Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Complementary)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with thematically matched Old and New Testament readings.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 105:1-15

105 Rabbiga ku mahadnaqa, oo magiciisa ku barya,
Falimihiisana dadyowga ka dhex sheega.
Isaga u gabya, oo ammaan ugu gabya,
Shuqulladiisa yaabka badan oo dhanna ka hadla.
Ku faana magiciisa quduuska ah,
Kuwa Rabbiga doondoona qalbigoodu ha reyreeyo.
Rabbiga iyo xooggiisa doondoona,
Oo weligiinba wejigiisa doondoona.
Xusuusta shuqulladiisii yaabka badnaa oo uu sameeyey,
Iyo cajaa'ibyadiisii iyo xukummadii afkiisa,
Kuwiinna farcankii addoonkiisii Ibraahim ahow,
Kuwiisa uu doortay oo reer Yacquub ahow.
Isagu waa Rabbiga Ilaaheenna ah,
Xukummadiisuna waxay ku jiraan dhulka oo dhan.
Axdigiisuu soo xusuustay weligiisba,
Kaasoo ah hadalkiisii uu kun farcan ku amray,
Kaasu waa axdigii uu Ibraahim la dhigtay,
Oo uu Isxaaq ugu dhaartay,
10 Oo isla kaas wuxuu u adkeeyey oo qaynuun uga dhigay Yacquub,
Oo Israa'iilna wuxuu uga dhigay axdi weligiis jiraya,
11 Oo wuxuu ku yidhi, Dalka Kancaan waxaan kuu siinayaa
Inuu ahaado qaybtii dhaxalkiinna,
12 Markay dad tiro yar ahaayeen,
Oo ay aad u yaraayeen, qariibna dalka ku ahaayeen,
13 Oo iyagu quruunba quruun bay uga bexeen,
Oo intay boqortooyo ka tageen ayay dad kale u gudbeen.
14 Isagu ninna uma oggolaanin inuu wax yeelo,
Haah, oo daraaddood ayuu boqorro u canaantay,
15 Oo wuxuu ku yidhi, Ha taabanina kuwayga subkan,
Oo nebiyadaydana waxba ha yeelina.

Sabuurradii 105:16-41

16 Dhulkiina abaar buu ugu yeedhay inay ku dhacdo,
Ushii cuntada oo ay ku tiirsanaayeen oo dhanna wuu wada jebiyey.
17 Oo nin buu iyaga ka sii hor diray,
Kaas oo ahaa Yuusuf oo loo iibiyey addoon ahaan.
18 Cagihiisii waxay ku xanuujiyeen bircago,
Oo naftiisii waxay gashay silsilado bir ah,
19 Ilaa wakhtigii eraygiisu noqday
Eraygii Rabbiga ayaa isaga tijaabiyey.
20 Markaasaa boqorkii u cid diray oo furay,
Kaas oo ahaa taliyihii dadyowga, wuuna sii daayay.
21 Oo wuxuu isagii ka dhigay sayidkii reerkiisa,
Iyo taliyihii maalkiisa oo dhan,
22 Inuu amiirradiisa xidho markuu doonayoba,
Oo uu odayaashiisana xigmad baro.
23 Israa'iilna wuxuu yimid dalkii Masar,
Yacquubna wuxuu qariib ahaan u joogay dalkii Xaam.
24 Oo isagu dadkiisii aad buu u badiyey,
Oo wuxuu ka dhigay inay ka xoog bataan cadaawayaashoodii.
25 Qalbigoodii wuxuu u beddelay si ay dadkiisa u nebcaadaan,
Iyo si ay addoommadiisa u khiyaaneeyaan.
26 Wuxuu u soo diray addoonkiisii Muuse,
Iyo Haaruun oo uu doortay.
27 Oo waxay dhexdooda ku sameeyeen calaamooyinkiisii,
Oo dalkii Xaamna waxay ku sameeyeen yaabab.
28 Wuxuu u soo diray gudcur, dalkiina gudcur buu ka dhigay,
Oo iyana hadalkiisii kuma ay caasiyoobin.
29 Biyahoodii wuxuu u beddelay dhiig,
Oo kalluunkoodiina wuu wada laayay.
30 Rahyo waa ku bateen dhulkoodii
Iyo qolalka boqorkoodiiba.
31 Isagu waa hadlay, markaasaa waddankoodii oo dhan
Waxaa yimid duqsi faro badan iyo injir.
32 Oo roob ahaan wuxuu u siiyey roob dhagaxyaale,
Dalkoodiina wuxuu ku soo daayay dab ololaya.
33 Wuxuu wax ku dhuftay geedahoodii canabka ahaa iyo geedahoodii berdaha ahaaba,
Oo dhirtii waddankooda ku tiilna wuu jejebiyey.
34 Wuu hadlay, markaasaa waxaa yimid ayax,
Iyo diir aan la tirin karin,
35 Oo waxay wada cuneen geedo yaryar oo kasta oo dalkooda ku yiil,
Wayna dhammaysteen midhihii dhulkooda.
36 Oo weliba wuxuu wada laayay curadyadii dalkooda oo dhan,
Kuwaas oo ahaa bilowgii xooggooda.
37 Oo wuxuu dibadda u bixiyey reer binu Israa'iil iyagoo wata lacag iyo dahab,
Oo qabiilooyinkiisiina mid taagdarani kuma uu jirin.
38 Reer Masarna way ku farxeen kolkay ambabbexeen,
Waayo, cabsidoodii baa ku dhacday.
39 Wuxuu korkooda ku kala bixiyey daruur inay qariso,
Iyo dab habeenkii iftiin u noqda.
40 Wax bay weyddiisteen, markaasuu u keenay digaag duur,
Oo wuxuu ka dhergiyey kibistii samada.
41 Dhagaxii ayuu dillaaciyey, markaasay biyo ka soo buqdeen,
Oo meelihii engegnaa ayay ku durdureen sidii webi oo kale.

Sabuurradii 105:42

42 Waayo, wuxuu soo xusuustay eraygiisii quduuska ahaa,
Oo uu kula hadlay addoonkiisii Ibraahim.

Tirintii 14:10-24

10 Laakiinse shirkii oo dhammu waxay yidhaahdeen, Iyaga ha la dhagxiyo. Markaasaa ammaantii Rabbigu waxay reer binu Israa'iil oo dhan uga muuqatay teendhadii shirka.

11 Oo Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Dadkanu ilaa goormay i quudhsanayaan? Oo ilaa goormay i rumaysan waayayaan in kastoo aan dhexdooda calaamooyinka oo dhan ku sameeyey? 12 Haddaba iyagaan belaayo ku dhufan doonaa, oo waan dhaxal tiri doonaa, oo waxaan kaa samayn doonaa quruun iyaga ka weyn oo ka sii xoog badan. 13 Markaasaa Muuse wuxuu Rabbiga ku yidhi, De taas waxaa maqli doona Masriyiintii, waayo, dadka itaalkaagaad iyaga kaga soo dhex bixisay. 14 Oo iyana waxay u sheegi doonaan dadka dalkan deggan. Iyagu waxay maqleen inaad dadkan dhex joogto, Rabbiyow, waayo, Rabbiyow, fool ka fool baa laguu arkay oo daruurtaadii baa iyaga kor taagan, oo maalintii waad ku hor kacdaa tiir daruur ah, habeenkiina tiir dab ah. 15 Haddaba haddaad dadkan sidii nin keliya u disho, quruumihii warkaaga maqlay way hadli doonaan, oo waxay odhan doonaan, 16 Rabbigu ma uu karin inuu dadkan keeno dalkii uu ugu dhaartay, sidaas daraaddeed ayuu cidladii ku laayay. 17 Haddaba waan ku baryayaaye, Sayidow, xooggaagu wax weyn ha ahaado, sidaad u hadashay oo aad tidhi, 18 Rabbigu cadho waa u gaabiyaa, oo waa naxariis badan yahay, oo xumaanta iyo xadgudubka wuu dhaafaa, oo sinaba uma caddeeyo in kan dembiga galay aanu eed lahayn, oo xumaantii awowayaashana wuxuu gaadhsiiyaa carruurtooda tan iyo farcanka saddexaad iyo kan afraad. 19 Haddaba waan ku baryayaaye, sida ay naxariistaadu u weyn tahay oo aad dadkan u cafiyi jirtay tan iyo dalkii Masar iyo ilaa haddeer dadkan xumaantooda saamax. 20 Markaasaa Rabbigu yidhi, Sidaad u tidhi, waan u saamaxay, 21 laakiinse sida runta ah anigu waan noolahay, oo dunida oo dhammuna waxay ka buuxsami doontaa ammaanta Rabbiga. 22 Kulli dadkii ammaantayda arkay, oo arkay calaamooyinkii aan ku sameeyey Masar iyo cidladii, oo weliba tobankan jeer i jirrabay oo aanay codkaygiina dhegaysan, 23 hubaal ma ay arki doonaan dalkii aan awowayaashood ugu dhaartay, oo intoodii i quudhsatayna midna ma arki doono. 24 Laakiinse addoonkayga Kaaleeb wuxuu lahaa ruux kaleeto oo dhammaan ahaan buu ii raacay, oo sidaas daraaddeed isaga waan geeynayaa dalkii uu tegey, oo farcankiisuna way lahaan doonaan.

1 Korintos 10:1-13

Digniin Laga Garto Taariikhda Reer Binu Israa'iil

10 Walaalayaalow, anigu dooni maayo inaad garan weydaan siday awowayaasheen oo dhammu daruurta uga wada hooseeyeen, oo ay dhammaantood badda u wada dhex mareen, iyo sidii dhammaantood xaggii Muuse loogu baabtiisay daruurta iyo baddaba, iyo siday dhammaantood u wada cuneen isku cunto ruuxa ah, oo dhammaantoodna ay u wada cabbeen isku cabbid ruuxa ah, waayo, waxay ka cabbeen dhagaxa ruuxa ah oo ka daba imanayay iyaga, dhagaxuna wuxuu ahaa Masiixa. Laakiin Ilaah kuma farxin badidood, oo waxaa iyaga lagu rogay cidlada. Waxyaalahaasi waxay inoo noqdeen masaallo si aynaan waxyaalaha sharka ah u damcin siday iyagu u damceen. Oo kuwa sanamka caabuda ha ahaanina siday qaarkood u ahaayeen. Sida qoran, Dadku waxay u fadhiisteen inay wax cunaan oo wax cabbaan, oo waxay u kaceen inay cayaaraan. Oo yeynan sinaysanin siday qaarkood u sinaysteen oo saddex iyo labaatan kun ay maalin keliya u dhinteen. Oo yeynan jirrabin Rabbiga siday qaarkood u jirrabeen oo ay masasku u baabbi'iyeen. 10 Oo ha gunuunacina siday qaarkood u gunuunaceen oo uu baabbi'iyuhu u baabbi'iyey. 11 Waxyaalahaasi waxay iyaga ugu dhaceen masaal ahaan, oo waxaa loo qoray in laynagu waaniyo innagoo wakhtiyada dhammaatinkoodii ina soo gaadhay. 12 Sidaa daraaddeed kii u malaynaya inuu taagan yahay, ha iska eego inuusan dhicin. 13 Jirrabaadna idinma qabsan tan dadka wada qabsata mooyaane, laakiin Ilaah waa aamin, mana oggolaan doono in laydin jirrabo intaad karaysaan in ka badan, laakiin markii laydin jirrabo wuxuu samayn doonaa jid aad kaga baxsataan si aad ugu adkaysan kartaan.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya