Revised Common Lectionary (Complementary)
Kanu waa gabay Maskiil ah oo Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu luuqeeyaa Mahalad.
53 Nacaskaa qalbigiisa iska yidhi, Ilaah ma jiro.
Iyagu waa qudhun, oo waxay faleen xumaan karaahiyo ah,
Oo mid wanaag falaa ma jiro.
2 Ilaah wuxuu samada hoos uga soo fiiriyey binu-aadmiga,
Bal inuu arko hadday kuwo wax garanaya oo Ilaah doondoonaa jiraan.
3 Midkood kastaaba dib buu u noqday, oo dhammaantood waxay wada noqdeen dad nijaas ah,
Oo mid wanaag falaa ma jiro, midnaba.
4 Miyaanay aqoon lahayn xumaanfalayaasha dadkaygii u cuna siday kibista u cunaan,
Oo aanay Ilaah baryin?
5 Iyagu halkaasay aad ugu cabsadeen meel aan cabsiyu jirin,
Waayo, kii ku ag degay inuu kugu soo duulo Ilaah baa lafihiisii kala firdhiyey,
Oo iyagaad ceebaysay, maxaa yeelay, Ilaah baa iyaga diiday.
6 Badbaadada reer binu Israa'iil bal may Siyoon ka timaado!
Marka Ilaah dadkiisa maxaabiisnimada ka soo celiyo,
Ayaa reer Yacquub rayrayn doonaa oo reer binu Israa'iilna farxi doonaa.
Maalintii Kafaaraggudka
26 Markaasa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi, 27 Habase yeeshee bishan toddobaad maalinteeda tobnaad waa maalinta kafaaraggudka. Oo waa inay idiin ahaataa shir quduus ah, oo waa inaad nafihiinna dhibtaan; oo waa inaad Rabbiga u bixisaan qurbaan dab lagu sameeyo. 28 Oo isla maalintaas waa inaydaan waxba shuqul qaban cayn kasta ha ahaadee, waayo, taasu waa maalintii kafaaraggudka in kafaaraggud laydiinku sameeyo Rabbiga Ilaahiinna ah hortiisa. 29 Oo qof kasta ha ahaadee kii aan maalintaas la dhibin, dadkiisa waa in laga gooyaa. 30 Oo qof kasta ha ahaadee kii maalintaas wax shuqul ah qabtaa cayn kastoo uu yahayba, qofkaas ayaan ka dhex baabbi'in doonaa dadkiisa. 31 Waa inaydaan innaba shuqul qaban cayn kastoo uu yahayba, oo kaasu weligiinba waa idiin qaynuun tan iyo ab ka ab meel kastoo aad deggan tihiinba. 32 Oo dharaartaasu waxay idiin ahaan doontaa sabti nasasho weyn leh, oo waa inaad nafihiinna dhibtaan. Oo bisha maalinteeda sagaalaad waa inaad dhawrtaan sabtidiinna tan iyo fiid ilaa ka fiid.
Iiddii Waababka
33 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi, 34 La hadal dadka reer binu Israa'iil, oo waxaad ku tidhaahdaa, Bishan toddobaad maalinteeda shan iyo tobnaad waa Iiddii Waababka oo waa in toddoba maalmood Rabbiga loo iidaa. 35 Maalinta kowaad waa inay shir quduus ah ahaataa, oo waa inaydaan innaba shuqul adag qaban. 36 Oo intii toddoba maalmood ah waxaad Rabbiga u bixisaan qurbaan dab lagu sameeyo, oo maalinta siddeedaadna waa inay idiin ahaataa shir quduus ah, oo waa inaad Rabbiga u bixisaan qurbaan dab lagu sameeyo, oo waa inaydaan innaba shuqul adag qaban, waayo, dharaartaasu waa shir quduus ah.
37 Kuwanu waa Rabbiga iidihiisa la amray, oo ay tahay inaad naadisaan inay ahaadaan shirar quduus ah, oo waa inaad Rabbiga u bixisaan qurbaan dab lagu sameeyo, kaasoo ah qurbaan la gubo, iyo qurbaan hadhuudh ah, iyo allabari, iyo qurbaanno cabniin ah, oo mid kastana maalintiisa ha la bixiyo. 38 Oo kuwaasu waa ka gooni sabtiyadii Rabbiga iyo hadiyadihiinna oo waa ka gooni nidarradiinna oo dhan, oo waa ka gooni qurbaannadiinna ikhtiyaarka ah oo dhan ee aad Rabbiga siisaan.
39 Habase yeeshee bisha toddobaad maalinteeda shan iyo tobnaad, markaad midhaha dhulka soo urursataan, waa inaad intii toddoba maalmood ah Rabbiga iiddiisa dhawrtaan. Maalinta kowaad waa inay ahaataa nasasho weyn, oo maalinta siddeedaadna waa inay ahaataa nasasho weyn. 40 Oo maalinta kowaad waxaad soo qaadataan midhaha dhirta wanaagsan, iyo laamo cawbaar ah, iyo dhir waaweyn laamaheed, iyo safsaafka durdurka, oo waa inaad Rabbiga Ilaahiinna ah hortiisa ku rayraysaan intii toddoba maalmood ah. 41 Oo sannaddiiba toddoba maalmood waa inaad Rabbiga iid u qabataan, oo kaasu waa qaynuun weligiisba idiin jira tan iyo ab ka ab; oo iiddaas waa inaad bisha toddobaad dhawrtaan.
Guusha Samada Lagu Guulaystay, Iyo Arooska Wanka
19 Oo waxyaalahaas ka dib waxaan maqlay wax u eg cod weyn oo maqluuq badan oo samada ku jira, oo waxay lahaayeen, Halleeluuya; badbaado iyo ammaan iyo xoog waxaa leh Ilaahayaga; 2 waayo, waxaa run iyo xaq ah xukummadiisa, maxaa yeelay, isagu wuu xukumay dhilladii weynayd ee dhulka ku hallaysay sinadeedii; oo dhiiggii addoommadiisiina gacanteeda wuu ka aaray. 3 Oo haddana mar labaad ayay yidhaahdeen, Halleeluuya. Oo qiiqeeduna kor buu u baxaa weligiis iyo weligiis. 4 Markaasaa afar iyo labaatankii oday iyo afartii xayawaan ayaa sujuuday, oo waxay caabudeen Ilaaha carshiga ku fadhiya iyagoo leh, Aamiin, Halleeluuya.
5 Markaasaa cod baa ka soo baxay carshigii, oo wuxuu yidhi, Ilaaheenna ammaana, addoommadiisa oo dhammow, kuwiinna isaga ka cabsadow, yar iyo weynba. 6 Oo haddana waxaan maqlay wax u eg maqluuq badan codkood, iyo biyo badan codkood, iyo onkod xoog weyn codkiis, oo waxay lahaayeen, Halleeluuya, waayo, waxaa wax xukuma Rabbiga Ilaahayaga oo Qaadirka ah. 7 Aynu rayrayno oo aad u faraxno, oo aynu ammaanno isaga; waayo, arooskii Wanku wuu yimid, oo afadiisiina way isdiyaarisay. 8 Oo waxaa iyadii lagu amray inay xidhato dhar wanaagsan oo dhalaalaya oo daahir ah; waayo, dharka wanaagsanu waxa weeye falimihii xaqa ahaa oo quduusiinta.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya