Revised Common Lectionary (Semicontinuous)
Baryootankii Daa'uud.
86 Rabbiyow, dhegtaada ii soo dhig, oo ii jawaab,
Waayo, waxaan ahay miskiin iyo mid baahane.
2 Naftayda dhawr, waayo, waxaan ahay mid cibaado leh,
Ilaahayow, i badbaadi anigoo ah addoonkaaga isku kaa halleeya.
3 Sayidow, ii naxariiso,
Waayo, maalinta oo dhan adaan kuu qayshadaa.
4 Sayidow, addoonkaaga naftiisa ka farxi,
Waayo, naftayda adigaan kor kuugu soo qaadaa.
5 Waayo, Sayidow, waad wanaagsan tahay, oo waxaad diyaar u tahay inaad dembidhaafto,
Waanad u naxariis badan tahay kuwa ku barya oo dhan.
6 Rabbiyow, baryadayda dhegta u dhig,
Oo codka baryootankayga maqal.
7 Maalinta aan dhibaataysnahay adaan ku baryi doonaa,
Waayo, waad ii jawaabi doontaa.
8 Sayidow, adigoo kale ilaahyada kuma jiro,
Oo shuqulladaadana wax la mid ahu ma jiraan.
9 Sayidow, quruumihii aad samaysay oo dhammu way iman doonaan oo hortaaday ku sujuudi doonaan,
Waxay ammaani doonaan magacaaga.
10 Waayo, adigu waad weyn tahay, oo waxyaalo yaab badanna waad samaysaa,
Oo adiga keliya ayaa Ilaah ah.
3 La hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Fircoonow, boqorka Masarow, anigu col baan kugu ahaye bal ogow, waxaad tahay yaxaas weyn oo webiyaashiisa iska dhex jiifa, oo yidhi, Webigayga anigaa iska leh, oo anigaa samaystay. 4 Laakiinse qabatooyin baan camanka kaa soo sudhi doonaa, oo kalluunka webiyaashaadana waxaan ka dhigi doonaa inuu qolfahaaga ku dhego, oo webiyaashaadaan kaa soo bixin doonaa adiga iyo kalluunka webiyaashaada ee qolfahaaga ku wada dhegi doona oo dhan. 5 Oo adiga iyo kalluunka webiyaashaada oo dhanba cidladaan ku tuuri doonaa. Waxaad ku dhici doontaa berrin bannaan, oo innaba layskuma soo kaa ururin doono, lagumana aasi doono, oo waxaan cunto kaaga dhigay dugaagga dhulka iyo haadka samada. 6 Oo dadka Masar deggan oo dhammu way wada ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay, maxaa yeelay, iyagu waxay reer binu Israa'iil u ahaayeen ul cawsduur ah. 7 Markay gacanta kugu qaateen waad jabtay, oo waxaad murkicisay garbahoodii oo dhan, oo markay ku cuskadeenna waad kala jabtay, oo dhexdoodii oo dhanna waad gariirisay.
53 Oo kolkuu meeshaas ka baxay, culimmada iyo Farrisiintu waxay bilaabeen inay aad ugu dhirfaan iyo inay wax badan kaga hadlisiiyaan, 54 iyagoo gaadaya inay ku qabtaan wixii afkiisa ka soo baxa.
Ciise wuxuu xertiisii uga digay labawejiilenimada
12 Markii dadkii badnaa oo tirola'aanta ahaa isa soo tubeen, ilaa ay qaarba qaar ku joogjoogsadeen, wuxuu bilaabay inuu kolkii hore xertiisa ku yidhaahdo, Iska jira khamiirka Farrisiinta kan ah labawejiilenimada. 2 Ma jiro wax daboolan oo aan soo muuqan doonin ama wax qarsoon oo aan la garan doonin. 3 Sidaa darteed wax kasta oo aad gudcurka ku dhex tidhaahdeen, iftiinka ayaa laga maqli doonaa, oo wixii aad dhegta iskagala hadasheen qoolal qarsoon ayaa guryaha dushooda lagaga dhawaaqi doonaa.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya