Revised Common Lectionary (Complementary)
Butros Wacdigiisii
34 Markaasaa Butros afkiisa kala qaaday oo wuxuu yidhi, Runtii waxaan garanayaa Ilaah inuusan dadka u kala eexan: 35 laakiin kii kastoo Ilaah ka cabsada, xaqnimadana sameeya, quruun kastaba ha ku jiree, Ilaah waa aqbalaa. 36 Ereygii ayuu u soo diray reer binu Israa'iil isagoo ku wacdiyaya nabad xagga Ciise Masiix. Isagu waa wax walba Rabbigood. 37 Idinka qudhiinnu waad taqaaniin ereygaas lagu faafiyey Yahuudiya oo dhan oo laga soo bilaabay Galili, baabtiiskii Yooxanaa ku wacdiyey dabadeed, 38 iyo siduu Ilaah Ciisaha reer Naasared ku subkay Ruuxa Quduuska ah iyo xoogga. Isagu waa wareegi jiray, wanaagna wuu fali jiray, oo wuxuu bogsiin jiray kuwii Ibliisku caddibay oo dhan; maxaa yeelay, Ilaah baa la jiray isagii. 39 Annagu markhaatiyaal baannu ka nahay waxyaalihii oo dhan oo uu ku sameeyey waddanka Yuhuudda iyo Yeruusaalem labadaba. Isaguna waa kii ay dileen markay geedkii ka soo deldeleen. 40 Isaga Ilaah baa maalintii saddexaad sara kiciyey, oo bayaan u muujiyey, 41 uma muujin dadka oo dhan, laakiin wuxuu u muujiyey markhaatiyaashii Ilaah hore u doortay, xataa annaga oo isaga wax la cunnay oo la cabnay markuu kuwii dhintay ka soo sara kacay dabadeed. 42 Wuxuu nagu amray inaannu dadka wacdinno, aannuna markhaati u furno inuu kanu yahay kii Ilaah ka dhigay xaakinka kuwa nool iyo kuwa dhintayba. 43 Isaga nebiyada oo dhan ayaa u markhaati fura in mid kastoo isaga rumaystaa uu magiciisa ku helo dembidhaafka.
Samooyin Cusub Iyo Dhul Cusub
17 Waayo, bal eega, waxaan abuuri doonaa samooyin cuscusub iyo dhul cusub, oo waxyaalihii horena lama soo xusuusan doono, oo innaba maanka sooma ay geli doonaan. 18 Laakiinse farxa oo weligiinba waxa aan abuuro ku reyreeya, waayo, bal eega, Yeruusaalem waxaan u abuuraa rayrayn, dadkeedana farxad baan u abuuraa. 19 Oo Yeruusaalem baan ku rayrayn doonaa, oo dadkaygana waan ku farxi doonaa, oo codkii oohinta iyo codkii baroorashadana mar dambe dhexdeeda lagama maqli doono. 20 Oo markaas dabadeedna innaba dhexdeeda ilmo dhawr maalmood jira, amase oday aan cimrigiisa dhammaysan lagama heli doono, waayo, ilmuhu wuxuu dhiman doonaa isagoo boqol sannadood jira, dembilaha boqol sannadood jirase wuxuu ahaan doonaa mid inkaaran. 21 Guryay dhisan doonaan, wayna degi doonaan, oo beero canab ahna way beeran doonaan, midhahoodana way cuni doonaan. 22 Si uu mid kale u dego, guryo ma ay dhisi doonaan, oo si uu mid kale u cuno, beero ma ay beeran doonaan, waayo, dadkayga cimrigiisu wuxuu ahaan doonaa sidii geed cimrigiis, oo kuwayga aan doortayna wakhti dheer ayay shuqulka gacmahooda ku farxi doonaan. 23 Si aan waxba tarin uma ay hawshoon doonaan, oo masiibona carruur uma ay dhali doonaan, waayo, iyagu waa farcankii kuwii Rabbigu barakeeyey, iyaga iyo carruurtoodaba. 24 Intaanay dhawaaqin ayaan u jawaabi doonaa, oo intay weli hadlayaan ayaan maqli doonaa. 25 Yeyda iyo baraarku way isla wada daaqi doonaan, libaaxuna sida dibi oo kale caws buu u cuni doonaa, oo boodhkuna abeesada quudkeeduu ahaan doonaa. Rabbigu wuxuu leeyahay, Buurtayda quduuska ah oo dhan waxba kuma yeeli doonaan, waxna kuma baabbi'in doonaan.
118 Rabbiga ku mahadnaqa, maxaa yeelay, isagu waa wanaagsan yahay,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way waartaa.
2 Haddaba reer binu Israa'iil ha yidhaahdeen,
Naxariistiisu weligeedba way waartaa.
14 Rabbigu waa xooggayga iyo gabaygayga,
Oo wuxuu ii noqday badbaadadayda.
15 Kuwa xaq ah teendhooyinkooda waxaa ku jira codkii rayraynta iyo badbaadada,
Gacanta midig oo Rabbiguna wax xoog leh bay samaysaa.
16 Gacanta midig oo Rabbiga waa la sarraysiiyey,
Gacanta midig oo Rabbiguna wax xoog leh bay samaysaa.
17 Anigu ma dhiman doono, laakiinse waan noolaan doonaa,
Oo waxaan sheegi doonaa shuqullada Rabbiga.
18 Rabbigu aad buu ii edbiyey,
Laakiinse dhimasho iima uu dhiibin.
19 Irdaha xaqnimada iga fura,
Oo anna waan geli doonaa, oo Rabbigaan ku mahadnaqi doonaa.
20 Tanu waa iriddii Rabbiga,
Oo waxaa geli doona kuwa xaqa ah.
21 Waan kugu mahadnaqi doonaa, waayo, waad ii jawaabtay,
Oo waxaad ii noqotay badbaadadayda.
22 Dhagaxii kuwa wax dhisaa ay diideen,
Kaasu wuxuu noqday madaxa rukunka.
23 Tanu xagga Rabbiga bay ka timid,
Oo waa ku yaab indhahayaga.
24 Tanu waa maalinta Rabbigu sameeyey,
Waannu rayrayn doonnaa oo waannu farxi doonnaa.
19 Haddaynu noloshan oo keliya Masiix ku rajayn lahayn, waxaynu ahaan lahayn kuwa u liita dadka loo naxo oo dhan.
20 Laakiinse haatan Masiixa ayaa kuwii dhintay laga sara kiciyey, isagoo ah midhaha ugu horreeya ee kuwa dhintay. 21 Dhimashadu nin bay ku timid, saas aawadeed sarakicidda kuwii dhintayna nin bay ku timid. 22 Siday dhammaan Aadan ugu wada dhintaan, sidaas oo kalaa dhammaan Masiixa loogu wada noolayn doonaa, 23 laakiin mid kasta markiisa, Masiixa midhaha ugu horreeya, markaas kuwa Masiixana wakhtiga imaatinkiisa. 24 Markaasaa dhammaadku iman doonaa, markuu isagu boqortooyada u dhiibi doono Ilaaha Aabbaha ah, markuu baabbi'iyo madax walba iyo amar walba iyo xoog walba dabadeed. 25 Waayo, waa inuu wax xukumo ilaa uu cadaawayaashiisa oo dhan cagihiisa hoostooda geliyo. 26 Oo cadaawaha ugu dambeeya ee la baabbi'in doonaa waa dhimasho.
Butros Wacdigiisii
34 Markaasaa Butros afkiisa kala qaaday oo wuxuu yidhi, Runtii waxaan garanayaa Ilaah inuusan dadka u kala eexan: 35 laakiin kii kastoo Ilaah ka cabsada, xaqnimadana sameeya, quruun kastaba ha ku jiree, Ilaah waa aqbalaa. 36 Ereygii ayuu u soo diray reer binu Israa'iil isagoo ku wacdiyaya nabad xagga Ciise Masiix. Isagu waa wax walba Rabbigood. 37 Idinka qudhiinnu waad taqaaniin ereygaas lagu faafiyey Yahuudiya oo dhan oo laga soo bilaabay Galili, baabtiiskii Yooxanaa ku wacdiyey dabadeed, 38 iyo siduu Ilaah Ciisaha reer Naasared ku subkay Ruuxa Quduuska ah iyo xoogga. Isagu waa wareegi jiray, wanaagna wuu fali jiray, oo wuxuu bogsiin jiray kuwii Ibliisku caddibay oo dhan; maxaa yeelay, Ilaah baa la jiray isagii. 39 Annagu markhaatiyaal baannu ka nahay waxyaalihii oo dhan oo uu ku sameeyey waddanka Yuhuudda iyo Yeruusaalem labadaba. Isaguna waa kii ay dileen markay geedkii ka soo deldeleen. 40 Isaga Ilaah baa maalintii saddexaad sara kiciyey, oo bayaan u muujiyey, 41 uma muujin dadka oo dhan, laakiin wuxuu u muujiyey markhaatiyaashii Ilaah hore u doortay, xataa annaga oo isaga wax la cunnay oo la cabnay markuu kuwii dhintay ka soo sara kacay dabadeed. 42 Wuxuu nagu amray inaannu dadka wacdinno, aannuna markhaati u furno inuu kanu yahay kii Ilaah ka dhigay xaakinka kuwa nool iyo kuwa dhintayba. 43 Isaga nebiyada oo dhan ayaa u markhaati fura in mid kastoo isaga rumaystaa uu magiciisa ku helo dembidhaafka.
Ciise Waa Ka Soo Sara Kacay Kuwii Dhintay(A)
20 Maalintii ugu horraysay ee toddobaadka Maryan tii reer Magdala ayaa aroortii hore xabaashii timid, intay weli gudcur ahayd, oo waxay aragtay dhagaxii oo xabaashii laga qaaday. 2 Sidaa daraaddeed way orodday oo u tagtay Simoon Butros iyo kii kale oo xerta ahaa oo Ciise jeclaa, waxayna ku tidhi, Sayidkii ayay xabaashii kala baxeen, oo garan mayno meeshay dhigeen. 3 Saas aawadeed Butros iyo kii kale oo xerta ahaa ayaa baxay, oo waxay tageen xabaashii. 4 Way wada ordeen labadoodiiba, oo kii kale oo xerta ahaa ayaa Butros ka dheereeyey, oo uga hor maray xabaashii. 5 Markaasuu foororsaday, oo wuxuu arkay maryihii oo yaal, laakiinse ma uu gelin. 6 Haddana Simoon Butros oo daba socday baa yimid, markaasuu xabaashii galay, oo wuxuu arkay maryihii oo yaal 7 iyo maradii madaxiisa saarnayd oo aan la oollin maryihii, laakiin meel keligeed ku duudduubnayd. 8 Markaas haddaba waxaa galay kii kale oo xerta ahaa oo hore u yimid xabaashii, wuuna arkay oo rumaystay. 9 Waayo, weli Qorniinka ma ay garan inay tahay inuu kuwa dhintay ka soo sara kaco. 10 Haddaba xertii ayaa mar kale guryahoodii ku noqotay.
Ciise Wuxuu U Muuqday Maryan Tii Reer Magdala(B)
11 Laakiin Maryan ayaa xabaashii dibaddeeda taagnayd iyadoo ooyaysa. Haddaba intay ooyaysay bay xabaashii ku foororsatay. 12 Waxayna aragtay laba malaa'igood oo dhar cadcad xidhan oo fadhiya meesha meydka Ciise oolli jiray, mid madaxa, midna cagaha. 13 Oo waxay ku yidhaahdeen, Haweenay yahay, maxaad u ooyaysaa? Markaasay ku tidhi, Waxaan u ooyayaa, Sayidkaygii bay qaadeen, oo garanna maayo meeshay dhigeen. 14 Markay sidaa ku tidhi ayay dib u jeesatay oo ay aragtay Ciise oo taagan, mana ay garanaynin inuu Ciise yahay. 15 Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Haweenay yahay, Maxaad u ooyaysaa? Kumaad doondoonaysaa? Iyadoo u malaynaysa inuu yahay ninkii beerta ka shaqaynayay waxay ku tidhi, Adeerow, haddaad isagii halkan ka qaadday, ii sheeg meeshaad dhigtay, anna waan ka soo qaadan doonaaye. 16 Ciise wuxuu ku yidhi, Maryamay. Markaasay jeesatay oo afka Cibraaniga ku tidhi, Rabbooni, ee ah Macallimow. 17 Ciise ayaa ku yidhi, Ha i taaban, waayo, weli kor uguma aan tegin Aabbaha, laakiin u tag walaalahay oo ku dheh, Wuxuu yidhi, Waxaan kor ugu tegayaa Aabbahay oo ah Aabbihiin, Ilaahay oo ah Ilaahiin. 18 Maryan tii reer Magdala ayaa timid oo xertii ku tidhi, Waxaan arkay Sayidkii, oo waxay u sheegtay inuu waxyaalahaas iyada ku yidhi.
Ciise Waa Ka Soo Sara Kacay Kuwii Dhintay(A)
24 Maalintii ugu horraysay ee toddobaadka, goortii waagii beryayay, ayay xabaashii yimaadeen, iyagoo wada dhirtii udgoonayd oo ay diyaargareeyeen. 2 Oo waxay arkeen dhagixii oo xabaashii laga giringiriyey. 3 Markaasay galeen, laakiin kama ay helin meydkii Rabbi Ciise. 4 Waxaa dhacay, intay waxaas ka sii welwelsanaayeen, in laba nin oo dhar dhalaalaya sitaa ag taagnaayeen. 5 Dumarkii iyagoo cabsanaya ayay wejigooda hoos ugu foororiyeen dhulka. Markaasay ku yidhaahdeen iyaga, Maxaad kan nool uga dhex doondoonaysaan kuwii dhintay? 6 Isagu halkan ma joogo, laakiinse waa sara kacay. Xusuusta siduu idiinla hadlay intuu Galili weli joogay, 7 isagoo leh, Wiilka Aadanaha waa in loo gacangeliyo dembilayaasha, oo iskutallaabta lagu qodbo, oo maalinta saddexaad uu soo sara kaco. 8 Markaasay hadalladiisii xusuusteen. 9 Wayna ka soo noqdeen xabaashii, oo waxaas oo dhan ayay u sheegeen koob-iyo-tobankii iyo kuwii kale oo dhan. 10 Waxay ahaayeen Maryantii reer Magdala, iyo Yo'anna, iyo Maryan oo ahayd Yacquub hooyadii; dumarkii kalena oo la jiray ayaa waxaas rasuulladii u sheegay. 11 Hadalladaas waxay la noqdeen wax aan micne lahayn, wayna rumaysan waayeen. 12 Laakiin Butros ayaa kacay oo xabaashii u orday, markaasuu foororsaday oo wuxuu arkay maryihii keligood oo meel yaal; markaasuu ka tegey oo gurigiis ku noqday isagoo ka yaabban wixii dhacay.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya