Revised Common Lectionary (Complementary)
Baryootankii Daa'uud.
17 Rabbiyow, xaqa maqal, oo qayladayda u jeeso,
Oo baryadayda dhegta u dhig, taasoo aan ka bixin bushimo khiyaano leh.
2 Xukunkaygu ha ka yimaado hortaada,
Oo indhahaaguna caddaalad ha fiiriyeen.
3 Qalbigayga waad tijaabisay, oo habeennimaad i soo booqatay,
Waad i imtixaantay, oo wax shar ah igama aad helin,
Waxaan u qasdiyey inaanu afkaygu xadgudbin.
4 Shuqulladii dadkana waan ka hadhay,
Oo erayada bushimahaaga ayaan kaga joogsaday jidadkii kuwa wax dulma oo dhan.
5 Si aanay cagahaygu u simbiriirixan,
Tallaabooyinkayga ku adkee waddooyinkaaga.
6 Ilaahow, waan ku baryay, waayo, waad ii jawaabi doontaa,
Bal dhegta ii dhig, oo hadalkayga maqal.
7 Bal muuji raxmaddaada yaabka leh,
Adigoo kuwa isku kaa halleeya gacantaada midig kaga badbaadiya
Kuwa ku kaca iyaga.
8 Ii dhawr sida isha inankeeda,
Oo igu qari hooska baalashaada.
9 Waxaad iga qarisaa kuwa sharka leh oo i kharriba,
Kuwaas oo ah cadaawayaasha naftayda oo hareerahayga ku wareegsan.
10 Qalbigooday xidheen,
Oo afkooduna wuxuu ku hadlaa waxyaalo kibir miidhan ah.
11 Oo haatan waxay cidhiidhiyeen tallaabooyinkayagii,
Oo waxay noogu dhaygageen inay dhulka nagu tuuraan aawadeed.
12 Isagu waa sida aar libaax ugaadhsi damacsan,
Iyo sida aaran libaax oo meelo qarsoon ku dhuunta.
13 Rabbiyow, kac,
Oo isaga ka hor tag, oo dhulka hoos ugu tuur,
Oo naftaydana kan sharka leh seeftaada kaga samatabbixi,
14 Rabbiyow, waxaad dadka igaga samatabbixisaa gacantaada,
Kuwaas oo ah dadka dunida, oo qaybtoodu ku jirto nolosha adduunkan,
Oo aad calooshooda ka buuxisaa khasnaddaada,
Iyagu waxay ka dhergeen carruur,
Oo maalkooda hadhayna waxay uga tagaan dhallaankooda.
15 Laakiinse anigu xaqnimaan wejigaaga ku fiirin doonaa,
Oo waa i deeqi doonaa markii aan ammaantaada arko, oo aan ekaantaada la soo tooso.
Daa'uud Oo Tiriyey Raggiisii Dagaalyahanka Ahaa
21 Haddaba Shayddaan baa ku kacay reer binu Israa'iil oo wuxuu Daa'uud ku dhaqaajiyey inuu reer binu Israa'iil tiriyo. 2 Markaasaa Daa'uud ku yidhi Yoo'aab iyo amiirradii, Taga oo reer binu Israa'iil soo tiriya tan iyo Bi'ir Shebac iyo ilaa Daan, oo war ii keena si aan u ogaado dadka tiradiisa. 3 Markaasaa Yoo'aab yidhi, Rabbigu dadkiisa ha ka dhigo boqol jeer in ka sii badan inta ay haatan yihiin, laakiinse boqorow sayidkaygiiyow, iyagu kulligood sow ma aha addoommadaada? Maxaadse waxan u doonaysaa, sayidkaygiiyow? Oo maxaadse reer binu Israa'iil sabab ay ku dembaabaan ugu noqonaysaa? 4 Habase yeeshee boqorka hadalkiisii waa ka adkaaday hadalkii Yoo'aab. Haddaba sidaas daraaddeed Yoo'aab wuu tegey, oo wuxuu dhex maray reer binu Israa'iil oo dhan, dabadeedna Yeruusaalem buu yimid. 5 Markaasaa Yoo'aab Daa'uud siiyey tiradii dadka, oo reer binu Israa'iil oo dhammu waxay ahaayeen kun kun iyo boqol kun oo nin oo seefqaad ah, oo reer Yahuudahna waxay ahaayeen afar boqol iyo toddobaatan kun oo nin oo seefqaad ah. 6 Laakiinse isagu sooma uu tirin reer Laawi iyo reer Benyaamiin, maxaa yeelay, Yoo'aab waa karaahiyeystay boqorka hadalkiisii. 7 Haddaba taas ayaa Ilaah ugu cadhooday, markaasuu laayay reer binu Israa'iil. 8 Markaasaa Daa'uud Ilaah ku yidhi, Waxaan sameeyey aad baan ugu dembaabay, haddaba waan ku baryayaaye, iga fogee dembigayga anoo addoonkaaga ah, waayo, nacasnimo weyn baan sameeyey. 9 Markaasaa Rabbigu la hadlay Gaad oo ahaa Daa'uud waxarkihiisa, oo wuxuu yidhi, 10 Tag oo Daa'uud la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu kugu leeyahay, Saddexdan waxyaalood baan ku siinayaa, ee ka dooro mid aan kugu sameeyo. 11 Sidaas daraaddeed Gaad baa Daa'uud u yimid oo ku yidhi, Rabbigu wuxuu leeyahay, Midkaad doonaysid dooro, 12 saddex sannadood oo abaar ah, ama saddex bilood oo aad ku baabba'did cadaawayaashaada hortooda iyadoo seefta cadaawayaashaadu ay ku gaadhayso, amase haddii kale saddex maalmood oo seefta Rabbigu iyadoo belaayo ah ay dalka dhex marayso, oo ay malaa'igtii Rabbiga dadka baabbi'inayso kulli dalka reer binu Israa'iil oo dhan. Haddaba bal ka fiirso jawaabta aan u celiyo kii i soo diray. 13 Markaasaa Daa'uud wuxuu Gaad ku yidhi, Cidhiidhi weyn baan ku jiraa, Rabbiga gacantiisa aan ku dhaco, waayo, naxariistiisu waa badan tahay, laakiinse yaanan dad gacantiis ku dhicin. 14 Saas aawadeed Rabbigu belaayo ayuu ku soo dejiyey reer binu Israa'iil, oo waxaa reer binu Israa'iil ka dhintay toddobaatan kun oo nin. 15 Oo haddana Rabbigu wuxuu Yeruusaalem u soo diray malag wax baabbi'iya, oo markuu u dhowaaday inuu baabbi'iyo ayaa Rabbigu fiiriyey, oo belaayadii ka qoomamooday, oo wuxuu malaggii wax baabbi'inayay ku yidhi, Bes weeye, haddaba gacanta soo celi. Oo malaggii Rabbigu wuxuu ag joogay meeshii hadhuudhka lagu tumi jiray oo uu Aarnaankii reer Yebuus lahaa. 16 Markaasaa Daa'uud indhihii kor u taagay oo wuxuu arkay malaggii Rabbiga oo taagan dhulka iyo samada dhexdooda oo gacanta ku haysta seef gal la' oo Yeruusaalem ku kor fidsan. Markaasay Daa'uud iyo odayaashiiba, iyagoo dhar joonyad ah qaba, wejiga dhulka saareen. 17 Markaasaa Daa'uud wuxuu Ilaah ku yidhi, Kii amray in dadka la soo tiriyo sow aniga ma aha? Kii dembaabay oo waxa aad u xun sameeyey waa aniga, laakiinse idahanu maxay sameeyeen? Haddaba Rabbiyow Ilaahayow, waan ku baryayaaye, gacantaadu ha ka gees noqoto aniga iyo reerka aabbahay, laakiinse dadkaaga yaanay ka gees noqon oo aanay belaayo ku dhicin.
2 Carruurtaydiiyey, waxaan waxyaalahan idiinku soo qorayaa si aydnaan u dembaabin; oo qof uun hadduu dembaabo, waxaynu xagga Aabbaha ku leennahay Dhexdhexaadiye, waana Ciise Masiix kan xaqa ah. 2 Oo isaguna wuxuu dembiyadeenna u yahay kafaaraggudka; oo kuweenna oo keliya uma aha ee weliba wuxuu u yahay dembiyada dunida oo dhan. 3 Oo taas ayaynu ku garanaynaa inaynu naqaan isaga, haddaynu qaynuunnadiisa adkayno. 4 Kan yidhaahda, Waan aqaan isaga, oo aan qaynuunnadiisa adkayn, waa beenaaleh, oo runtu kuma jirto isaga. 5 Laakiin kan ereygiisa adkeeya, runtii, Ilaah jacaylkiisu wuu ku dhan yahay isaga. Taas aynu ku garanaynaa inaynu isaga ku jirno. 6 Kan yidhaahda, Isagaan ku jiraa, waa inuu u socdaa siduu isagu u socday.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya