Revised Common Lectionary (Semicontinuous)
2 Bal quruumuhu maxay u cadhoodaan,
Dadkuna maxay ugu fikiraan wax aan waxba ahayn?
2 Boqorrada dhulku col bay u taagan yihiin,
Taliyayaashuna waxay u wada tashadaan
Rabbiga iyo Masiixiisa, iyagoo leh,
3 Silsiladahooda aan gooyno
Oo xadhkahoodana aan iska fogayno.
4 Kan samada fadhiyaa wuu qosli doonaa,
Oo Sayidku iyaga wuu ku majaajiloon doonaa.
5 Markaasuu isagoo cadhaysan iyaga la hadli doonaa,
Oo wuxuu iyaga ku dhibi doonaa dhirifkiisa isagoo leh,
6 Anigu boqorkaygii waxaan fadhiisiyey
Buurtayda quduuska ah oo Siyoon.
7 Amarkii ayaan wax ka sheegi doonaa,
Rabbigu wuxuu igu yidhi, Adigu waxaad tahay wiilkayga,
Maantaan ku dhalay.
8 I bari oo waxaan dhaxal ahaan kuu siin doonaa quruumaha,
Oo dunida meelaha ugu fogfogna hanti ahaan baan kuu siin doonaa.
9 Waxaad iyaga ku jejebin doontaa ul bir ah,
Oo waxaad u burburin doontaa sida weelka dheryasameeyaha.
10 Haddaba sidaas daraaddeed, Boqorradow, caqli yeesha,
Oo xaakinnada dhulkow, edeb yeesha.
11 Rabbiga cabsi ugu adeega,
Oo reyreeya idinkoo gariiraya.
12 Wiilka dhunkada, waaba intaasoo uu idiin cadhoodaa oo aad jidka ku baabba'daane.
Waayo, cadhadiisu haddiiba way kululaan doontaa.
Waxaa barakaysan kuwa isaga isku halleeya oo dhan.
19 Rabbigu wuxuu igu yidhi, Tag, oo dheryasameeye jalxaddiis soo iibso, oo intaad qaar ka mid ah odayaasha dadka iyo odayaasha wadaaddada soo kaxaysid, 2 waxaad tagtaa dooxada ina Xinnom oo u dhow meesha laga soo galo iridda Xarsiid, oo halkaas erayada aan kuu sheegi doono ka naadi, 3 adoo leh, Boqorrada dalka Yahuudah iyo dadka Yeruusaalem degganow, bal maqla erayga Rabbiga. Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal ogaada, meeshan masiibaan ku soo dejin doonaa, oo ku alla kii maqlaaba wuu ka nixi doonaa. 4 Iyagu way iga tageen, oo intay meeshan nijaaseeyeen, ayay foox ugu shideen ilaahyo kale oo iyaga, iyo awowayaashood, iyo boqorrada dalka Yahuudahba ayan aqoon, oo waxay meeshan ka buuxiyeen dhiigga kuwa aan xaqa qabin. 5 Oo waxay dhiseen meelaha sarsare ee Bacal inay wiilashooda dab ku gubaan oo ay Bacal qurbaanno la gubo ugu bixiyaan, taasoo aanan ku amrin, oo aanan ku hadlin, oo aan innaba qalbigayga soo gelin. 6 Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaa iman doona wakhti aan meeshan mar dambe loogu yeedhi doonin Tofed, amase dooxadii ina Xinnom, laakiinse waxaa lagu magacaabi doonaa Dooxadii Gowracidda. 7 Oo waxaan meeshan ka tirtiri doonaa talada dadka Yahuudah iyo dadka Yeruusaalemba, oo waxaan ka dhigi doonaa inay cadaawayaashooda hortooda ku la'daan oo ay ku dhintaan gacanta kuwa naftooda doondoonaya, oo bakhtigoodana waxaan cunto ahaan u siin doonaa haadka samada iyo dugaagga dhulka. 8 Oo magaaladanna waxaan ka dhigi doonaa cidla laga yaabo iyo wax lagu foodhyo, oo mid kasta oo ag maraaba wuu ka yaabi doonaa oo ku foodhyi doonaa belaayooyinkeeda oo dhan aawadood. 9 Oo waxaan ka dhigi doonaa inay cunaan hilibka wiilashooda iyo hilibka gabdhahoodaba, oo midkood kastaaba wuxuu cuni doonaa hilibka saaxiibkiis markii dagaal lagu hareereeyo oo ay ku cidhiidhsanaadaan cidhiidhiga cadaawayaashooda iyo kuwa naftooda doondoonaya ay ku cidhiidhin doonaan. 10 Oo markaas jalxadda waxaad ku jebisaa raggii kula socda hortooda. 11 Oo waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Dadkan iyo magaaladanba waxaan u jejebin doonaa sida weelka dheryasameeyaha loo jebiyo oo kale, kaasoo aan mar kale la kabi karayn, oo waxaa meydadkooda lagu wada xabaali doonaa Tofed, ilamaa ay waayaan meel ay ku kala xabaalaan. 12 Rabbigu wuxuu leeyahay, Sidaasaan meeshan ku samayn doonaa, iyada iyo dadka dhex degganba, oo magaaladanna waxaan ka dhigi doonaa sida Tofed oo kale, 13 oo guryaha Yeruusaalem iyo guryaha boqorrada dalka Yahuudah ee nijaasaysan waxay u ahaan doonaan sida meesha Tofed oo kale, xataa guryahaas oo ah kuwii saqafkooda oo dhan foox loogu shidi jiray ciidammada samada oo dhan, oo qurbaanno cabniin ah loogu bixin jiray ilaahyo kale.
14 Markaas Yeremyaah wuxuu ka yimid Tofed oo ah meeshii Rabbigu u diray inuu wax ku sii sheego, oo intuu barxaddii guriga Rabbiga soo istaagay ayuu dadkii oo dhan ku yidhi, 15 Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaan magaaladan iyo tuulooyinkeeda oo dhanba ku soo dayn doonaa masiibadii aan markii hore kaga hadlay oo dhan, maxaa yeelay, way sii madax adkaadeen, si ayan erayadayda u maqlin aawadeed.
Ciise Masiix Midiidinkiisa Wanaagsan
6 Haddaad walaalaha waxyaalahan xusuusisid waxaad ahaan doontaa Ciise Masiix midiidinkiisa wanaagsan, adigoo hadallada iimaanka iyo cilmiga wanaagsan oo aad raacday ku xoogaysanaya. 7 Laakiin ka fogow sheekooyinka habraha oo nijaasta ah, oo nafsaddaada bar cibaadaysiga, 8 waayo, jidhka waxbariddiisu wax yar bay tartaa, laakiinse cibaadaysigu si walba waxtar buu u leeyahay isagoo ballan u leh nolosha haatan joogta iyo tan imanaysaba. 9 Hadalku waa run, waana mid istaahila in la wada aqbalo. 10 Sababtan daraaddeed waannu u hawshoonnaa oo u dadaalnaa, maxaa yeelay, waxaannu rajo ku leennahay Ilaaha nool oo Badbaadiyaha u ah dadka oo dhan, khusuusan kuwa rumaysan. 11 Waxyaalahan dadka ku amar oo bar. 12 Ninna yuusan quudhsan dhallinyaronimadaada, laakiinse kuwa rumaystay masaal ugu noqo xagga hadalka, iyo xagga dabiicadda, iyo xagga jacaylka, iyo xagga rumaysadka, iyo xagga daahirsanaantaba. 13 Ilaa aan imaado, akhriska iyo waaninta iyo waxbaridda u digtoonow. 14 Ha dayicin hibada aad haysatid oo lagugu siiyey waxyaalihii laguu sii sheegay markii waayeelladu gacmahooda ku saareen. 15 Waxyaalahan ku dadaal, oo nafsaddaada oo dhan u go' in horumarkaagu dadka oo dhan u muuqdo. 16 Nafsaddaada iyo cilmigaagaba u digtoonow. Oo waxyaalahan ku sii soco, waayo, haddaad yeeshid, nafsaddaada iyo kuwa ku dhegaystaba waad badbaadin doontaa.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya