkay wax u eg bad muraayad ah oo dab ku dhex qasan yahay iyo kuwii iyagoo guulaysan ka yimid xaggii bahalkii iyo xaggii sanamkiisii iyo xaggii nambarkii magiciisa, oo dul taagan baddii muraayadda ahayd iyagoo haysta kataaradihii Ilaah. 3 Oo iyana waxay ku gabyeen addoonkii Ilaah oo Muuse ahaa gabaygiisii iyo gabaygii Wanka iyagoo leh, Rabbiyow Ilaaha Qaadirka ahow, shuqulladaadu way weyn yihiin, oo yaab bay leeyihiin. Boqorka quruumahow, jidadkaagu waa xaq oo waa run. 4 Rabbiyow, bal ayaan kaa cabsan doonin oo aan magacaaga ammaani doonin? Waayo, adiga keligaa ayaa quduus ah; maxaa yeelay, quruumaha oo dhammu way iman oo hortaada ayay ku sujuudi doonaan; waayo, falimahaagii xaqa ahaa waa la muujiyey.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya