Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Complementary)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with thematically matched Old and New Testament readings.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 8

Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu luuqeeyaa Gitiid.

Rabbiyow, Sayidkayagiiyow,
Magacaagu dunida oo dhan ku fiicanaa!
Waayo, sharaftaadii waxaad ka sarraysiisay samooyinka.
Waxaad xoog u yeeshay afka ilmaha yaryar iyo caanonuugga,
Waana cadaawayaashaada daraaddood,
Si aad u aamusiisid cadowga iyo aardoonka.
Markaan ka fiirsado samooyinka farahaaga lagu sameeyey,
Iyo dayaxa iyo xiddigaha aad amartay,
Bal waa maxay dadku oo aad u xusuusataa isaga?
Iyo wiilka aadanaha oo aad u soo booqataa?
Waayo, waxaad isaga wax yar ka hoosaysiisay malaa'igaha,
Waxaanad taaj uga dhigtay ammaan iyo murwad.
Oo waxaad isaga ka dhigtay inuu u taliyo shuqullada gacmahaaga,
Oo wax walbana cagihiisaad ka hoosaysiisay,
Idaha iyo lo'da oo dhan,
Iyo xayawaanka duurka joogaba,
Iyo haadka hawada, iyo kalluunka badda,
Iyo wax alla waxa ku dhex socda waddooyinka badaha.
Rabbiyow, Sayidkayagiiyow,
Magacaagu dunida oo dhan ku fiicanaa!

Maahmaahyadii 4:1-9

Xigmaddu Waa Sarraysaa

Wiilashoy, aabbe edbintiisa maqla,
Oo u jeesta inaad wax garataan.
Waayo, anigu waxaan idin siiyaa tacliin wanaagsan,
Haddaba cilmigayga ha ka tegina.
Waayo, aniguba waxaan aabbahay u ahaa wiil,
Oo mid yar oo bacbac ah oo madi ah ayaan u ahaa hooyaday.
Isagu wax buu i baray, oo wuxuu igu yidhi,
Qalbigaagu erayadayda ha xajisto;
Amarradaydana dhawr, oo waad noolaan doontaa.
Xigmadda doono, waxgarashadana doono;
Hana illoobin, oo erayada afkaygana dib ha uga noqon.
Xigmadda ha ka tegin, oo way ku nabad gelin doontaa.
Jeclow, oo way ku dhawri doontaa.
Xigmaddu wax walbay ugu horraysaa, sidaas daraaddeed xigmadda doono;
Wax kastoo aad hesho weliba waxgarasho doono.
Iyada sarraysii, oo iyana way ku dallicin doontaa;
Oo sharaf bay kuu yeeli doontaa markaad iyada isku duubtid.
Iyadu waxay madaxaaga siin doontaa wax sharraxsan,
Oo waxayna kuu yeeli doontaa taaj quruxsan.

Luukos 2:41-52

41 Sannad walba waalidkiisii waxay Yeruusaalem u tegi jireen Iiddii Kormaridda. 42 Goortuu laba iyo toban sannadood jiray ayay aadeen sidii caadadii iiddu u ahayd. 43 Oo goortay maalmihii dhammaysteen, oo ay noqonayeen, ayaa Ciise wiilkii ahaa ku hadhay Yeruusaalem, waalidkiisuna ma ogayn, 44 laakiin iyagoo u malaynaya inuu dadka la socdo, ayay maalin sii socdeen, markaasay ka dhex doondooneen xigaalkooda iyo kuway isbarteen. 45 Oo markay heli waayeen ayay Yeruusaalem ku noqdeen oo ka doondooneen. 46 Waxaa noqotay, saddex maalmood dabadeed, inay macbudka ka heleen isagoo macallimiinta dhex fadhiya oo dhegaysanaya oo wax weyddiinaya. 47 Dadkii maqlay oo dhan ayaa la yaabay garashadiisii iyo jawaabihiisii. 48 Goortay arkeen isagii way la yaabeen, oo hooyadiis ayaa ku tidhi, Wiilkaygiiyow, maxaad sidaas noo yeeshay? Bal eeg, aniga iyo aabbahaa caloolxumo waannu kugu doondoonnay. 49 Markaasuu wuxuu ku yidhi, Maxaad ii doondoonayseen? Miyaanad ogayn inay igu waajib tahay inaan danta Aabbahay ku jeedo? 50 Laakiin way garan waayeen hadalkii uu kula hadlay. 51 Kolkaasuu raacay oo Naasared tegey, wuuna ka dambeeyey iyaga; laakiinse hooyadiis hadalkaas oo dhan qalbigeeda ayay ku haysatay.

52 Ciisena wuxuu ku koray xigmad iyo dherer iyo nimco, Ilaah iyo dadka hortooda.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya