Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Complementary)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with thematically matched Old and New Testament readings.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Baxniintii 12:1-4

Kormariddii Rabbiga

12 Oo Rabbigu wuxuu Muuse iyo Haaruun kula hadlay dalka Masar, oo ku yidhi, Bishanu waxay idiin noqonaysaa tii bilaha ugu horraysay; oo waxay idiin noqonaysaa sannadda bisheedii kowaad. Shirka reer binu Israa'iil oo dhan la hadla oo waxaad ku tidhaahdaan, Maalinta tobnaad oo bishan waa in nin waluba wan qaataa sida reeraha aabbayaashood yihiin, qoys waluba wan ha qaato; oo haddii qoys uusan wada qaadan karin wan, de markaas waa in isaga iyo deriskiisa oo ah kan qoyskiisa ku xiga ay mid wada qaataan oo ay u qaybsadaan sida tirada dadku tahay; nin walba sida cuntadiisu tahay waa inaad u tirisaan kalaqaybinta wanka.

Baxniintii 12:5-10

Wankiinnu waa inuu ahaadaa mid aan iin lahayn, waana inuu ahaadaa mid lab oo sannad jiray, waana inaad wananka ama orgiyada ka bixisaan, oo waa inaad gooni u xidhaan ilaa bisha maalinteeda afar iyo tobnaad; oo ururka shirka reer binu Israa'iil oo dhammu waa inay makhribkii qalaan. Oo waa inay dhiigga wax ka qaataan, oo ay mariyaan fayaaradda albaabka labadeeda dhinac iyo meesheeda sare oo ah guryaha ay wax ku dhex cuni doonaan. Oo habeenkaas waa inay cunaan hilibka oo dab lagu dubay, iyo kibis aan khamiir lahayn, oo ha ku cuneen caleemo qadhaadh. Ha cunina isagoo ceedhiin ama biyo lagu kariyey, laakiin waxaad cuntaan isagoo dab lagu dubay, oo qaba madaxiisa iyo mijihiisa iyo waxa gudihiisa ku jira qaba. 10 Oo waa inaydnaan waxba ka reebin ilaa subaxda, laakiin waxa ka hadha markuu waagu beryo waa inaad dab ku gubtaan.

Baxniintii 12:11-14

11 Oo sidan waa inaad u cuntaan, idinkoo guntan, oo kabihiinnu cagaha idiinku jiraan, ushiinnuna gacanta idiinku jirto; oo waa inaad degdeg u cuntaan; waayo, waa Rabbiga Kormariddiisa. 12 Waayo, habeenkaas waxaan dhex mari doonaa dalka Masar, oo waxaan wada layn doonaa curadyada dalka Masar oo dhan, kuwa dadka iyo kuwa duunyadaba, oo ilaahyada Masar oo dhan waxaan ku soo dejin doonaa xukummo. Anigu waxaan ahay Rabbiga. 13 Oo dhiiggu wuxuu idiin noqon doonaa calaamo kor taal guryaha aad ku jirtaan; oo markii aan dhiigga arko, waan iska kiin kor mari doonaa, belaayo idin baabbi'isaana idinkuma dhici doonto, markaan wax ku dhufto dhulka Masar. 14 Oo maalintanu waa inay xusuus idiin noqotaa, oo waa inaad Rabbiga u iiddaan. Waa inaad ka ab ka ab weligiin ku dhawrtaan iid amar ahaan.

Sabuurradii 116:1-2

116 Rabbiga waan jeclahay, maxaa yeelay, wuxuu maqlay
Codkaygii iyo baryootankaygii.
Dhegtuu ii dhigay,
Sidaas daraaddeed isagaan baryi doonaa intaan noolahay oo dhan.

Sabuurradii 116:12-19

12 Bal maxaan Rabbiga uga celiyaa
Waxyaalihii uu ii taray oo dhan?
13 Waxaan qaadan doonaa koobka badbaadada,
Oo magaca Rabbiga ayaan ku baryootami doonaa.
14 Rabbiga ayaan u oofin doonaa nidarradaydii,
Oo weliba waxaan ku bixin doonaa dadkiisa oo dhan hortooda.
15 Rabbiga hortiisa dhimashada quduusiintiisa
Ayaa qiimo weyn ku leh.
16 Rabbiyow, sida runta ah waxaan ahay addoonkaaga,
Waxaan ahay addoonkaaga, oo ah wiilka addoontaada,
Silsiladahaygii waad iga furtay.
17 Waxaan kuu soo bixin doonaa allabarigii mahadnaqidda,
Oo magaca Rabbiga ayaan ku baryootami doonaa.
18 Rabbiga ayaan u oofin doonaa nidarradaydii,
Oo weliba waxaan ku bixin doonaa dadkiisa oo dhan hortooda,
19 Iyo guriga Rabbiga barxadihiisa,
Iyo dhexdaada, Yeruusaalemay.
Rabbiga ammaana.

1 Korintos 11:23-26

Cashadii Rabbiga Oo Xusuusta Ahayd(A)

23 Waayo, Rabbigaan ka helay wixii aan idiin dhiibay, taasoo ah, in Rabbi Ciise habeenkii la gacangeliyey uu kibis qaaday, 24 oo markuu ku mahadnaqay ayuu jejebiyey oo yidhi, Tanu waa jidhkaygii laydiin jejebiyey, tan u sameeya inaad igu xusuusataan. 25 Sidaas oo kalena cashada dabadeed ayuu qaaday koobkii, isagoo leh, Koobkanu waa axdiga cusub ee dhiiggayga. Tan u sameeya inaad igu xusuusataan mar alla markaad cabtaan. 26 Waayo, mar alla markaad kibistan cuntaan oo aad koobkan cabtaan, waxaad muujinaysaan dhimashada Rabbiga ilaa uu yimaado.

Yooxanaa 13:1-17

Ciise Xertuu U Cago Maydhay

13 Iidda Kormaridda horteed Ciise wuxuu garanayay inay timid saacaddiisii uu dunidan ka tegi lahaa ilaa Aabbaha, oo siduu u jeclaa kuwiisii dunida joogay, ayuu u jeclaa tan iyo dhammaadka. Ibliiska ayaa markii hore qalbiga Yuudas Iskariyod ina Simoon geliyey inuu Ciise gacangeliyo. Oo wakhtiga cashada Ciise oo garanaya in Aabbuhu wax walba gacanta u geliyey iyo inuu Ilaah ka yimid oo Ilaah ku noqonayo, ayuu cashadii ka kacay oo dharkii iska dhigay, tuwaalna wuu qaatay oo guntaday. Markaasuu biyo weel ku shubay oo bilaabay inuu xertiisa cagaha u maydho oo ku tirtiro tuwaalkii uu guntanaa. Wuxuu haddaba u yimid Simoon Butros. Kaasaa ku yidhi, Sayidow, ma adaa cagaha ii maydhaya? Markaasaa Ciise u jawaabay oo ku yidhi, Waxaan samaynaya, garan maysid imminka, laakiinse dabadeed waad garan doontaa. Butros ayaa ku yidhi, Weligaa cagaha ii maydhi maysid. Ciise wuxuu ugu jawaabay, Haddaanan kuu maydhin, qayb iguma lihid. Markaasaa Simoon Butros ku yidhi, Sayidow, cagaha keliya ha ii maydhin, laakiin gacmaha iyo madaxana ii maydh. 10 Ciise ayaa ku yidhi, Kii maydhni uma baahna inuu maydho cagihiisa mooyaane, laakiin waa wada nadiifsan yahay, idinkuna waa nadiifsan tihiin, laakiin dhammaantiin ma aha. 11 Waayo, wuu garanayay kii gacangelin lahaa. Sidaa daraaddeed ayuu u yidhi, Dhammaantiin ma wada nadiifsanidin.

12 Haddaba markuu cagihii u maydhay iyagii, oo dharkiisa qaatay, oo haddana fadhiistay, markaasuu ku yidhi, Ma garanaysaan waxaan idinku sameeyey? 13 Waxaad iigu yeedhaan, Macallin iyo Sayid, waadna ku hagaagsan tihiin, waayo, waan ahay. 14 Haddaba haddaan cagaha idiin maydhay anigoo ah Sayidka iyo Macallinka, idinkuna waa inaad cagaha isu maydhaan. 15 Waxaan idin siiyey masaal inaad samaysaan sidaan idinku sameeyey. 16 Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Addoon kama weyna sayidkiis, mid la soo dirayna kama weyna kii soo diray. 17 Haddaad waxyaalahan garanaysaan, waad barakaysan tihiin haddaad yeeshaan.

Yooxanaa 13:31-35

Qaynuunka Cusub Oo Jacaylka

31 Haddaba markuu baxay, Ciise ayaa yidhi, Hadda Wiilka Aadanahu waa ammaanmay, Ilaahna waa ku ammaanmay isaga. 32 Haddii Ilaahu ku ammaanmay isaga, Ilaahna waa ammaani doonaa isaga qudhiisa, oo markiiba wuu ammaani doonaa. 33 Carruur yahay yaryari, weli in yar baan idinla joogayaa. Waad i dooni doontaan, oo sidaan Yuhuuddii ku idhi, Meeshaan tegayo iman kari maysaan, idinkana hadda sidaasaan idinku leeyahay. 34 Waxaan idin siinayaa qaynuun cusub oo ah, Waa inaad isjeclaataan; sidaan idiin jeclaaday, idinkuna waa inaad isu jeclaataan. 35 Sidaasay dadka oo dhammi idinku garan doonaan inaad xertaydii tihiin, haddaad jacayl isu qabtaan.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya