Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Semicontinuous)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with sequential stories told across multiple weeks.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 45:10-17

10 Haddaba, gabadhoy, bal i maqal, oo fiirso, oo dhegta soo dhig,
Oo weliba waxaad illowdaa dadkaagii iyo gurigii aabbahaa;
11 Markaasuu boqorku quruxdaada jeclaanayaa,
Waayo, isagu waa sayidkaaga, oo adna isaga u sujuud.
12 Oo waxaa halkaas joogi doonta gabadha reer Turos, iyadoo hadiyad wadda,
Xataa taajiriinta dadka ku jirtaa waxay kaa baryi doonaan raallinimo.
13 Gabadha boqorka oo hoyga boqorka joogtaa waa qurux miidhan,
Dharkeeda dahab baa lagu dhex sameeyey.
14 Waxaa boqorka loo geeyn doonaa iyadoo sharraxan,
Bikradaha saaxiibadaheeda ah oo iyada daba socdana waa laguu keeni doonaa.
15 Waxaa iyaga lagu hoggaamin doonaa farxad iyo rayrayn,
Oo waxay soo geli doonaan hoyga boqorka.
16 Meeshii awowayaashaa waxaa joogi doona wiilashaada,
Kuwaas oo aad dunida oo dhan amiirro uga dhigi doonto.
17 Magacaaga waxaan ka dhigi doonaa mid ka ab ka ab la xusuusto,
Sidaas daraaddeed dadyowgu mahad bay kuu naqi doonaan weligood iyo weligood.

Bilowgii 27:1-17

Yacquub Oo Helay Barakadii Isxaaq

27 Markii Isxaaq gaboobay, oo ay indhihiisii u arag darnaayeen si uusan waxba arki karin, ayuu u yeedhay wiilkiisii weynaa oo Ceesaw ahaa, oo wuxuu ku yidhi, Wiilkaygiiyow. Isaguna wuxuu yidhi, Waa i kan. Markaasuu yidhi, Bal i eeg, haatan waan gaboobay, garanna maayo maalinta dhimashadayda. Sidaas daraaddeed waan ku baryayaaye, qaado hubkaaga, gabooyahaaga iyo qaansadaada, oo duurka u bax, oo hilib ugaadheed ii keen; oo ii samee hilib macaan, oo ah kan aan jeclahay, oo ii keen, aan cunee, inay naftaydu kuu ducayso intaanan dhiman. Rebeqahna way maqashay markii Isxaaq la hadlay wiilkiisii Ceesaw. Ceesawna duurkuu u kacay inuu ugaadh soo dilo oo uu keeno. Markaasay Rebeqah la hadashay wiilkeedii Yacquub, oo tidhi, Waxaan maqlay aabbahaa oo la hadlaya walaalkaa Ceesaw, isagoo leh, Hilib ugaadheed ii keen, oo ii samee hilib macaan, aan cunee, oo aan kuugu duceeyee Rabbiga hortiis intaanan dhimane. Haddaba sidaas daraaddeed, wiilkaygiiyow, codkayga u addeec sida aan kuugu amro. Bal adhiga u kac, oo iiga keen laba waxar oo wanwanaagsan, oo waxaan aabbahaa uga samayn hilib macaan, oo ah kan uu jecel yahay, 10 adna aabbahaa waad u geeyn doontaa inuu cuno, si uu kuugu duceeyo intuusan dhiman. 11 Yacquubna wuxuu hooyadiis Rebeqah ku yidhi, Walaalkay Ceesaw waa nin xaad badan, anna waxaan ahay nin xaad yar. 12 Mindhaa aabbahay waa i taaban doonaa, oo markaasaan ula ekaan doonaa khaa'in, oo habaar baan isu soo jiidi doonaa, ducose ma heli doono. 13 Oo hooyadiis baa ku tidhi, Wiilkaygiiyow, habaarkaagu aniga ha igu dhaco: codkayga uun addeec, oo orod oo ii keen iyaga. 14 Markaasuu tegey, oo soo kaxeeyey, oo u keenay hooyadiis, hooyadiisna waxay samaysay hilib macaan, oo ah sidii kii aabbihiis jeclaa. 15 Markaasaa Rebeqah waxay soo qaadday dharkii wanaagsanaa oo wiilkeedii weynaa oo ahaa Ceesaw, oo ay guriga ku haysay, oo waxay u xidhay wiilkeedii yaraa oo ahaa Yacquub; 16 markaasay waxarihii hargahoodii ku xidhay gacmihiisii iyo intii aan xaadda lahayn oo luquntiisii. 17 Markaasay hilibkii macaanaa iyo kibistii ay diyaarisay u dhiibtay wiilkeedii Yacquub.

Rooma 7:7-20

Sharciga Iyo Dembiga

Haddaba maxaynu nidhaahnaa? Sharcigu ma dembi baa? Ma suurtowdo! Hase ahaatee, dembi ma aanan garteen, sharcigaan ku gartay mooyaane, damaca xun ma aanan garteen haddaan sharcigu i odhan, Waa inaadan wax damcin. Dembigu, isagoo wakhti helay, ayuu amarka dhexdayda kaga falay damac xun oo kasta; waayo, sharciga la'aantiis dembigu waa meyd. Waa baan noolaa sharciga la'aantiis, laakiin markii amarku yimid, dembigu waa soo noolaaday, aniguna waan dhintay. 10 Amarkii nolosha ii geeyn lahaa, waxaan gartay inuu dhimasho ii geeynayo. 11 Waayo, dembigu, isagoo wakhti helay, ayuu amarka igu khiyaaneeyey, wuuna igu dilay. 12 Haddabase sharcigu waa quduus, amarkuna waa quduus, waana xaq, wuuna wanaagsan yahay. 13 Haddaba wixii wanaagsanaa miyey dhimasho ii noqdeen? Ma suurtowdo! Laakiin dembigu, inuu muuqdo inuu dembi yahay, ayuu wax wanaagsan igaga dhex shaqeeyey oo dhimasho ii keenay, in dembigu amarka ku noqdo dembi miidhan.

Dadka Labadiisa Dabci

14 Waayo, waxaynu og nahay in sharcigu ku saabsan yahay ruuxa, laakiinse anigu waxaan ahay mid jidhka raaca oo lagu iibiyey dembiga hoostiisa. 15 Waayo, waxaan samaynayo garan maayo, maxaa yeelay, ma sameeyo wixii aan doonayo, laakiin waxaan sameeyaa wixii aan necbahay. 16 Laakiin haddaan sameeyo waxa aanan doonayn, de markaas waxaan gartay in sharcigu wanaagsan yahay. 17 Haddabase haatan ma aha aniga kan waxaas sameeyaa, laakiinse waa dembiga igu dhex jira. 18 Waayo, waan ogahay inaan wax wanaagsanu igu dhex jirin, taas waxaan ula jeedaa, jidhkayga wax wanaagsanu kuma jiraan, waayo, waan ku talo jiraa inaan waxa wanaagsan sameeyo, laakiin ma sameeyo. 19 Waayo, waxa wanaagsan oo aan doonayo inaan falo, ma sameeyo, laakiinse waxa sharka ah oo aanan doonayn inaan falo, ayaan sameeyaa. 20 Laakiin haddaan sameeyo wixii aanan doonayn inaan falo, de haatan ma aha aniga kan sameeyaa, laakiinse waa dembiga igu dhex jira.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya