Revised Common Lectionary (Semicontinuous)
135 Rabbiga ammaana.
Ammaana magaca Rabbiga,
Rabbiga addoommadiisow, isaga ammaana,
2 Kuwiinna guriga Rabbiga
Iyo barxadaha guriga Ilaaheenna dhex taaganow.
3 Rabbiga ammaana, waayo, Rabbigu waa wanaagsan yahay,
Magiciisa ammaan ugu gabya, waayo, wuu wacan yahay.
4 Waayo, Rabbigu reer Yacquub nafsaddiisuu u doortay,
Hantidiisa gaarka ah ayuu u doortay reer binu Israa'iil.
5 Waayo, waan ogahay in Rabbigu weyn yahay,
Iyo in Sayidkeennu ka wada sarreeyo ilaahyada oo dhan.
6 Rabbigu wax alla wixii uu jeclaystayba wuu ku sameeyey
Samada iyo dhulka, iyo badaha iyo moolalka oo dhan dhexdooda.
7 Isagaa ka dhiga in dhulka darafyadiisa uumi ka soo kaco,
Roobkana wuxuu u sameeyaa hillaac,
Oo dabayshana isagaa khasnadihiisa ka soo saara.
8 Isagaa laayay curadyadii Masar,
Kuwii dadka iyo kuwii duunyadaba.
9 Masaray, isagu wuxuu dhexdaada u soo diray calaamooyin iyo yaabab,
Oo wax buu ku soo kor daayay Fircoon iyo addoommadiisii oo dhanba.
10 Wuxuuna laayay quruumo badan,
Oo wuxuu dilay boqorro xoog badan, kuwaas oo ahaa
11 Siixon oo ahaa boqorkii reer Amor,
Iyo Coog oo ahaa boqorkii Baashaan,
Iyo boqortooyooyinkii reer Kancaan oo dhan,
12 Oo dalkoodiina dhaxal ahaan buu u bixiyey,
Oo wuxuu dhaxal u siiyey dadkiisa reer binu Israa'iil.
13 Rabbiyow, magacaagu weligiisba wuu waaraa,
Rabbiyow, xusuustaadu waxay gaadhaa qarni kasta.
14 Waayo, Rabbigu dadkiisuu u garsoori doonaa,
Oo addoommadiisana wuu u naxariisan doonaa.
15 Sanamyada quruumuhu waa lacag iyo dahab,
Oo waa wax ay dad gacmaha ku sameeyeen.
16 Afaf way leeyihiin, laakiinse ma hadlaan,
Indhona way leeyihiin, laakiinse waxba ma arkaan,
17 Dhegona way leeyihiin, laakiinse waxba ma maqlaan,
Oo afkoodana neefu kuma jirto.
18 Kuwa iyaga sameeyaana sidooda oo kale ayay noqon doonaan,
Iyo xataa mid kasta oo iyaga isku halleeyaaba.
19 Reer binu Israa'iilow, Rabbiga ammaana,
Reer Haaruunow, Rabbiga ammaana,
20 Reer Laawiyow, Rabbiga ammaana,
Kuwiinna Rabbiga ka cabsadow, Rabbiga ammaana.
21 Rabbiga Yeruusaalem deggan ha laga ammaano Siyoon.
Rabbiga ammaana.
Sanamcaabudayaashii Oo La Xukumay
14 Markaasaa waxaa ii yimid qaar odayaashii reer binu Israa'iil ka mid ah oo hortayday fadhiisteen. 2 Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh, 3 Wiilka Aadamow, nimankanu qalbigooday sanamyadoodii dabaggeliyeen, oo wejigoodana waxay hor dhigeen waxa ay ku turunturoodaan ee xumaantooda ah. Haddaba miyey waajib igu tahay inaan u jawaabo markay wax i weyddiistaan? 4 Sidaas daraaddeed iyaga la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Nin kasta oo reer binu Israa'iil ka mid ah oo sanamkiisa qalbigiisa dabaggeliya, oo waxa uu ku turunturoodo ee xumaantiisa ahna wejigiisa hor dhiga, oo haddana nebiga u yimaada, aniga Rabbiga ah ayaa kii u yimaada u jawaabi doona sida sanamyadiisa faraha badan, 5 si aan reer binu Israa'iil qalbigooda ugu qabto, maxaa yeelay, iyagu sanamyadooda aawadood ayay kulligood iiga shisheeyoobeen. 6 Sidaas daraaddeed waxaad reer binu Israa'iil ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Soo noqda, oo sanamyadiinna ka soo noqda, oo wejigiinnana waxyaalihiinna karaahiyada ah oo dhan ka sii jeediya. 7 Waayo, mid kasta oo reer binu Israa'iil ka mid ah ama mid kasta oo shisheeyayaasha reer binu Israa'iil dhex deggan ka mid ah oo iska kay sooca, oo sanamyadiisana qalbigiisa dabaggeliya, oo waxa uu ku turunturoodo ee xumaantiisa ah wejigiisa hor dhiga, haddana nebiga ugu yimaada inuu wax i weyddiisto, aniga Rabbiga ah qudhaydaa u jawaabi doona. 8 Oo ninkaas wejigaygaan u jeedin doonaa, oo waxaan isaga ka dhigi doonaa yaab iyo calaamad iyo maahmaah, oo dadkaygaan ka dhex gooyn doonaa, oo idinkuna waxaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay. 9 Oo haddii nebi intuu wax ku hadlo la khiyaaneeyo, nebigaas aniga Rabbiga ah ayaa khiyaaneeyey, oo gacantaydaan ku soo kor fidin doonaa, oo dadkayga reer binu Israa'iil dhexdiisa ayaan ka baabbi'in doonaa. 10 Oo iyana ciqaabta xumaantooday qaadan doonaan. Nebiga ciqaabtiisuna waxay ahaan doontaa sidii ciqaabta kan isaga wax weyddiista, 11 si ayan reer binu Israa'iil mar dambe iiga amban ama ayan mar dambe xadgudubyadooda ugu nijaasoobin, laakiinse ay dadkaygii iigu ahaadaan, oo aan aniguna Ilaahooda ugu noqdo, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.
Waxaa La Bogsiiyey Miskiin Curyaan ah
3 Haddaba saacaddii sagaalaad oo wakhtigii salaadda ah ayaa Butros iyo Yooxanaa macbudka tageen. 2 Waxaa la soo qaaday nin curyaannimo uurkii hooyadiis kala soo baxay oo maalin walba la ag dhigi jiray albaabka macbudka oo la odhan jiray Qurux Badane inuu kuwa macbudka gelayay dawarsado. 3 Isagu, markuu arkay Butros iyo Yooxanaa oo ku dhow inay macbudka galaan, ayuu dawarsaday iyaga. 4 Markaasaa Butros, oo Yooxanaa la socdo, intuu aad u fiiriyey isaga, ku yidhi, Na soo eeg. 5 Markaasuu u fiirsaday iyaga, isagoo filanaya inuu iyaga wax ka helo. 6 Laakiin Butros baa ku yidhi, Lacag iyo dahab midna ma haysto, laakiin waxaan haystaan ku siinayaa. Magaca Ciise Masiix, kii reer Naasared, ku soco. 7 Markaasuu intuu gacanta midigtaa ku dhegay ayuu sara kiciyey; oo markiiba cagihiisii iyo anqowyadiisiiba waa xoogaysteen. 8 Intuu kor u booday ayuu istaagay oo socod bilaabay; markaasuu iyaga macbudkii la galay, isagoo socda oo boodboodaya oo Ilaah ammaanaya. 9 Dadkii oo dhammuna waxay arkeen isagoo socda oo Ilaah ammaanaya; 10 markaasay waxay garteen inuu isagu yahay kii Albaabkii Quruxda Badnaa agtiisa dawarsiga u fadhiisan jiray; markaasay yaab iyo amankaag ula dhinteen wixii ku dhacay isaga.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya