Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Complementary)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with thematically matched Old and New Testament readings.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 48

Kanu waa gabay, waana sabuur ay reer Qorax tiriyeen.

48 Rabbigu waa weyn yahay, waana in aad loogu ammaanaa
Ilaaheenna magaaladiisa, iyo buurtiisa quduuska ah.
Waxaa dhererka ku quruxsan, oo farxad u ah dunida oo dhan
Buur Siyoon oo dhanka woqooyi ah,
Meeshaas oo ah magaalada Boqorka weyn.
Ilaah wuxuu daaraheeda dhaadheer isku muujiyey inuu magangal yahay.
Waayo, bal eeg, boqorradii way iswada urursadeen,
Dhammaantood way wada dhaafeen.
Oo kolkay arkeen ayay yaabeen,
Oo argaggexeen, markaasay haddiiba carareen.
Iyagii halkaasay ku gariireen,
Wayna ku xanuunsadeen sida naag foolanaysa.
Doonniyaha Tarshiish waxaad ku jejebisaa
Dabaysha bari.
Annagu sidaan maqalnay, ayaan ku dhex aragnay
Magaalada Rabbiga ciidammada, taasoo ah magaalada Ilaaheenna,
Ilaah ayaa weligeedba adkayn doona. (Selaah)
Ilaahow, raxmaddaada ayaan ka fikirnay
Markaan macbudkaaga ku jirnay.
10 Ilaahow, sida magacaagu yahay
Ayaa ammaantaaduna ku tahay dhulka darafyadiisa oo dhan,
Gacantaada midigna waxaa ka buuxda xaqnimo.
11 Buur Siyoon ha faraxdo,
Oo gabdhaha reer Yahuudah ha ku reyreeyeen xukummadaada daraaddood.
12 Siyoon hareeraheeda socda, oo ku soo wareega,
Oo munaaradaheeda tiriya.
13 Bal aad ugu fiirsada qalcadaheeda,
Oo ka fikira daaraheeda dhaadheer,
Si aad ugu sheekaysaan farcanka soo socda.
14 Waayo, weligiis iyo weligiisba Ilaahan ayaa Ilaah inoo ah,
Oo isagaa hoggaamiye inoo ahaan doona xataa tan iyo dhimashada.

Yoo'eel 2:18-29

Jawaabtii Rabbiga

18 Markaasaa Rabbigu u hinaasay dalkiisii, oo dadkiisuu u naxay. 19 Oo Rabbigu waa u jawaabay dadkiisii oo wuxuu ku yidhi, Bal ogaada, waxaan idiin soo dirayaa hadhuudh, iyo khamri, iyo saliid, oo idinkuna waxaasaad ka dhergi doontaan, oo anna mar dambe quruumaha dhexdooda wax la caayo idinkaga dhigi maayo. 20 Laakiinse waan idinka fogayn doonaa ciidanka woqooyi, oo isaga waxaan ku eryi doonaa dal abaar iyo cidlo ah, oo qaybtiisa hore waxaan geeyn doonaa badda bari, oo qaybtiisa dambena waxaan geeyn doonaa badda galbeed, oo waxaa kor u soo bixi doona qudhunkiisa, oo uurkiisa xumuna wuu soo kici doonaa, maxaa yeelay, isagu wuxuu sameeyey waxyaalo waaweyn. 21 Haddaba dal yahow, ha baqin, laakiinse farax, oo reyree, maxaa yeelay, Rabbigu wuxuu sameeyey waxyaalo waaweyn. 22 Xayawaanka duurkow, ha cabsanina, waayo, naqii cidladu waa soo baxayaa, oo dhirtiina midhaheeday dhalaysaa, oo berdihii iyo canabkiiba way barwaaqoobayaan. 23 Haddaba reer Siyoonay, farxa oo Rabbiga Ilaahiinna ah ku reyreeya, waayo, roobkii hore buu si xaq ah idiin siiyey, oo wuxuu idiin di'iyey roob, intii hore iyo intii dambeba sidii markii hore. 24 Oo goobaha wax lagu tumo waxaa ka buuxsami doona sarreen, oo macsarooyinkuna waxay la buuxdhaafi doonaan khamri iyo saliid. 25 Oo waxaan idiin soo celin doonaa waxa ay sannadihii idinka cuneen ayaxa, iyo laddaaga, iyo diirta, iyo koronkorradu, kuwaas oo ahaa ciidankii weynaa oo aan idiin soo diray. 26 Oo idinku wax badan baad cuni doontaan oo waad dhergi doontaan, oo waxaad ammaani doontaan magaca Rabbiga Ilaahiinna ah oo waxa yaabka badan idiin sameeyey, oo dadkayguna innaba ma ay ceeboobi doonaan. 27 Oo markaas waxaad ogaan doontaan inaan dadka Israa'iil dhex joogo, iyo inaan anigu ahay Rabbiga Ilaahiinna ah, oo aan ilaah kale jirin, oo dadkayguna innaba ma ay ceeboobi doonaan.

Maalintii Rabbiga

28 Oo markaas dabadeedna anigu ruuxayga ayaan ku shubi doonaa dad oo dhan, oo wiilashiinna iyo hablihiinnu wax bay sii sheegi doonaan, oo odayaashiinnuna riyooyin bay ku riyoon doonaan, oo raggiinna dhallinyarada ahuna wax bay arki doonaan, 29 oo weliba maalmahaas addoommada rag iyo dumarba ruuxaygaan ku shubi doonaa.

1 Korintos 2:1-11

Xigmadda Dadka Iyo Muujinta Ilaah

Walaalayaalow, anna markaan idiin imid, lama iman hadal wanaaggiis ama xigmad, anoo idinku wacdiyaya maraggii laga furay Ilaah, waayo, waxaan goostay inaanan waxba dhexdiinna ka ogaan Ciise Masiix oo ah kan iskutallaabta lagu qodbay maahee. Oo waxaan idinkula joogay itaaldarro, iyo cabsi, iyo gariir badan. Laakiin hadalkayga iyo wacdigayga kuma aan hadlin hadallo sasabasho iyo xigmad ah, laakiin waxaan ku hadlay tusidda Ruuxa iyo xoogga, inaan rumaysadkiinnu ku tiirsanaan xigmadda dadka, laakiin inuu xoogga Ilaah ku tiirsanaado.

Waxaannu xigmadda kula hadallaa kuwa garashadu ku dhan tahay, taasoo aan ahayn xigmadda wakhtigan, oo aan ahayn xigmadda madaxda wakhtigan oo ah kuwa la baabbi'in doono; laakiin qarsoonaan ayaannu ugu hadallaa xigmadda Ilaah oo la qariyey, oo Ilaah dunida horteed ka dhigay ammaanteenna aawadeed, tan madaxda wakhtigan midkoodna aanu garanaynin, waayo, hadday garan lahaayeen, iskutallaabta kuma ay qodbeen Rabbiga ammaanta, laakiin sida qoran,

Waxyaalo aanay ishu arkin, oo aanay dhegtu maqlin,
Oo aan qalbiga dadka gelin,
Wax kastoo ay yihiinba, Ilaah baa u diyaariyey kuwa isaga jecel.

10 Innagase Ilaah baa inoogu muujiyey Ruuxa, waayo, Ruuxu wuxuu baadhaa wax kasta, xataa waxyaalaha hoos u dhaadheer oo Ilaah. 11 Waayo, dadka dhexdood yaa garanaya nin waxyaalihiisa, ruuxa ninka ku jira mooyaane? Sidaas oo kalena ninna garan maayo waxyaalaha Ilaah, Ruuxa Ilaah mooyaane.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya