Revised Common Lectionary (Complementary)
Addoonkii Rabbiga
42 Bal eega addoonkayga aan tiiriyo, oo aan doortay oo ay naftaydu ku faraxsan tahay. Ruuxayga ayaan dul saaray. Wuxuu quruumaha u soo saari doonaa xukunka. 2 Ma uu qaylin doono, korna uma dhawaaqi doono, oo codkiisana kama uu dhigi doono in jidadka laga maqlo. 3 Cawsduur nabar leh ma jebin doono, dubaalad qiiqaysana ma demin doono, xukunkuu runta ku soo saari doonaa. 4 Isagu ma uu taag darnaan doono, mana uu qalbi jabi doono, jeeruu caddaalad dhulka ku hagaajiyo, oo gasiiraduhuna waxay sugi doonaan sharcigiisa.
5 Saas waxaa leh Ilaaha Rabbiga ah oo samooyinka uumay oo kala bixiyey, kan dhulka iyo waxa ka soo baxaba kala fidiyey, kan dadka jooga neefta siiya, oo kuwa dhulka ku socdana ruuxa siiya. 6 Aniga Rabbiga ah ayaa xaqnimo kuugu yeedhay, oo gacantaan kugu hayn doonaa, oo waan ku dhawri doonaa, oo dadyowga ayaan axdi ahaan kuu siin doonaa, oo iftiin ahaan baan quruumaha kuu siin doonaa, 7 inaad kuwa indhaha la' indhaha u furtid, iyo inaad maxaabiista xabsiga ka soo bixisid, iyo inaad kuwa gudcurka fadhiya ka soo bixisid guriga xabsiga. 8 Anigu waxaan ahay Rabbiga, kaasuna waa magacayga, oo sharaftaydana mid kale ma siin doono, oo ammaantaydana sanamyo xardhan innaba ma siin doono. 9 Bal eega, waxyaalihii hore way wada noqdeen, oo hadda waxaan idiin sheegayaa waxyaalo cusub, oo intayan iman ayaan idiin sii sheegayaa.
5 Rabbiyow, raxmaddaadu samooyinkay ku jirtaa,
Aaminnimadaaduna daruurahay gaadhaa.
6 Xaqnimadaadu waa sida buuraha Ilaah,
Oo xukummadaaduna waa mool dheer,
Rabbiyow, waxaad nabad gelisaa dadka iyo duunyadaba.
7 Ilaahow, raxmaddaadu qaalisanaa!
Oo binu-aadmiguna wuxuu magangalaa hooska baalashaada.
8 Aad bay uga dhergi doonaan barwaaqada gurigaaga,
Oo waxaad iyaga ka waraabin doontaa webiga farxaddaada.
9 Waayo, isha noloshu aday kula jirtaa,
Oo iftiinkaagaannu iftiin ku aragnaa.
10 Raxmaddaada ugu sii wad kuwa ku yaqaan,
Oo xaqnimadaadana kuwa qalbigoodu qumman yahay.
11 Cagta kuwa kibirsan yaanay ii iman,
Oo kuwa sharka leh gacantooduna yaanay i eryin.
Isbixinta Ciise Masiix Xoog Wax Nadiifiya Ayay Leedahay
11 Masiixu wuxuu yimid, isagoo ah wadaadka sare ee waxyaalaha wanaagsan oo iman doona. Taambuuggii wadaadnimadiisu wuxuu ahaa ku ka weyn oo ka kaamilsan, oo aan gacmo lagu samayn, kaasu waxaa weeyaan mid aan abuuristan ka iman. 12 Mar buu wada galay meeshii quduuska ahayd, isagoo aan orgiyo iyo weylal dhiiggoodii wadin, laakiin wuxuu waday dhiiggiisa, sidaasuu furasho weligeed ah inoogu helay. 13 Waayo, haddii orgiyo iyo dibiyo dhiiggooda, iyo qaalin dambaskeeda lagu rusheeyo kuwa nijaasoobay, ay quduus ka dhigaan in jidhka la nadiifiyo, 14 intee ka badan ayuu dhiigga Masiix, kan Ruuxa weligiis ah isugu bixiyey Ilaah isagoo aan eed lahayn, niyadiinna ka nadiifin kara shuqullada dhintay si aad ugu adeegtaan Ilaaha nool?
15 Oo sidaas daraaddeed isagu waa dhexdhexaadiyaha axdiga cusub in kuwii loo yeedhay ay helaan dhaxalka weligiis ah oo la ballanqaaday, waayo, dhimashadu waxay u noqotay ka madaxfurashada xadgudubyada lagu sameeyey axdigii hore.
Maryan Baa Ciise Beytaniya Ku Subagtay(A)
12 Haddaba lix maalmood ka hor Iidda Kormaridda, Ciise wuxuu yimid Beytaniya, meeshuu joogay Laasaros, kii Ciise kuwa dhintay ka soo sara kiciyey. 2 Sidaas daraaddeed halkaasaa casho loogu sameeyey, Maartana waa adeegaysay, oo Laasaros wuxuu ka mid ahaa kuwa cuntada ula fadhiistay. 3 Maryan haddaba waxay qaadday rodol cadar ah oo naaradiin qaaliya ah, waxayna marisay cagaha Ciise, oo timaheedii ayay cagihiisa ku tirtirtay. Gurigiina waxaa ka buuxsamay udgoonkii cadarka. 4 Laakiin Yuudas Iskariyod, oo ahaa mid xertiisii ka mid ah, oo gacangelin lahaa, wuxuu yidhi, 5 Maxaa cadarkan loogu iibin waayay saddex boqol oo dinaar, oo loo siin waayay masaakiinta? 6 Sidaas uma uu odhan dan uu ka lahaa masaakiinta, laakiin wuxuu u yidhi wuxuu ahaa tuug, oo kiishadda lacagta ayuu hayn jiray, wuuna kala bixi jiray wixii lagu rido. 7 Haddaba Ciise ayaa yidhi, Daaya. Waxay u haysay maalinta aasniintayda. 8 Waayo, masaakiintu mar walba way idinla jiraan, aniguse idinlama joogo mar walba.
9 Haddaba dad badan oo Yuhuud ah baa waxay ogaadeen inuu halkaas joogo, wayna u yimaadeen, ma aha Ciise aawadii oo keliya laakiin inay arkaan Laasarosna, kii uu kuwii dhintay ka soo sara kiciyey. 10 Wadaaddadii sare waxay ku tashadeen inay Laasarosna dilaan. 11 Waayo, aawadiis ayaa Yuhuud badani ku tagtay oo Ciise rumaysatay.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya