Revised Common Lectionary (Semicontinuous)
96 Rabbiga gabay cusub ugu gabya,
Dadka dhulka oo dhammow, Rabbiga u gabya.
2 Rabbiga u gabya, oo magiciisa ammaana,
Oo badbaadintiisana muujiya maalin ka maalin.
3 Ammaantiisa quruumaha dhexdooda ka sheega,
Oo shuqulkiisa yaabka badanna dadyowga oo dhan ka dhex sheega.
4 Waayo, Rabbigu waa weyn yahay, waana mudan yahay in aad loo ammaano.
Isaga waa in laga cabsadaa in ka sii badan ilaahyada oo dhan.
5 Waayo, dadyowga ilaahyadooda oo dhammu waa sanamyo,
Laakiinse Rabbigu isagaa sameeyey samooyinka.
6 Sharaf iyo haybaduba hortiisay yaalliin,
Xoog iyo quruxuna meeshiisa quduuska ah ayay ku jiraan.
7 Dadka qolooyinkiisow, Rabbiga ammaana,
Waxaad Rabbiga ka sheegtaan ammaan iyo xoog.
8 Waxaad Rabbiga ka sheegtaan ammaanta magiciisu mudan yahay,
Qurbaan keena, oo barxadihiisa soo gala.
9 Rabbiga ku caabuda quruxda quduusnimada,
Dadka dhulka oo dhammow, hortiisa ku gariira.
10 Quruumaha dhexdooda waxaad ka tidhaahdaan, Rabbigaa taliya,
Oo duniduna waxay u dhisan tahay si aan la dhaqaajin karin,
Dadyowgana wuxuu ugu garsoori doonaa caddaalad.
11 Haddaba samooyinku ha farxeen, dhulkuna ha reyreeyo,
Oo badda iyo waxa ka buuxaaba, ha guuxeen,
12 Berriga iyo waxa ku jira oo dhammuna ha farxeen,
Oo markaasay dhirta duurka oo dhammu Rabbiga hortiisa ku gabyi doonaan farxad daraaddeed,
13 Waayo, isagu waa imanayaa,
Oo wuxuu u imanayaa inuu dunida xukumo.
Isagu wuxuu dunida ku xukumi doonaa xaqnimo,
Dadyowgana runtiisa.
Axaab, Boqorkii Dalka Israa'iil
29 Oo Aasaa oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii siddeed iyo soddonaad ayaa Axaab oo ahaa ina Coomrii dalka Israa'iil boqor ka noqday, oo wuxuu dalka Israa'iil Samaariya boqor ugu ahaa laba iyo labaatan sannadood. 30 Oo Axaab oo ahaa ina Coomrii wuxuu sameeyey wixii shar ku ahaa Rabbiga hortiisa oo ka sii daran sharkii kuwii isaga ka horreeyey oo dhan. 31 Markaas sidii iyadoo la sahlan isaga inuu sameeyo dembiyadii Yaaraabcaam ina Nebaad, wuxuu guursaday Yesebeel oo ahayd ina Etbacal boqorkii reer Siidoon, wuuna tegey oo u adeegay oo caabuday Bacal. 32 Oo Bacal aawadiis wuxuu meel allabari uga dhisay gurigii Bacal ee uu hore uga dhex dhisay Samaariya. 33 Oo haddana Axaab wuxuu sameeyey geed Asheeraah, oo Axaab haddana wuu ka sii xanaajiyey Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil si ka sii daran boqorradii dalka Israa'iil ee isaga ka horreeyey oo dhan. 34 Oo wakhtigiisii Yerixoo waxaa dhisay nin reer Beytel ah oo magiciisa la odhan jiray Xii'eel; oo markuu aasaaskeedii dhigay waxaa ka dhintay wiilkiisii curadka ahaa oo Abiiraam ahaa, markuu irdaheedii taagayna waxaa ka dhintay wiilkiisii yaraa oo Seguub ahaa, oo waxay noqotay sidii eraygii Rabbigu kula hadlay Yashuuca ina Nuun.
Waxyaalo Uu Bawlos Xaq U Lahaa Rasuulnimadiisii Aawadeed
11 Waxaan jeclaan lahaa inaad iigu dulqaadataan doqonnimadayda yar. Laakiin waad ii dulqaadataan. 2 Waxaan idiinku masayrsanahay masayr xagga Ilaah ah, waayo, waxaan idiin guuriyey nin keliya, inaan idiin dhiibo Masiix idinkoo ah bikrad daahir ah. 3 Laakiin waxaan ka baqayaa in maankiinna laga halleeyo lillaahinimada iyo daahirnimada xagga Masiix, sidii abeesadii xeeladdeedii Xaawa ugu khiyaanaysay oo kale. 4 Waayo, haddii mid yimaado oo idinku wacdiyo Ciise kale oo ah ku aanan ku wacdiyin, ama haddii aad heshaan ruux ka duwan kii aad hesheen, ama injiil ka duwan kii aad aqbasheen, si wanaagsan ayaad ugu dulqaadataan. 5 Waxaan u malaynayaa inaanan sina uga liidan rasuulladaas ugu waaweyn. 6 Laakiin in kastoo aanan hadalka ku fiicnayn, aqoonta waan ku fiicanahay, oo taasaannu si kasta idiinku muujinnay dadka oo dhan hortiisa.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya