Revised Common Lectionary (Semicontinuous)
Kanu waa sabuur gabay ah oo Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha.
68 Ilaah ha sara joogsado, oo cadaawayaashiisuna ha kala firdheen,
Kuwa necebuna hortiisa ha ka carareen.
2 Sida qiiqu u kala firdho, iyagana sidaasoo kale u kala firdhi,
Sida shamacu dabka ugu dhalaalo,
Sidaasoo kale kuwa sharka lahu Ilaah hortiisa ha ku baabbe'een.
3 Laakiinse kuwa xaqa ahu ha farxeen, oo Ilaah hortiisa ha ku reyreeyeen,
Haah, oo farxad ha ku reyreeyeen.
4 Ilaah u gabya, oo magiciisa ammaan ugu gabya,
Kan lamadegaanka dhex mara jid weyn u fala,
Magiciisu waa Yaah, ee hortiisa ku reyreeya.
5 Ilaah wuxuu rugtiisa quduuskaa ku yahay
Agoonta aabbahood iyo carmallada xaakinkooda.
6 Kuwa cidlaysan Ilaah reero ayuu u yeelaa,
Oo maxaabiistana intuu soo bixiyo ayuu barwaaqo dhex geeyaa,
Laakiinse caasiyiintu waxay degganaadaan dhul oommane ah.
7 Ilaahow, markaad dadkaaga hor kacday,
Markaad lamadegaanka ku dhex socotay, (Selaah)
8 Dhulku waa gariiray,
Samooyinkuna waxay ku de'een Ilaah hortiisa,
Xataa Buur Siinay nafteedu waxay ka gariirtay Ilaah hortiisa, kaasoo ah Ilaaha Israa'iil.
9 Ilaahow, waxaad soo daysay roob badan,
Oo kuwa dhaxalkaagu markay daallanaayeenna waad xoogaysay.
10 Ururkaagu halkaasuu dhex degganaa,
Ilaahow, wanaaggaaga aawadiis wax baad u diyaarisay masaakiinta.
19 Waxaa mahad leh Sayidka maalin kasta culaabteenna inoo qaada,
Kaasoo ah Ilaaha ina badbaadiya. (Selaah)
20 Ilaah wuxuu inoo yahay Ilaaha samatabbixinta,
Ilaaha Sayidka ah ayaa iska leh dhimashada kabixiddeeda.
Eliifas
22 Markaasaa Eliifas oo ahaa reer Teemaan u jawaabay, oo wuxuu ku yidhi,
2 Ma nin baa Ilaah wax u tari kara?
Hubaal kii xigmad lahu isagaa wax isu tara.
3 Balse ma Ilaaha Qaadirka ah baa xaqnimadaada ku farxa?
Mase faa'iido bay u tahay isaga inaad jidkaaga qummaatisid?
4 War ma cabsidaada daraaddeed buu kuu canaantaa?
Oo saas daraaddeed miyuu dacwad kuula galaa?
5 Sow sharkaagu ma badna?
Xumaatooyinkaagu dhammaad ma laha.
6 Waayo, sababla'aan baad walaalkaa rahaamad uga qaadatay,
Oo kuwii arradnaana dharkoodii baad ka mudhuxsatay.
7 Kii daallanaana ma aadan siin biyo uu cabbo,
Oo kii gaajaysnaana cunto baad ka hagratay.
8 Laakiinse ninkii xoog badnaa isagaa dhulka haystay;
Oo ninkii sharaf lahaana isagaa dalka degganaa.
9 Carmallada baad gacan madhnaan ku eriday,
Oo agoonta gacmahoodiina waa la jebiyey.
10 Sidaas daraaddeed waxaa hareerahaaga ku wareegsan dabinno,
Oo waxaa ku dhibaya cabsi kedis ah,
11 Ama gudcur aadan waxba ku arki karin,
Oo waxaa ku qariya biyo aad u badan.
12 War sow Ilaah kuma jiro samada sare?
Oo bal eega xiddigaha dheeraantooda iyo siday u sarreeyaan!
13 Oo adna waxaad leedahay, War Ilaah muxuu yaqaan?
Oo gudcurka qarada leh miyuu wax ku dhex xukumi karaa?
14 Waxaa isaga ku wareegsan daruuro qaro waaweyn, si uusan wax u arag,
Oo isagu wuxuu ku socdaa wareegga samada.
15 War ma waxaad doonaysaa inaad sii haysatid jidkii hore
Ee sharrowyadu ku socon jireen?
16 Iyaba waxaa la dhufsaday wakhtigoodii ka hor,
Oo aasaaskoodiina daad baa baabbi'iyey.
17 Waxay Ilaah ku yidhaahdeen, War naga tag,
Bal maxaa Ilaaha Qaadirka ahu nagu samayn karaa?
18 Laakiin isagu wuxuu guryahooda ka buuxiyey waxyaalo wanwanaagsan;
Talada sharrowguse way iga fog tahay.
19 Kuwa xaqa ahu way arkaan oo way farxaan,
Oo kuwa aan xaqa qabinuna way ku qoslaan oo ku majaajiloodaan,
20 Waxayna yidhaahdaan, Sida xaqiiqada ah kuwii nagu kacay waa la baabbi'iyey,
Oo kuwoodii hadhayna dab baa liqay.
Shuqulkii Bawlos Baa Yeruusaalem Lagu Aqoonsaday
2 Afar iyo toban sannadood dabadeed ayaan mar kale Yeruusaalem aaday, Barnabasna wuu ila jiray, oo Tiitosna waan kaxaystay. 2 Sidii la iigu muujiyey ayaan u tegey, oo waxaan iyaga hor dhigay injiilka aan dadka aan Yuhuudda ahayn ku wacdiyo, laakiinse waxaan gooni ahaan u tusay kuwii sharafta lahaa, si aanan u ahaan mid waxtarla'aan iska ordaya ama hore u orday. 3 Laakiin xataa Tiitos oo ila socday, isagoo Gariig ah, laguma qasbin in la gudo 4 walaalaha beenta ah oo qarsoodiga lanoogu soo geliyey daraaddood, kuwa noogu soo galay inay basaasaan xorriyaddeenna aynu Ciise Masiix ku haysanno, inay na addoonsadaan. 5 In runta injiilku idinla sii jirto, taas daraaddeed ayaannan saacad qudha u hoos gelin iyaga. 6 Laakiinse kuwii loo maleeyey inay sharaf leeyihiin (wax kastoo ay ahaayeen, waxba igama gelin; waayo, Ilaah dadka wejigiisa uma kala eexdo) waxaan leeyahay, Kuwii sharafta lahaa waxba iguma ay darin. 7 Laakiinse kolkay arkeen in laygu ammaaneeyey injiilka kuwa buuryoqabka ah, xataa sidii Butros loogu ammaaneeyey injiilka kuwa gudan, 8 waayo, kii Butros kaga dhex shaqeeyey sii uu rasuul ugu ahaado kuwa gudan ayaa anna igaga dhex shaqeeyey sii aan dadka aan Yuhuudda ahayn rasuul ugu ahaado, 9 oo kolkay ogaadeen nimcada lay siiyey, Yacquub iyo Keeyfas iyo Yooxanaa, iyagoo loo sharfay sida tiirar, waxay aniga iyo Barnabas na siiyeen gacanta midigta oo wehelnimada, inaannu annagu u tagno dadka aan Yuhuudda ahayn, iyaguna ay u tagaan kuwa gudan. 10 Waxay keliyahoo doonayeen inaannu masaakiinta xusuusanno, taas oo aan ku dadaalayay inaan sameeyo.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya