Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Semicontinuous)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with sequential stories told across multiple weeks.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 138

Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey.

138 Qalbigayga oo dhan ayaan kugu mahadnaqi doonaa,
Oo ilaahyada hortooda ayaan ammaan kuugu gabyi doonaa,
Waxaan u soo tukan doonaa macbudkaaga quduuska ah xaggiisa,
Oo magacaagana waxaan ugu mahadnaqi doonaa raxmaddaada iyo runtaada aawadood,
Waayo, eraygaaga ayaad ka sii weynaysay magacaaga oo dhan.
Maalintii aan qayshaday waad ii jawaabtay,
Waanad igu kalsooni gelisay xooggii aad naftayda u yeeshay.
Rabbiyow, boqorrada dhulka jooga oo dhammu way kugu mahadnaqi doonaan,
Waayo, waxay maqlaan erayada afkaaga.
Haah, way ka gabyi doonaan jidadka Rabbiga,
Waayo, ammaanta Rabbigu waa weyn tahay.
Waayo, in kastoo Rabbigu sarreeyo, haddana wuu fiiriyaa kuwa hooseeya,
Laakiinse kan kibra meel fog buu ka yaqaan.
In kastoo aan ku dhex socdo dhibaato waad i soo noolayn doontaa,
Oo waxaad gacantaada ku soo fidin doontaa cadhada cadaawayaashayda,
Oo gacantaada midigna way i badbaadin doontaa.
Rabbigaa kaamil ka dhigi doona waxa igu saabsan,
Rabbiyow, naxariistaadu weligeedba way sii waartaa,
Ha ka tegin shuqulladii gacmahaaga.

Samuu'eel Kowaad 4

Oo hadalkii Samuu'eelna wuxuu soo gaadhay reer binu Israa'iil oo dhan.

Reer Falastiin Oo Sanduuqii Axdiga Qabsaday

Oo reer binu Israa'iilna waxay u soo baxeen inay reer Falastiin la diriraan, oo waxay soo ag degeen Ebenceser; reer Falastiinna waxay soo degeen Afeeq. Oo reer Falastiinna waxay weerar isugu soo diyaariyeen reer binu Israa'iil; oo markii ay dagaalkii isugu yimaadeenna reer binu Israa'iil waa la jebiyey reer Falastiin hortooda; oo waxay ciidankii berrinka joogay ka laayeen afar kun oo nin. Oo markay dadkii xeradii yimaadeen ayay odayaashii reer binu Israa'iil yidhaahdeen, Maanta maxaa Rabbigu inoogu laayay reer Falastiin hortooda? Haddaba sanduuqii axdiga Rabbiga aynu Shiiloh ka soo qaadanno oo dhexdeenna ha yimaado, inuu inaga badbaadiyo gacanta cadaawayaasheenna. Sidaas daraaddeed dadkii waxay u cid direen Shiiloh, oo waxay halkaas ka keeneen sanduuqii axdiga Rabbiga Ciidammada oo ku fadhiya Keruubiimta dushooda, oo Ceelii labadiisii wiil oo ahaa Hofnii iyo Fiinexaas iyana halkaasay la joogeen sanduuqa axdiga Ilaah. Oo markii sanduuqii axdiga Rabbigu soo galay xeradii ayaa reer binu Israa'iil oo dhammu waxay ku qayliyeen qaylo weyn ee dhulku la gariiray. Oo reer Falastiinna markay maqleen dhawaaqii qaylada ayay yidhaahdeen, Dhawaaqa qaylada weyn ee xeradii Cibraaniyadii ka baxaya micnihiisu waa maxay? Markaasay garteen inuu sanduuqii Rabbigu xeradii dhex yimid. Oo reer Falastiinna way cabsadeen, oo waxay yidhaahdeen, Ilaah baa xeradii soo galay. Oo haddana waxay yidhaahdeen, Hoog baa inagu dhacay! Waayo, hadda ka hor waxan oo kale lama arag. Hoog baa inagu dhacaye! Bal yaa inaga samatabbixin doona ilaahyadan xoogga weyn gacantooda? Kuwanu waa ilaahyadii Masriyiinta ku laayay cidlada ee ku soo daayay belaayooyin cayn kasta ah. Reer Falastiinow, xoog yeesha, oo raganimo isgeliya, yeydnan Cibraaniyada addoommo u noqone, sidii ay idiinku ahaayeen oo kale. Haddaba raganimo isgeliya oo dirira. 10 Markaasay reer Falastiin dirireen, reer binu Israa'iilna waa la jebiyey, oo midkood waliba wuxuu ku cararay teendhadiisii. Oo maalintaas waxaa la laayay dad aad u badan; waayo, reer binu Israa'iil waxaa ka le'day soddon kun oo nin oo lug ah. 11 Oo sanduuqii Ilaahna waa la qaatay; oo Ceelii labadiisii wiil oo ahaa Hofnii iyo Fiinexaasna waa la dilay.

Dhimashadii Ceelii

12 Oo ciidankii waxaa ka orday nin reer Benyaamiin ah, oo isla maalintiiba wuxuu yimid Shiiloh isagoo dharkiisu jeexjeexan yahay, oo madaxana ciid ku leh. 13 Oo markuu yimid, bal eeg, Ceelii wuxuu ku fadhiyey kursigiisii waddada dhankeeda yiil, isagoo wax fiirinaya; waayo, qalbigiisu wuxuu u dhibbanaa sanduuqii Ilaah aawadiis. Oo markii ninkii soo galay magaaladii, oo uu u warramay, ayaa magaaladii oo dhammu qaylisay. 14 Oo Ceeliina markuu maqlay dhawaaqii qaylada ayuu yidhi, Buuqan sawaxankiisu waa maxay micnihiisu? Markaasaa ninkii intuu soo dhaqsaday ayuu Ceelii u yimid oo u warramay. 15 Ceeliina wuxuu jiray siddeed iyo sagaashan sannadood, oo indhihiisuna dem bay ahaayeen oo waxba ma uu arki karin. 16 Oo ninkii wuxuu Ceelii ku yidhi, Anigu waxaan ahay kii ciidankii ka soo baxay, oo maantaan ciidankii ka soo cararay. Markaasuu yidhi, Wiilkaygiiyow, sidee bay xaaladdu u dhacday? 17 Oo kii warka keenay waa jawaabay oo yidhi, Reer binu Israa'iil way ka carareen reer Falastiin, oo dad badan baa la laayay, oo labadaadii wiil oo ahaa Hofnii iyo Fiinexaas iyana way dhinteen, oo sanduuqii Ilaahna waa la qaatay. 18 Oo markuu sanduuqii Ilaah wax uga sheegay, ayuu Ceelii dib uga dhacay kursigiisii iridda ag yiil, markaasuu qoorta ka jabay oo dhintay, waayo, wuxuu ahaa nin da' weyn oo culus. Oo wuxuu reer binu Israa'iil xukumi jiray afartan sannadood. 19 Oo gabadhii uu soddogga u ahaa ee Fiinexaas qabay, uur bay lahayd oo fool bay ku dhowayd; oo markay maqashay warkii ahaa in sanduuqii Ilaah la qaatay, oo ay soddoggeed iyo ninkeediiba dhinteen ayay foororsatay oo umushay; waayo, haddiiba fool baa qabatay. 20 Oo markay sakaraadaysay ayay naagihii agteeda taagnaa ku yidhaahdeen, Ha baqin, waayo, waxaad dhashay wiil. Laakiinse uma ay jawaabin, oo danna kama gelin. 21 Oo iyana waxay wiilkii u bixisay Iikabood, oo tidhi, Reer binu Israa'iil ammaantii way ka tagtay; maxaa yeelay, sanduuqii Ilaah waa la qaatay, oo weliba soddoggeed iyo ninkeediiba way dhinteen. 22 Oo waxay tidhi, Reer binu Israa'iil ammaantii way ka tagtay; maxaa yeelay, sanduuqii Ilaah waa la qaatay.

1 Butros 4:7-19

Haddaba wax walba dhammaadkoodu wuu dhow yahay, sidaas daraaddeed digtoonaada, oo tukashada u feeyignaada. Wax walba hortood idinku aad isu jeclaada, maxaa yeelay, jacaylku wuxuu qariyaa dembiyo faro badan. Ismartiqaada gunuunacla'aan. 10 Sida mid waluba u helay hadiyad, idinku isu adeega, sida wakiillo wanaagsan oo helay nimcada Ilaah ee badan ee kala cayncaynka ah. 11 Haddii nin hadlo, ha u hadlo sidii isagoo ku hadlaya ereyga Ilaah; haddii nin adeegona, ha u adeego siduu Ilaah xoogga u siiyo, in wax walbaba Ilaah ku ammaanmo Ciise Masiix, kaasoo weligiis iyo weligiisba leh ammaanta iyo dowladnimadaba. Aamiin.

Masiixiyiintu Waa Inay Ku Farxaan Xanuunka Ay Masiixa U Xanuunsadaan

12 Gacaliyayaalow, ha la yaabina jirrabaadda dabka ah oo idinku dhex dhacday in laydiin tijaabiyo sida iyadoo ay idinku dhaceen wax la yaab lihi. 13 Laakiinse sidaad u tihiin kuwo ka qayb qaatay waxyaalaha Masiixu ku xanuunsaday, farxa, inaad farxad aad u weyn ku faraxdaan marka ammaantiisa la muujiyo. 14 Haddii magaca Masiix aawadiis laydin caayo, waad barakaysan tihiin, maxaa yeelay, waxaa idin dul jooga Ruuxa ammaanta oo ah Ruuxa Ilaah. 15 Haddaba midkiinna yuusan u xanuunsan sida isagoo ah gacankudhiigle, ama tuug, ama sharfale, ama mid faraggeliya axwaasha dadka kale. 16 Laakiin haddii nin u xanuunsado sida isagoo Masiixi ah, yaanu ceebsan, laakiinse Ilaah ha ku ammaano magacan. 17 Waayo, waxaa la gaadhay wakhtigii dadka Ilaah xukunka laga bilaabi lahaa, oo haddii innaga marka hore laynaga bilaabo, kuwa aan injiilka Ilaah addeecin muxuu aakhirkoodu ahaan doonaa? 18 Haddaba haddii kan xaqa ahu si dhib leh ku badbaado, xaggee bay ka muuqan doonaan cibaadalaawaha iyo dembiluhu? 19 Sidaas daraaddeed kuwa doonista Ilaah u xanuunsada, iyagoo samafalaya, naftooda ammaano ha ugu dhiibeen Abuuraha aaminka ah.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya