Revised Common Lectionary (Complementary)
Ayax Dagaalyahan Ah
2 Siyoon buun ka dhex afuufa, oo buurtayda quduuska ah ka dhawaajiya, oo dadka dalka deggan oo dhammu ha wada gariireen, waayo, maalintii Rabbigu way imanaysaa, oo haatan way soo dhow dahay. 2 Oo maalintaasu waa maalin mugdi iyo gudcur ah, oo waa maalin cadar ah oo gudcur qaro weyn ahu jiro, oo waxay u imanaysaa sida kaaha waaberiga buuraha ku dul faafa. Bal eega dad tiro badan oo xoog weyn! Dadkaas wax la mid ah hore looma arag, oo iyaga dabadoodna wax la mid ahu ma jiri doonaan xataa tan iyo sannado iyo qarniyo badan.
Qalbigiinna Jeexa
12 Haddaba haatan waxaa Rabbigu leeyahay, Qalbigiinna oo dhan iigu soo jeesta, idinkoo sooman, oo ooyaya, oo barooranaya. 13 Haddaba qalbigiinna jeexa ee dharkiinna ha jeexina, oo Rabbiga Ilaahiinna ah xaggiisa u soo jeesta, waayo, isagu waa nimco miidhan, waana raxmad badan yahay, cadho wuu u gaabiya, waana naxariis badan yahay, oo belaayadana wuu ka soo noqdaa. 14 Bal yaa garanaya inuu isagu soo jeesan doono oo soo noqon doono, iyo in kale, iyo inuu gadaashiisa kaga tegi doono barako, taasoo qurbaan hadhuudh ah iyo qurbaan cabniin ah oo aad Rabbiga Ilaahiinna ah u bixinaysaan?
15 Siyoon buun ka dhex afuufa, oo soon naadiya, oo shir ku dhawaaqa. 16 Dadka soo ururiya, oo ururka quduus ka dhiga, oo odayaasha soo shiriya, oo carruurta soo ururiya, iyo xataa kuwa naasaha nuugaya. Aroosku qolkiisa ha ka soo baxo, oo aroosadduna ilxidhkeeda ha ka soo baxdo. 17 Wadaaddada midiidinnada Rabbiga ahu balbalada iyo meesha allabariga dhexdooda ha ku ooyeen, oo iyagu ha yidhaahdeen, Rabbiyow, dadkaaga u tudh, oo dadka dhaxalkaaga ah wax la caayo ha ka dhigin oo yaanay quruumuhu iyaga u taline. Waayo, bal maxaa dadyowga dhexdooda looga odhan doonaa, Bal meeh Ilaahooda?
Soonka Runta Ah
58 Aad u qayli, oo waxba ha iskula hadhin, codkaagana sida buun oo kale kor u qaad, oo dadkayga xadgudubkooda u sheeg, oo reer Yacquubna dembiyadooda u sheeg. 2 Laakiinse iyagu maalin kasta way i doondoonaan, oo waxay jecel yihiin inay jidadkayga ogaadaan. Sidii quruun xaqnimo samaysay oo aan innaba amarkii Ilaahooda ka tegin waxay i weyddiistaan amarro xaq ah, oo waxay aad u jecel yihiin inay Ilaah ku soo dhowaadaan. 3 Waxay leeyihiin, Bal maxaannu u soonnay oo aad u arki weyday? Bal maxaannu naftayada u dhibnay oo aad u daymoon weyday? Bal eega, maalintii aad soontaan waad iska raaxaysataan, oo shaqaalihiinna oo dhanna waad dulantaan. 4 Bal eega, idinku waxaad u soontaan dirir iyo dood keliya, iyo inaad feedhkii sharnimada wax ku dhufataan. Maanta uma soontaan si codkiinna xagga sare looga maqlo. 5 Soonkii aan doortay ma waxaas oo kalaa? Ma maalin nin naftiisa dhibo baa? Ma inuu madaxiisa sida cawsduur u foororsho, oo uu hoostiisa dhar joonyad ah iyo dambas ku goglo baa? Waxaa ma waxaad tidhaahdaan, Waa soon iyo maalin Rabbigu aqbali karo? 6 Sow kanu ma aha soonkii aan doortay in silsiladihii sharnimada la furo, oo guntimihii harqoodka la debciyo, oo kuwa la dulmay la xoreeyo, oo aad harqood kasta jebisaan? 7 Sow ma aha inaad kibistaada ka gaajaysan u gooysid, oo aad masaakiinta aan hoy lahayn gurigaaga soo gelisid, oo markaad aragtid mid qaawan aad wax huwisid, oo aadan xigtadaada aad isku jiidhka tihiin ka dhuuman? 8 Oo markaas iftiinkaagu wuxuu u soo kaahi doonaa sida kaaha waaberi, oo bogsiintaaduna dhaqso bay u soo bixi doontaa, oo xaqnimadaaduna way ku hor socon doontaa, oo ammaanta Rabbiguna way ku daba socon doontaa. 9 Markaasaad dhawaaqi doontaa, oo Rabbiguna waa kuu jawaabi doonaa, waad u qayshan doontaa, oo isna wuxuu ku odhan doonaa, Waa i kan. Haddaad dhexdaada ka fogaysid harqoodka, iyo farta fiiqiddeeda, iyo hadlidda sharka ah, 10 oo haddaad ka gaajaysan quudkaaga siisid, oo aad nafta dhibaataysan dherjisid, markaas iftiinkaagu gudcur buu ka soo dhex kaahi doonaa, oo madowgaaguna wuxuu noqon doonaa sida hadh cad oo kale. 11 Oo Rabbiguna had iyo goorba wuu ku hoggaamin doonaa, oo iyadoo abaar ah ayuu naftaada dherjin doonaa, lafahaagana wuu adkayn doonaa, oo adna waxaad noqon doontaa sida beer la waraabiyey, iyo sida il biya ah oo aan innaba biyeheedu gudhin. 12 Oo kuwaaga ayaa meelihii hore oo burburay dhisi doona, oo waxaad sara kicin doontaa aasaasyada qarniyada badan, oo waxaa laguugu yeedhi doonaa Jabniinkabe, iyo kan jidadka cusboonaysiiya si loo dego.
Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha markii nebi Naataan u yimid, kolkuu Batshebac u tegey dabadeed.
51 Ilaahow, iigu naxariiso sida raxmaddaadu tahay,
Oo xadgudubyadaydana igaga tirtir sida naxariistaada badnaanteedu tahay.
2 Xumaantayda iga wada maydh,
Oo iga nadiifi dembigayga.
3 Waayo, anigu waan ogahay xadgudubyadayda,
Oo dembigayguna hortayduu yaallaa had iyo goorba.
4 Adiga keliya ayaan kugu dembaabay,
Oo waxaan sameeyey wax hortaada ku xun,
Inaad xaq ahaatid markaad hadashid,
Oo aad daahir ahaatid markaad wax xukunto.
5 Bal eeg, aniga waxaa laygu qabanqaabiyey xumaan,
Oo waxaa hooyaday igu uuraysatay dembi.
6 Bal eeg, waxaad uurka ka jeceshahay run,
Oo meesha qarsoon waxaad iga ogeysiinaysaa xigmad.
7 Haddaba geed husob ah igu daahiri, oo anna nadiif baan ahaan doonaa,
I maydh, oo anna baraf cad waan ka sii caddaan doonaa.
8 I maqashii farxad iyo rayrayn,
Inay lafihii aad jejebisay farxaan.
9 Wejigaaga ka qari dembiyadayda,
Oo iga tirtir xumaatooyinkayga oo dhan.
10 Ilaahow, igu dhex abuur qalbi nadiif ah,
Oo igu dhex cusboonaysii ruux qumman.
11 Hortaada ha iga xoorin,
Oo Ruuxaaga quduuska ah ha iga qaadin.
12 Farxaddii badbaadintaada ii soo celi,
Oo ruux raalli ah igu tiiri.
13 Oo markaas kuwa xadgudba jidkaagaan bari doonaa,
Oo dembilayaashuna adigay kuu soo noqon doonaan.
14 Ilaahow, Ilaaha badbaadadaydow, dhiiggelidda iga samatabbixi,
Markaasaa carrabkaygu wuxuu aad uga gabyi doonaa xaqnimadaada.
15 Sayidow, bushimahayga fur,
Oo afkaygu wuxuu ku hadli doonaa ammaantaada.
16 Waayo, adigu kuma faraxdid allabari, haddii kalese waan bixin lahaa,
Qurbaan gubanna kuma cajebiyo.
17 Allabaryada Ilaah waa ruux is-hoosaysiintiisa,
Ilaahow, adigu quudhsan maysid qalbi hoosaysan oo qoomamaysan.
Wacdinta Heshiisiiska
20 Sidaas daraaddeed ergo ayaannu u nahay Masiix aawadiis, sidii Ilaah oo idinka baryaya xaggayaga, Masiix aawadiis waxaannu idinku baraynaa, Ilaah la heshiiya. 21 Wuxuu isaga oo aan dembi aqoonin ka dhigay inuu dembi noqdo aawadeen, inaynu noqonno xaqnimada Ilaah ee ku jirta isaga.
6 Annagoo la shaqaynayna Ilaah waxaannu idinka baryaynaa inaydnaan micnela'aan u qaadan nimcadii Ilaah, 2 waayo, wuxuu leeyahay,
Wakhti la aqbalay ayaan ku dhegaystay,
Oo maalintii badbaadintana ayaan ku caawiyey.
Bal eeg, hadda waa wakhtigii la aqbalay; bal eeg, hadda waa maalintii badbaadinta. 3 Annagu ninna wax uu ku turunturoodo uma dhigno, si aan adeegiddayada waxba looga sheegin. 4 Laakiin sida midiidinyada Ilaah ayaannu wax walba isugu caddaynaynaa dulqaadasho badan, annagoo ku dhex jirna dhibaatooyin, iyo baahi, iyo cidhiidhiyo, 5 iyo karbaashyo, iyo xabsiyo, iyo rabshooyin, iyo hawlo, iyo soo jeedid, iyo soomid, 6 annagoo isku caddaynayna daahirnimo, iyo aqoon, iyo samir, iyo roonaan, iyo Ruuxa Quduuskaa, iyo jacayl aan labaweji lahayn, 7 iyo hadalka runtaa, iyo xoogga Ilaah, iyo hubka xaqnimada ee midigta iyo bidixdaba, 8 haddii lana maamuuso iyo haddii lana maamuus jebiyoba, haddii war xun lanaga sheego, iyo haddii war wanaagsan lanaga sheegoba, sida annagoo ah khaa'inno laakiin kuwa runta ah; 9 sida kuwo aan la garanaynin laakiin la yaqaan, sida kuwo dhimanaya, laakiin bal eeg, waannu nool nahaye, sida kuwo la edbiyo, laakiin aan dhimasho la gaadhsiin, 10 sida kuwo la calool xumeeyey, laakiin weli had iyo goorba farxa, sida masaakiin, laakiin dad badan hodansiiya, sida kuwo aan waxba haysanin laakiin wax walba leh.
Sadaqadbixinta Qarsoon
6 Iska jira inaydnaan xaqnimadiinna dadka ku hor samayn inay idin arkaan, haddii kale abaal kuma lihidin Aabbihiinna jannada ku jira.
2 Haddaba markaad sadaqad bixinayso, buun ha ugu dhufan hortaada sida labawejiilayaashu sunagogyada iyo jidadka ku sameeyaan si dadku u ammaanaan. Runtii waxaan idinku leeyahay, Abaalgudkoodii way heleen. 3 Laakiin adigu goortaad sadaqad bixinayso, bidixdaadu yaanay ogaan waxa midigtaadu samaynayso, 4 si ay sadaqaddaadu u qarsoonaato, oo Aabbahaaga waxa qarsoon arka ayaa kuu abaalgudi doona.
Tukasho Qarsoon
5 Oo goortaad tukanaysaan, ha ahaanina sida labawejiilayaasha, waayo, waxay jecel yihiin inay tukadaan iyagoo taagan sunagogyada iyo meesha jidadku isku gooyaan si ay dadka ugu muuqdaan. Runtii waxaan idinku leeyahay, Abaalgudkoodii way heleen. 6 Laakiin adigu goortaad tukanaysid, qolkaaga qarsoon gal, oo goortaad albaabkaaga xidhid, Aabbahaaga meesha qarsoon ku jira bari, oo Aabbahaaga waxa qarsoon arka ayaa kuu abaalgudi doona.
Soonka
16 Kolkaad soontaan ha ahaanina sida labawejiilayaashu u fool qulubsan yihiin, waayo, way isfoolxumeeyaan si ay dadka ugu muuqdaan inay sooman yihiin. Runtii waxaan idinku leeyahay, Abaalgudkoodii way heleen. 17 Laakiin adigu goortaad soontid, madaxaaga saliid marso oo fool dhaqo, 18 si aadan dadka ugu muuqan inaad sooman tahay, laakiin aad ugu muuqatid Aabbahaaga meel qarsoon ku jira, oo Aabbahaaga waxa qarsoon arkaa waa kuu abaalgudi doonaa.
Hodannimada Runta Ah(A)
19 Maal ha ku urursanina dhulka, meesha aboorka iyo miridhku ku baabbi'iyaan, iyo meesha tuugaggu jebiyaan oo ka xadaan, 20 laakiin maal jannada ku urursada, meesha aboorka iyo miridhku ayan ku baabbi'in iyo meesha tuugaggu ayan jebin oo ayan ka xadin. 21 Waayo, meesha maalkaagu ku jiro, meeshaasaa qalbigaaguna ku jiri doonaa.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya