Revised Common Lectionary (Semicontinuous)
Kanu waa sabuur gabay ah oo Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha.
68 Ilaah ha sara joogsado, oo cadaawayaashiisuna ha kala firdheen,
Kuwa necebuna hortiisa ha ka carareen.
2 Sida qiiqu u kala firdho, iyagana sidaasoo kale u kala firdhi,
Sida shamacu dabka ugu dhalaalo,
Sidaasoo kale kuwa sharka lahu Ilaah hortiisa ha ku baabbe'een.
3 Laakiinse kuwa xaqa ahu ha farxeen, oo Ilaah hortiisa ha ku reyreeyeen,
Haah, oo farxad ha ku reyreeyeen.
4 Ilaah u gabya, oo magiciisa ammaan ugu gabya,
Kan lamadegaanka dhex mara jid weyn u fala,
Magiciisu waa Yaah, ee hortiisa ku reyreeya.
5 Ilaah wuxuu rugtiisa quduuskaa ku yahay
Agoonta aabbahood iyo carmallada xaakinkooda.
6 Kuwa cidlaysan Ilaah reero ayuu u yeelaa,
Oo maxaabiistana intuu soo bixiyo ayuu barwaaqo dhex geeyaa,
Laakiinse caasiyiintu waxay degganaadaan dhul oommane ah.
7 Ilaahow, markaad dadkaaga hor kacday,
Markaad lamadegaanka ku dhex socotay, (Selaah)
8 Dhulku waa gariiray,
Samooyinkuna waxay ku de'een Ilaah hortiisa,
Xataa Buur Siinay nafteedu waxay ka gariirtay Ilaah hortiisa, kaasoo ah Ilaaha Israa'iil.
9 Ilaahow, waxaad soo daysay roob badan,
Oo kuwa dhaxalkaagu markay daallanaayeenna waad xoogaysay.
10 Ururkaagu halkaasuu dhex degganaa,
Ilaahow, wanaaggaaga aawadiis wax baad u diyaarisay masaakiinta.
19 Waxaa mahad leh Sayidka maalin kasta culaabteenna inoo qaada,
Kaasoo ah Ilaaha ina badbaadiya. (Selaah)
20 Ilaah wuxuu inoo yahay Ilaaha samatabbixinta,
Ilaaha Sayidka ah ayaa iska leh dhimashada kabixiddeeda.
9 Waxaa jira kuwa agoonta naaska ka dhufsada,
Oo masaakiintana rahaamad ka qaata,
10 Sidaas daraaddeed waxay warwareegaan iyagoo qaawan oo aan dhar qabin,
Oo iyagoo gaajaysan ayay xidhmooyinka sidaan.
11 Waxay saliid ku sameeyaan nimankaas derbiyadooda gudahooda,
Macsarooyinkoodana way tuntaan, iyagoo harraadsan.
12 Dadku magaalooyinka way ka cabaadaan,
Oo nafta kuwa dhaawacanuna way qaylisaa,
Laakiinse Ilaah nacasnimadaa ma fiiriyo.
13 Kuwaasu waxay ka mid yihiin kuwa nuurka ku caasiyooba,
Oo jidadkiisa ma ay yaqaaniin,
Oo dhabbayaashiisana ma ay sii hayaan.
14 Gacankudhiigluhu kaaha waaberi wuu la soo kacaa, oo wuxuu dilaa miskiinka iyo saboolka baahan,
Oo habeenkiina isagu waa sida tuug oo kale.
15 Oo isha dhillayguna waxay sugtaa fiidka,
Oo wuxuu isyidhaahdaa, Ninna ima arki doono,
Oo wuu hagoogtaa.
16 Oo goor gudcur ah ayay guryaha dhacaan,
Oo maalinnimadana meel bay isku xidhaan,
Oo iftiinka maba yaqaaniin.
17 Waayo, subaxnimadu dhammaantood waxay u tahay sida hooska dhimashada,
Maxaa yeelay, waxay yaqaaniin cabsida hooska dhimashada.
18 Isagu biyaha dushooda wuu ku dheereeyaa,
Qaybtoodii dhulkaa lagu habaaray,
Isagu uma leexdo xagga jidka beeraha canabka ah.
19 Biyaha barafka waxaa dhammaysta abaar iyo kulayl,
Oo sidaasoo kalaa She'oolna u galaa kuwii dembaabay.
20 Uurkii hooyadiis waa illoobi doonaa isaga; jidhkiisana waxaa cuni doona oo macaansan doona dirxiga,
Oo mar dambena isaga lama xusuusan doono,
Oo kii xaqdaranuna wuxuu u jabi doonaa sida geed oo kale.
21 Isagu wuxuu baabbi'iyaa madhashada aan carruurta dhalin;
Oo carmalkana wax wanaagsan uma sameeyo.
22 Oo weliba kii xoog badanna itaalkiisuu ku jiidaa;
Oo markuu kacana nafta waa laga rajo beelaa.
23 Ilaahna wuxuu iyaga siiyaa meel ammaan ah, oo halkaasay isku halleeyaan,
Jidadkoodana ishuu ku hayaa.
24 Iyaga waa la sarraysiiyaa, laakiin in yar dabadeed way wada baabba'aan;
Hubaal iyaga waa la hoosaysiiyaa, oo jidka ayaa looga tuuraa sida kuwa kale oo dhan,
Oo waxaa loo jaraa sida sabuul hadhuudh oo kale.
25 Oo haddayan saas ahayn, yaa igu caddayn kara inaan beenlow ahay,
Oo hadalkaygase yaa ka dhigi kara wax aan waxtar lahayn?
Bawlos Wuxuu Canaantay Butros
11 Laakiinse Keeyfas kolkuu Antiyokh yimid, waan hor joogsaday, maxaa yeelay, wuu eedaysnaa. 12 Maxaa yeelay, intaan qaar Yacquub ka iman, Keeyfas wuxuu wax la cuni jiray dad aan Yuhuud ahayn, laakiinse markay yimaadeen, wuu ka soo noqday oo ka soocmay, isagoo kuwa gudan ka cabsanaya. 13 Yuhuudda inteedii kalena sidaas oo kalay labawejiilayaal la ahaayeen isaga, sidaas daraaddeed labawejiilenimadoodii waxay la tagtay xataa Barnabas. 14 Kolkaan arkay inayan si hagaagsan ugu soconayn runta injiilka, ayaan kulli hortooda Keeyfas ku idhi, Adigoo Yuhuudi ah haddaad u dhaqanto sida dadka aan Yuhuudda ahayn, oo aadan ahaan sida Yuhuudda, sidee baad ugu qasbaysaa dadka aan Yuhuudda ahayn inay u dhaqmaan sida Yuhuudda?
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya