Revised Common Lectionary (Complementary)
11 Rabbiyow, dembigayga iga cafi magacaaga daraaddiis,
Waayo, aad buu u weyn yahay.
12 Bal waa ayo ninka Rabbiga ka cabsadaa?
Kaas wuxuu ku hanuunin doonaa jidkii uu isagu doorto.
13 Naftiisu wanaag bay ku jiri doontaa,
Oo farcankiisuna wuxuu dhaxli doonaa dalka.
14 Rabbiga taladiisa qarsoon waxay la jirtaa kuwa isaga ka cabsada,
Oo wuxuu iyaga tusi doonaa axdigiisa.
15 Weligayba indhahaygu waxay u jeedaan xagga Rabbiga,
Waayo, wuxuu cagahayga ka bixin doonaa dabinka.
16 Bal xaggayga u soo jeeso, oo ii naxariiso,
Waayo, waan cidloobay, oo dhib baa i haysa.
17 Dhibaatooyinka qalbigaygu way sii ballaadheen,
Cidhiidhigayga iga bixi.
18 Bal fiiri dhibkayga iyo qaxarkayga,
Oo dembiyadayda oo dhan iga cafi.
19 Bal fiiri cadaawayaashayda, waayo, way badan yihiin,
Oo waxay igu neceb yihiin nacayb dulmi miidhan ah.
20 Naftayda dhawr, oo i samatabbixi,
Oo yaanan ceeboobin, waayo, waan isku kaa halleeyaa.
19 Miskiinka daacadnimadiisa ku socda ayaa ka wanaagsan
Nacaska bushimihiisu qalloocan yihiin.
2 Oo weliba in naftu aqoon la'aato ma wanaagsana,
Oo kii cagihiisu degdegaanna wuu ambadaa.
3 Nin nacasnimadiisu jidkiisay qalloocisaa,
Oo isagu qalbigiisa ayuu Rabbiga uga cadhoodaa.
4 Maalku wuxuu badiyaa saaxiibbo,
Laakiinse miskiinku saaxiibkiisa buu ka soocmaa.
5 Markhaatigii been ahu ma taqsiir la'aan doono,
Oo kii been ku hadlaana ma baxsan doono.
6 Kuwa badan ayaa deeqsiga raallinimo ka baryi doona,
Oo nin kastaaba waa u saaxiib kii hadiyado bixiya.
7 Miskiinka walaalihiis oo dhammu way neceb yihiin,
Haddaba saaxiibbadiisuna intee bay ka fogaan doonaan!
Isagu hadal buu kala daba tagaa iyaga, laakiinse way tageen.
8 Kii xigmadda helaa naftiisuu jecel yahay,
Oo kii waxgarashada xajistaana wax wanaagsan buu heli doonaa.
9 Markhaatigii been ahu ma taqsiir la'aan doono,
Oo kii been ku hadlaana wuu halligmi doonaa.
10 Nacaska raaxo uma eka,
Waxaana taas ka sii liita in addoon amiirro xukumo.
11 Nin miyirkiisu cadho buu ka celiyaa,
Oo waxaa isaga ammaan u ah inuu xadgudub dhaafo.
12 Boqorka cadhadiisu waa sida libaaxa cidiisa,
Laakiinse raallinimadiisu waa sida sayaxa cawska ku dega.
13 Wiilkii nacas ahu waa u belaayo aabbihiis,
Oo naag murammadeeduna waa sida dhibicyo aan kala go'in.
14 Hoy iyo hanti aabbayaashaa laga dhaxlaa,
Laakiinse afo miyir leh xagga Rabbigaa laga helaa.
15 Caajisnimo waxay keentaa hurdo weyn,
Oo qofkii caajis ahuna wuu gaajoon doonaa.
16 Kii amarka dhawraa naftiisuu dhawraa,
Laakiinse kii jidadkiisa fudaydsadaa wuu dhiman doonaa.
17 Kii miskiinka u naxaa Rabbiguu wax amaahiyaa,
Oo wanaaggii uu sameeyeyna wuu u celin doonaa.
11 Oo kanu waa warkii aad tan iyo bilowgii maqlayseen, kaasoo ah inaynu isjeclaanno, 12 oo aynaan ahaanin sida Qaabiil oo ahaa kan sharka leh oo walaalkii dilay. Oo muxuu u dilay? Waayo, shuqulladiisu waxay ahaayeen shar, oo kuwii walaalkiisna xaq bay ahaayeen.
Isjeclaada
13 Walaalayaalow, ha la yaabina haddii ay dunidu idin neceb tahay. 14 Waxaynu og nahay inaynu dhimashada ka soo gudubnay oo aynu u soo gudubnay nolosha, maxaa yeelay, walaalaha ayaynu jecel nahay. Oo ka aan walaalkii jeclayn, dhimashaduu ku sii hadhaa. 15 Ku alla kii walaalkii neceb waa dhiigqabe, oo idinkuna waad og tihiin inaanu dhiigqabena lahayn nolosha weligeed ah oo ku sii jiraysa. 16 Taasaynu jacaylka ku garanaynaa, waayo, isagu naftiisuu u bixiyey aawadeen; oo innaguna waa inaynu nafteenna u bixinno walaalaheen. 17 Laakiin kan leh xoolaha dunidan, oo arka walaalkiis oo baahan, oo qalbigiisa ka xidha, sidee baa jacaylka Ilaah ugu jiraa isaga?
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya