Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Complementary)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with thematically matched Old and New Testament readings.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 64

Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha.

64 Ilaahow, codkayga maqal markii aan kuu soo cawdo,
Oo naftayda ka ilaali cadowga cabsidiisa.
Oo iga qari talada qarsoon oo kuwa sharka ka shaqeeya,
Iyo tirabadnaanta xumaanfalayaasha,
Oo carrabkooda u afeeyey sidii seef oo kale,
Oo fallaadhahoodii liishaamay kuwaas oo ah erayo qadhaadh,
Si ay meelo qarsoon kan qumman fallaadh ugaga ganaan,
Haddiiba si kedis ah ayay ugu ganaan, mana cabsadaan.
Qasdi shar ah bay isku dhiirrigeliyaan,
Waxay ku arrinsadaan inay si qarsoon dabinno u dhigaan,
Oo ay isyidhaahdaan, Bal yaa arki doona?
Waxay baadhaan xumaatooyin, iyagoo leh, Annagu baadhid caqli ah ayaannu ebinnay,
Fikirka ku jira uurka nin walba iyo qalbiguba waa mool dheer yihiin.
Laakiinse Ilaah waa toogan doonaa,
Oo haddiiba iyaga waxaa dhaawici doonta fallaadh.
Sidaas daraaddeed waa la kufin doonaa, iyagoo carrabkoodu col u yahay naftooda,
Wax alla wixii iyaga arka oo dhammu way carari doonaan.
Oo dadka oo dhammu way cabsan doonaan,
Oo waxay sheegi doonaan shuqulka Ilaah,
Oo si caqli ah ayay uga fikiri doonaan wuxuu sameeyey.
10 Kuwa xaqa ahu waxay ku farxi doonaan Rabbiga, oo isagay isku hallayn doonaan,
Oo inta qalbigoodu toosan yahay oo dhammuna way faani doonaan.

Ayuub 18

Bildad

18 Markaasaa Bildad oo ahaa reer Shuuxii u jawaabay, oo wuxuu ku yidhi,

War ilaa goormaad hadallo sii wadaysaan?
War bal fiirsada, oo annana dabadeed baannu hadlaynaa.
War bal maxaa sida xayawaan naloogu tiriyaa?
Oo bal maxaannu hortiinna ugu nijaasownay?
War waa adiga xanaaq daraaddiis isla jeexjeexayaye
Dhulka ma daraaddaa baa looga tegayaa?
Mase dhagaxa ayaa meeshiisa laga rujinayaa?
Hubaal iftiinka sharrowgu wuu demi doonaa,
Oo ololka dabkiisuna siima iftiimi doono.
Iftiinka teendhadiisu wuxuu ahaan doonaa gudcur,
Oo laambaddiisa kor taalna way demi doontaa.
Tallaabooyinka itaalkiisu way iscidhiidhin doonaan,
Oo taladiisu isagay hoos u ridi doontaa.
Waayo, isagu wuxuu cagta gashadaa shabag,
Oo wuxuu ku kor socdaa dabin.
Waxaa isaga cedhibta ku dhegi doona dabin,
Oo qool baana qabsan doona.
10 Waxaa dhulka ugu qarsan siriq,
Oo jidkana waxaa u yaal dabin.
11 Dhinac kasta waxaa ka bajin doona cabsi,
Oo xataa gadaalna way ka soo eryan doontaa.
12 Xooggiisa waxaa dili doonta gaajo,
Oo belaayona agtiisay diyaar ku tahay.
13 Oo waxay baabbi'in doontaa xubnaha jidhkiisa,
Oo curadka dhimashada ayaa xubnihiisa baabbi'in doona.
14 Oo isaga waa laga rujin doonaa teendhadiisa uu isku halleeyo,
Oo waxaa loo keeni doonaa boqorka cabsida.
15 Teendhadiisa waxaa ku jiri doona wax aan wixiisii ahayn,
Oo hoygiisana waxaa lagu soo kor firdhin doonaa baaruud.
16 Xididdadiisa hoose way qallali doonaan,
Oo laamihiisa sarena waa la jari doonaa.
17 Dhulka laguma xusuusan doono,
Oo jidkana magac kuma uu yeelan doono.
18 Isaga iftiin baa gudcur looga kaxayn doonaa,
Oo dunidana waa laga eryi doonaa.
19 Oo isagu dadkiisa kuma dhex lahaan doono wiil uu dhalay iyo mid uu wiilkiisii dhalay toona,
Ama mid ku hadha meelihii uu degganaan jiray.
20 Dadka ka dambeeyaa waxay ka yaabi doonaan wakhtigiisa,
Sidii ay kuwii horeba uga baqeen.
21 Sida xaqiiqada ah guryaha kuwa aan xaqa ahayn waa sidaas oo kale,
Oo kii aan Ilaah aqoon meeshiisiina waa tan.

1 Korintos 1:18-31

Xoogga Iskutallaabta

18 Waayo, hadalka ku saabsan iskutallaabtu waa u nacasnimo kuwa lumaya, laakiin waa u xoogga Ilaah kuweenna badbaadaya. 19 Maxaa yeelay, waxaa qoran,

Xigmadda kuwa xigmadda leh waan baabbi'in doonaa,
Oo garashada kuwa garashada leh ayaan diidi doonaa.

20 Meeh kan xigmadda lihi? Meeh kan culimmada ka mid ahi? Meeh kan wakhtigan muranka badani? Ilaah miyaanu nacasnimo ka dhigin xigmadda dunida? 21 Dunidu Ilaah kuma ay garanaynin xigmaddeeda, laakiin Ilaah xigmaddiisa aawadeed ayuu ku farxay inuu kuwa rumaysta ku badbaadiyo nacasnimadii wacdiga. 22 In kastoo ay Yuhuuddu calaamooyin doonaan oo Gariigtuna ay xigmad doonaan, 23 annaguse waxaannu dadka ku wacdinnaa Masiix oo iskutallaabta lagu qodbay, oo u ah xagga Yuhuudda wax lagu turunturoodo, xagga Gariigtana u ah nacasnimo. 24 Xagga kuwa loo yeedhayse, ha ahaadeen Yuhuudda ama Gariigta, Masiix baa u ah xoogga Ilaah iyo xigmadda Ilaah. 25 Waayo, nacasnimada Ilaah waa ka xigmad badan tahay xigmadda dadka, oo itaaldarrada Ilaahna waa ka itaal badan tahay itaalka dadka.

26 U fiirsada waxa laydiinku yeedhay, walaalayaalow, sidaan loogu yeedhin qaar badan oo xigmad leh xagga jidhka, ama qaar badan oo xoog leh, ama qaar badan oo gob ah, 27 laakiinse Ilaah wuxuu doortay waxyaalaha nacasnimada ah ee dunida inuu ceebeeyo kuwa xigmadda leh, oo Ilaah baa doortay waxyaalaha itaalka daran inuu ceebeeyo waxyaalaha itaalka leh. 28 Waxyaalaha hoose iyo waxyaalaha la fududaystana Ilaah baa doortay, xataa waxyaalaha aan jirin, inuu waxyaalaha jira wax aan wax tarin ka dhigo, 29 si aan qofna ugu faanin Ilaah hortiisa. 30 Laakiin xaggiisa waxaad ku jirtaan Ciise Masiix kan inoo noqday xigmadda xagga Ilaah, iyo xaqnimada, iyo quduusnaanta, iyo madaxfurashada, 31 in sida qoran, Kii faanaa, Rabbiga ha ku faano.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya