Revised Common Lectionary (Semicontinuous)
Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu luuqeeyaa Ayeled Shaxar.
22 Ilaahayow, Ilaahayow, maxaad ii dayrisay?
Oo aad uga fogaatay caawimaaddayda iyo hadalka hinraaggayga?
2 Ilaahayow, maalintii waan kuu qayshadaa, adiguse iima jawaabtid,
Oo habeennimadana waan qayliyaa oo ma nasto.
3 Laakiinse adigu quduus baad tahay,
Oo kursigaaga waxaad ka dhigtaa ammaanta reer binu Israa'iil.
4 Awowayaashayo adigay isku kaa halleeyeen,
Iyagu way isku kaa halleeyeen, oo adna waad samatabbixisay.
5 Adigay kuu qayshadeen, oo way samatabbexeen,
Way isku kaa halleeyeen, oo mana ay ceeboobin.
6 Laakiinse anigu waxaan ahay dixiri, oo dad ma ahi,
Waxaan ahay mid la caayo, oo dadku quudhsado.
7 Oo kuwa i arka oo dhammu way igu qoslaan,
Bushimahay yuubaan, oo madaxay lulaan, iyagoo leh,
8 Rabbiguu isku halleeyey, ha samatabbixiyo,
Bal isagu waa kan ku faraxsane hadda ha samatabbixiyo.
9 Laakiinse adigu waxaad tahay kii uurka iga soo bixiyey,
Oo intaan naasaha hooyaday nuugayay, waxaad iga dhigtay mid ku aaminsan.
10 Aniga dushaadaa laygu soo tuuray markaan uurka ka soo baxay,
Xataa tan iyo intaan uurkii hooyaday ku jiray, Ilaahaygaad ahayd.
11 Ha iga fogaan, waayo, dhib baa soo dhow,
Qof i caawiyaana ma jiro.
12 Waxaa i hareereeyey dibiyo badan,
Oo kuwii Baashaan oo xoogga badnaa ayaa hareerahayga isku wareejiyey.
13 Afkooday iigu fureen,
Sidii libaax hamuunsan oo ciyaya.
14 Waxaan u shubmay sidii biyo oo kale,
Oo lafahaygii oo dhammuna xubnihii way ka kala bexeen,
Oo qalbigaygii wuxuu noqday sidii shamac oo kale,
Oo wuxuu ku dhex dhalaalay xiidmahayga.
15 Xooggaygii wuxuu u engegay sidii dheri burburkiisa oo kale,
Oo carrabkaygiina daamankayguu ku dhegay,
Oo waxaad i gelisay ciiddii dhimashada.
17 Ruuxaygii waa tabardarnaaday, cimrigaygiina waa dhammaaday,
Oo qabrigu waa ii diyaar.
2 Sida xaqiiqada ah waxaa ila jooga majaajilowyo,
Oo ishayduna waxay fiiro u leedahay ka cadhaysiintooda.
3 Haddaba rahaamad i sii, oo dammiin ii noqo;
Bal yaa jooga oo gacanta dhaar iigu dhiibaya?
4 Waayo, qalbigooda waxgarashadii waad ka qarisay,
Oo sidaas daraaddeed iyaga ma aad sarraysiin doontid.
5 Kii saaxiibbadiis u yeedha inay maal ka qaybgeliyaan,
Carruurtiisu way indha beeli doonaan.
6 Oo weliba isagu wuxuu iga dhigay wax ay dadku ku halqabsadaan,
Oo waxaan noqday mid ay dadku candhuuf ku tufaan.
7 Indhahaygii murug bay la arag daranyihiin,
Oo xubnahaygii oo dhammuna waxay noqdeen sidii hoos oo kale.
8 Dadkii toolmoonu waxan way la yaabayaan,
Oo kan aan xaqa qabinuna wuxuu ku kacayaa cibaadalaawaha.
9 Laakiinse kii xaq ahu jidkiisa wuu ku sii adkaysan doonaa,
Oo kii gacmo nadiifsan lahuna aad iyo aad buu u sii xoogaysan doonaa.
10 Laakiinse idinku dhammaantiin bal soo noqda oo ii kaalaya,
Oo anna nin xigmad leh idinkama heli doono.
11 Cimrigaygii waa dhammaaday,
Oo qasdigaygii iyo fikirradii qalbigayguba waa baabbe'een.
12 Habeenka waxay u beddelaan maalin,
Oo waxay yidhaahdaan, Iftiinku waa u dhow yahay gudcurka.
13 Haddaan She'ool u rajeeyo sida gurigaygii oo kale,
Ama haddaan gogoshayda gudcurka ku dhex fidsado,
14 Oo haddaan qudhunka ku idhaahdo, Adigu waxaad tahay aabbahay,
Oo aan dirxigana ku idhaahdo, Adigu waxaad tahay hooyaday iyo walaashay,
15 Bal markaas meeday rajadaydu?
Oo bal yaase rajadayda arki doona?
16 Waxay hoos ugu dhaadhici doontaa qataarrada She'ool,
Markaannu ciidda wada galno.
7 Haddaba waa sidan waxa Ruuxa Quduuska ahi leeyahay,
Maanta haddaad codkiisa maqashaan,
8 Qalbiyadiinna ha adkaynina sidii wakhtigii dhirifka,
Sidii maalintii jirrabaadda ee cidlada dhexdeeda,
9 Meeshii ay awowayaashiin igu jirrabeen, oo ay igu tijaabiyeen,
Oo ay afartanka sannadood shuqulladaydii ku arkeen.
10 Taas daraaddeed qarnigan waan u cadhaysnaa,
Oo waxaan idhi, Had iyo goorba qalbigooday ka qaldamaan,
Oo iyagu ma ay aqoon jidadkaygii.
11 Sidaas daraaddeed anigoo cadhaysan ayaan waxaan ku dhaartay,
Iyagu nasashadayda ma geli doonaan.
Waa Inaynu Iimaankeenna Xajinno Ilaa Ugu Dambaysta
12 Iska jira, walaalayaalow. Yaanu qalbi shar leh oo aan rumaysad lahayni midkiinna ku jirin, idinkoo Ilaaha nool ka dheeraanaya. 13 Laakiin maalin kasta iswaaniya, intii la odhanayo, Maanta, inuusan midkiinna ku engegin khiyaanada dembiga. 14 Waayo, waxaynu noqonnay kuwa Masiix ka qayb qaatay, haddaynu aad u xajinno bilowgii kalsoonaanteenna ilaa ugu dambaysta, 15 inta la leeyahay,
Maanta haddaad codkiisa maqashaan,
Qalbiyadiinna ha adkaynina sidii wakhtigii dhirifka.
16 Waayo, yaa, markay maqleen, Ilaah ka dhirfiyey? Miyaanay ahayn kulligood kuwii Muuse ka keenay Masar? 17 Oo yuu afartan sannadood u cadhaysnaa? Miyaanay ahayn kuwii dembaabay oo meydadkoodu cidlada ku dhacdhaceen? 18 Oo yuu ku dhaartay inaanay nasashadiisa gelin, kuwii isaga addeeci waayay mooyaane? 19 Oo waxaynu aragnaa inaanay geli karin rumaysaddarro aawadeed.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya