Revised Common Lectionary (Complementary)
Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey.
29 Kuwiinna carruurta Ilaah ahow, Rabbiga ammaana,
Rabbiga ka sheega ammaan iyo xoog.
2 Rabbiga ku ammaana ammaanta magiciisu mudan yahay,
Rabbiga ku caabuda quruxda quduuska ah.
3 Rabbiga codkiisu wuxuu dul joogaa biyaha,
Ilaaha ammaantu wuu onkodaa,
Oo xataa Rabbigu wuxuu ka kor onkodaa biyo badan.
4 Rabbiga codkiisu waa xoog badan yahay,
Rabbiga codkiisu waa haybad badan yahay.
5 Rabbiga codkiisu wuxuu jebiyaa geedaha kedarka ah,
Haah, oo Rabbigu wuxuu kala jebjebiyaa geedaha kedarka ah oo Lubnaan.
6 Oo weliba wuxuu iyaga ka dhigaa inay u boodboodaan sida weyl oo kale,
Lubnaan iyo Siryonba wuxuu ka dhigaa sida gisi yar.
7 Rabbiga codkiisu wuxuu googooyaa ololka dabka.
8 Rabbiga codkiisu wuxuu ruxruxaa cidlada,
Rabbigu wuxuu ruxruxaa cidlada Qaadeesh.
9 Rabbiga codkiisu wuxuu dhaliyaa deerooyinka,
Oo kayntana caleemaha wuu ka daadiyaa,
Oo wax kasta oo macbudkiisa ku jiraana waxay yidhaahdaan, Ammaan.
10 Rabbigu wuxuu dul fadhiyaa daadka,
Haah, oo Rabbigu wuxuu weligiisba u fadhiyaa sida boqor oo kale.
11 Rabbigu dadkiisuu xoogayn doonaa,
Oo Rabbigu nabad buu dadkiisa ku barakayn doonaa.
12 Markaasaa ruuxu kor ii qaaday, oo waxaan gadaashayda ka maqlay cod guuxaya oo leh, Rabbiga ammaantiisu meesheeda barakay ku leedahay, 13 waxayna ahayd sanqadhii baalashii xayawaankii markay istaabtaabanayeen, iyo sanqadhii giraangirihii iyaga dhinac socday, oo sanqadh yaacideed ahayd. 14 Sidaasuu ruuxii kor iigu qaaday oo meel fog ii waday, oo anna waxaan ku tegey dhirif qadhaadh iyo naftaydoo kulul, oo gacantii Rabbigaa igu kor xoog badnayd. 15 Markaasaan Teel Aabiib maxaabiistii Webi Kebaar ag degganaa, iyo ilaa meeshii ay fadhiyeen ugu tegey, oo halkaasaan iyagii toddoba maalmood dhex joogay anigoo naxdin la fadhiya.
Israa'iil Oo Loo Digay
16 Oo markay toddoba maalmood dhammaadeen waxaa ii yimid Eraygii Rabbiga isagoo leh, 17 Wiilka Aadamow, waardiye baan reer binu Israa'iil kaaga dhigay, haddaba bal erayga afkayga ka soo baxaya maqal, oo digniin xaggayga ka timid iyaga gaadhsii. 18 Markaan sharrowga ku idhaahdo, Hubaal waad dhiman doontaa, haddaadan isaga u digin, oo aadan sharrowga la hadlin si aad jidkiisa sharka ah uga digto inaad naftiisa badbaadiso aawadeed, ninkaas sharrowga ahu xumaantiisuu ku dhex dhiman doonaa, laakiinse dhiiggiisa gacantaadaan weyddiin doonaa. 19 Laakiinse haddaad sharrowga u digto, oo uusan isagu sharnimadiisa amase jidkiisa sharka ah ka soo noqon, markaas xumaantiisuu ku dhiman doonaa, adiguse naftaadii waad samatabbixisay. 20 Oo haddana haddii nin xaq ahu uu xaqnimadiisii ka noqdo oo uu xumaan sameeyo, intaan dhagax turunturo hor dhigo, isagu wuu dhiman doonaa. Uma aadan digin, oo saas darteed dembigiisuu ku dhiman doonaa, oo falimihiisii xaqa ahaa ee uu samayn jirayna lama soo xusuusan doono, laakiinse dhiiggiisa gacantaadaan weyddiin doonaa. 21 Habase ahaatee haddaad ninka xaqa ah u digtid, si uusan ka xaqa ahu u dembaabin oo uusan dembi u samayn, markaas hubaal wuu noolaan doonaa, maxaa yeelay, wuu digniin qaatay, adiguna naftaadii waad samatabbixisay.
Butros Wuxuu Qiray Inuu Ciise Yahay Masiixa(A)
18 Intuu keli ahaan u tukanayay, ayaa xertiisii la joogtay, markaasuu weyddiiyey isagoo leh, Dadkii badnaa yay igu sheegaan? 19 Way u jawaabeen oo ku yidhaahdeen, Yooxanaa Baabtiisaha; qaar kalena waxay yidhaahdeen, Eliyaas, qaarna waxay yidhaahdeen, Nebi nebiyadii hore ah oo soo sara kacay. 20 Markaasuu wuxuu ku yidhi, Idinkuse yaad igu sheegtaan? Butros ayaa u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Masiixii Ilaah.
Ciise Wuxuu Sii Sheegay Dhimashadiisa Iyo Sarakiciddiisa(B)
21 Laakiin wuu waaniyey oo wuxuu ku amray inaanay ninna waxaas u sheegin, 22 isagoo leh, Waxay waajib ugu tahay Wiilka Aadanahu inuu wax badan ku xanuunsado, oo ay waayeellada iyo wadaaddada sare iyo culimmadu diidaan, oo la dilo, oo maalinta saddexaad la sara kiciyo.
Waa In Nafta La Diido(C)
23 Markaasuu wuxuu kulligood ku yidhi, Mid uun hadduu doonayo inuu iga daba yimaado, ha dayriyo doonistiisa, iskutallaabtiisana maalin walba ha soo qaato oo ha i soo raaco. 24 Waayo, kan doonaya inuu naftiisa badbaadiyo, waa lumin doonaa, laakiin kan naftiisa u lumiya aawaday, kaasaa badbaadin doona. 25 Waayo, nin maxay u taraysaa hadduu dunida oo dhan helo oo uu islumiyo oo khasaaro? 26 Maxaa yeelay, ku alla kii ka xishooda aniga iyo ereygaygaba, Wiilka Aadanaha ayaa ka xishoon doona isaga, goortuu ku yimaado ammaantiisa iyo ammaanta Aabbihiis iyo tan malaa'igaha quduuska ah. 27 Laakiin run baan idiin sheegayaa, Kuwa halkan taagan qaarkood sinaba dhimasho uma dhadhamin doonaan ilaa ay arkaan boqortooyada Ilaah.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya