Revised Common Lectionary (Semicontinuous)
135 Rabbiga ammaana.
Ammaana magaca Rabbiga,
Rabbiga addoommadiisow, isaga ammaana,
2 Kuwiinna guriga Rabbiga
Iyo barxadaha guriga Ilaaheenna dhex taaganow.
3 Rabbiga ammaana, waayo, Rabbigu waa wanaagsan yahay,
Magiciisa ammaan ugu gabya, waayo, wuu wacan yahay.
4 Waayo, Rabbigu reer Yacquub nafsaddiisuu u doortay,
Hantidiisa gaarka ah ayuu u doortay reer binu Israa'iil.
5 Waayo, waan ogahay in Rabbigu weyn yahay,
Iyo in Sayidkeennu ka wada sarreeyo ilaahyada oo dhan.
6 Rabbigu wax alla wixii uu jeclaystayba wuu ku sameeyey
Samada iyo dhulka, iyo badaha iyo moolalka oo dhan dhexdooda.
7 Isagaa ka dhiga in dhulka darafyadiisa uumi ka soo kaco,
Roobkana wuxuu u sameeyaa hillaac,
Oo dabayshana isagaa khasnadihiisa ka soo saara.
8 Isagaa laayay curadyadii Masar,
Kuwii dadka iyo kuwii duunyadaba.
9 Masaray, isagu wuxuu dhexdaada u soo diray calaamooyin iyo yaabab,
Oo wax buu ku soo kor daayay Fircoon iyo addoommadiisii oo dhanba.
10 Wuxuuna laayay quruumo badan,
Oo wuxuu dilay boqorro xoog badan, kuwaas oo ahaa
11 Siixon oo ahaa boqorkii reer Amor,
Iyo Coog oo ahaa boqorkii Baashaan,
Iyo boqortooyooyinkii reer Kancaan oo dhan,
12 Oo dalkoodiina dhaxal ahaan buu u bixiyey,
Oo wuxuu dhaxal u siiyey dadkiisa reer binu Israa'iil.
13 Rabbiyow, magacaagu weligiisba wuu waaraa,
Rabbiyow, xusuustaadu waxay gaadhaa qarni kasta.
14 Waayo, Rabbigu dadkiisuu u garsoori doonaa,
Oo addoommadiisana wuu u naxariisan doonaa.
15 Sanamyada quruumuhu waa lacag iyo dahab,
Oo waa wax ay dad gacmaha ku sameeyeen.
16 Afaf way leeyihiin, laakiinse ma hadlaan,
Indhona way leeyihiin, laakiinse waxba ma arkaan,
17 Dhegona way leeyihiin, laakiinse waxba ma maqlaan,
Oo afkoodana neefu kuma jirto.
18 Kuwa iyaga sameeyaana sidooda oo kale ayay noqon doonaan,
Iyo xataa mid kasta oo iyaga isku halleeyaaba.
19 Reer binu Israa'iilow, Rabbiga ammaana,
Reer Haaruunow, Rabbiga ammaana,
20 Reer Laawiyow, Rabbiga ammaana,
Kuwiinna Rabbiga ka cabsadow, Rabbiga ammaana.
21 Rabbiga Yeruusaalem deggan ha laga ammaano Siyoon.
Rabbiga ammaana.
Sanam Yaal Macbudka
8 Oo sannaddii lixaad, bisheedii lixaad, maalinteedii shanaad intii aan gurigaygii dhex fadhiyeyey, oo ay odayaashii dalka Yahuudah i hor fadhiyeyeen ayaa gacantii Sayidka Rabbiga ahu igu soo kor degtay. 2 Markaasaa intaan wax fiirinayay waxaa ii muuqday wax muuqashadiisu u ekayd dab oo kale, oo qaarkiisa dambe wuxuu u ekaa dab, oo qaarkiisa horena wuxuu u ekaa dhuxul cadaatay oo dhalaalaysa. 3 Oo isna wax gacan u eg buu igu soo taagay, oo wuxuu igu dhegay timahayga, oo ruuxii ayaa dhulka iyo samada dhexdooda kor iigu qaaday, oo waxyaalihii Ilaah i tusay wuxuu iigu keenay Yeruusaalem, iyo iridda gudaha ku taal albaabkeeda xagga woqooyi u sii jeeda, oo halkaas waxaa yiil kursigii sanamkii hinaasada, kaasoo hinaasada kiciya. 4 Oo bal eeg, ammaantii Ilaaha reer binu Israa'iil ayaa halkaas joogtay, oo waxay u ekayd sidii muuqashadii aan bannaanka ku arkay oo kale. 5 Oo markaasuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, bal haatan indhaha xagga woqooyi ku taag. Markaasaan indhaha kor ugu taagay jidkii xagga woqooyi, oo waxaan xaggii woqooyi iriddii meeshii allabariga ku arkay sanamkan hinaasada ee iridda ka taagan. 6 Oo wuxuu kaloo igu sii yidhi, Wiilka Aadamow, ma u jeedda waxa ay samaynayaan, xataa waxyaalaha waaweyn oo karaahiyada ah ee ay reer binu Israa'iil halkan ku sameeyaan si aan meeshayda quduuska ah uga sii fogaado? Laakiinse bal haddana waxaad arki doontaa waxyaalo karaahiyo ah oo tan ka sii weyn. 7 Oo haddana wuxuu i geeyey albaabkii barxadda, oo markaan wax fiiriyey waxaan arkay god derbiga ku dhex yaal. 8 Markaasuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, bal haddana derbiga qod, oo markaan derbigii qoday waxaan arkay albaab. 9 Oo isna wuxuu igu yidhi, Sii gal, oo bal fiiri waxyaalaha karaahiyada iyo sharka ah oo ay halkan ku samaynayaan. 10 Sidaas daraaddeed waan galay oo waxaan arkay cayn kasta oo wax gurguurta ah, iyo xayawaan karaahiyo ah, iyo sanamyadii reer binu Israa'iil oo dhan oo lagu taswiiray derbiga hareerihiisa oo dhan. 11 Oo waxaa iyagii halkaas ku hor taagnaa toddobaatan nin oo odayaashii reer binu Israa'iil ka mid ahaa, oo waxaa dhexdooda taagnaa Ya'asanyaah ina Shaafaan, oo ninkood kastaaba wuxuu gacanta ku haystay idankiisii, oo waxaa kor uga baxayay caraftii qiiqii fooxa. 12 Markaasuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, ma aragtay waxa odayaashii reer binu Israa'iil ay gudcurka ku sameeyaan, oo ninkood kastaaba uu qolladihiisa taswiirta ku sameeyo? Waayo, waxay isyidhaahdaan, Rabbigu inooma jeedo, waayo, Rabbigu dhulkuu ka tegey. 13 Oo weliba wuxuu igu sii yidhi, Bal haddana waxaad arki doontaa waxyaalo kale oo karaahiyo ah oo kuwan ka sii weyn. 14 Markaasuu i geeyey albaabkii iriddii gurigii Rabbiga oo xagga woqooyi u sii jeeday, oo waxaan halkaas ku arkay naagaha fadhiya oo sanamkii Tammuus u ooyaya. 15 Markaasuu igu yidhi, Waxaas ma aragtay, Wiilka Aadamow? Bal haddana waxaad arki doontaa waxyaalo kale oo karaahiyo ah oo kuwan ka sii weyn. 16 Oo haddana wuxuu i geeyey barxaddii hoose oo gurigii Rabbiga, oo bal eeg, iriddii macbudkii Rabbiga, meel u dhaxaysa balbalada iyo meeshii allabariga waxaa taagnaa rag shan iyo labaatan ku dhow iyagoo dhabarka macbudkii Rabbiga u sii jeediyey, wejigana xagga bari u sii jeediyey, oo waxay caabudayeen qorraxda bari jirta. 17 Markaasuu igu yidhi, Waxan ma aragtay, Wiilka Aadamow? Tanu ma wax dadka Yahuudah u fudud baa inay sameeyaan waxyaalaha karaahiyada ah ee ay halkan ku samaynayaan? Waayo, dalkii dulmi bay ka buuxiyeen oo mar kalay u noqdeen inay iga cadhaysiiyaan, oo bal eeg, laantii ayay sanka u dhoweeyeen. 18 Oo sidaas daraaddeed weli cadhaan ku shaqayn doonaa, indhahaygu uma tudhi doonaan, oo innaba uma aan nixi doono, oo in kastoo ay dhegahaygu qaylo weyn ugu qayliyaanna innaba ma aan maqli doono.
Filibos Iyo Bohonkii Xabashiga Ahaa
26 Laakiin Rabbiga malaa'igtiisa ayaa waxay la hadashay Filibos, iyadoo ku leh, Kac oo aad xagga koonfureed, oo waxaad raacdaa jidka Yeruusaalem ka taga ilaa Gaasa taasoo cidla ah. 27 Wuuna u kacay oo aaday; oo waxaana ku soo baxay nin bohon oo Xabashi ah oo amar weyn ka hoos hayay Kandake boqoraddii Xabashida, wuuna u talin jiray maalkeeda oo dhan, wuxuuna Yeruusaalem u yimid inuu Ilaah caabudo. 28 Kolkuu ka soo noqonayay, ayuu ku fadhiyey gaadhifaraskiisa, oo wuxuu akhriyeyey kitaabka nebi Isayos. 29 Ruuxuna wuxuu Filibos ku yidhi, Ku dhowow, oo gaadhigan raac. 30 Oo Filibos markuu ku orday, wuxuu maqlay isagoo akhriyaya kitaabka nebi Isayos, wuxuuna ku yidhi, Ma garanaysaa waxaad akhriyaysid? 31 Kolkaasuu yidhi, Sidee baan ku garan karaa in lay toosiyo mooyaane? Markaasuu Filibos ka baryay inuu soo fuulo oo la fadhiisto. 32 Haddaba meeshuu Qorniinka ka akhriyeyey waa tan,
Isaga sidii wan la qalayo baa loo kaxeeyey;
Oo sidii lax ku aamusan ninka dhogorta ka xiira hortiisa,
Isagu afkiisa ma uu furo;
33 Intuu is-hoosaysiiyey baa gartiisii laga qaaday;
Farcankiisii yaa sheegi doona?
Maxaa yeelay, noloshiisa dhulkaa laga qaaday.
34 Bohonku wuxuu Filibos u jawaabay oo ku yidhi, Waxaan kaa baryayaa, Nebigu yuu ka hadlayaa? Ma isaga qudhiisaa mise waa mid kale? 35 Filibos baa afkiisa furay, oo intuu Qorniinkan ka bilaabay ayuu isaga ku wacdiyey Ciise. 36 Kolkay waddada marayeen waxay yimaadeen meel biyah, bohonkuna wuxuu yidhi, Bal eeg, waa biyo. Maxaa iga celinaya in lay baabtiiso? 37 Oo Filibos wuxuu ku yidhi, Haddaad qalbigaaga oo dhan ka rumaysatid, waa suurtowdaa. Wuuna u jawaabay oo yidhi, Waxaan rumaysanahay in Ciise Masiix yahay Wiilka Ilaah. 38 Markaasuu amray in gaadhigu joogsado; labadooduna biyahay galeen, Filibos iyo bohonkuba, oo wuu baabtiisay isaga. 39 Oo markay biyihii ka soo baxeen, ayuu Ruuxii Rabbigu dhuftay Filibos, bohonkuna mar dambe ma uu arkin isagii, maxaa yeelay, jidkiisii ayuu iska qaaday isagoo faraxsan. 40 Laakiin Filibos waxaa laga helay Asootos, oo magaalooyinkuu dhex marayay oo dhan wuxuu ku wacdiyey injiilka ilaa intuu gaadhay Kaysariya.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya