Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Complementary)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with thematically matched Old and New Testament readings.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Bilowgii 45:3-11

Markaasuu Yuusuf wuxuu walaalihiis ku yidhi, Yuusuf baan ahay, ee aabbahay weli ma nool yahay? Walaalihiisna way u jawaabi kari waayeen; waayo, aad bay ugu argaggexeen hortiisa. Markaasaa Yuusuf wuxuu walaalihiis ku yidhi, Bal ii soo dhowaada, waan idin baryayaaye. Kolkaasay u soo dhowaadeen. Markaasuu yidhi, Anigu waxaan ahay walaalkiin Yuusuf, kii aad ka iibiseen kuwii Masar tegayay. Oo haatan ha caloolxumaanina, naftiinnana ha u cadhoonina iibiskii aad halkan iga iibiseen aawadiis; waayo, Ilaah wuxuu hortiin ii soo diray in nafo la badbaadiyo. Waayo, labadan sannadood baa dhulku abaar ahaa, oo weli waxaa hadhay shan sannadood, oo aan beer la fali doonin, waxna la goosan doonin. Oo Ilaah wuxuu hortiin ii soo diray inuu dadkiinna qaar dhulka idiinku reebo, oo uu idiin badbaadiyo kuwo fara badan oo baxsada. Haddaba sidaas daraaddeed idinka ma ahayn kii halkan ii soo diray, laakiinse wuxuu ahaa Ilaah; oo isagu Fircoon buu aabbe iiga dhigay, iyo sayidkii dadka gurigiisa oo dhan, iyo taliyihii dalka Masar oo dhan. Dhaqsada, oo aabbahay u kaca, oo waxaad isaga ku tidhaahdaan, Wiilkaagii Yuusuf wuxuu kugu soo yidhi, Ilaah wuxuu iga dhigay sayidkii Masar oo dhan, ee soo dhaadhac oo ii kaalay, hana raagin; 10 oo waxaad degi doontaa dhulka la yidhaahdo Goshen, oo waad ii soo dhowaan doontaa, adiga iyo carruurtaada, iyo carruurtaada carruurtooda, iyo adhigaaga iyo lo'daada, iyo waxa aad haysatid oo dhanba; 11 oo halkaasaan kugu quudin doonaa; waayo, weli waxaa hadhay shan sannadood oo abaar ah, waaba intaasoo aad gaajootaan, adiga iyo reerkaaga, iyo waxa aad haysatid oo dhammuba.

Bilowgii 45:15

15 Markaasuu wada dhunkaday walaalihiis oo dhan, wuuna ku dul ooyay; dabadeedna walaalihiis baa la hadlay isagii.

Sabuurradii 37:1-11

Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey.

37 Ha isku dhibin xumaanfalayaasha aawadood,
Hana uga hinaasin kuwa xaqdarrada sameeya.
Waayo, iyaga haddiiba waxaa loo jari doonaa sida cawska oo kale,
Oo waxay u engegi doonaan sida geedo yaryar oo qoyan.
Rabbiga isku hallee oo wanaag samee,
Oo sidaasaad dalka ku degganaan doontaa, oo ammaan baad ku daaqi doontaa.
Haddaba Rabbiga ku farax,
Oo wuxuu ku siin doonaa waxa qalbigaagu doonayo.
Jidkaaga Rabbiga ku aamin,
Isagana isku hallee, wuuna samaynayaaye.
Xaqnimadaada wuxuu u soo bixin doonaa sida nuurka oo kale,
Gartaadana sida duhurka oo kale.
Rabbiga ku hor xasilloonow, oo isaga samir ku sug,
Oo ha isku dhibin kii jidkiisa ku barwaaqaysan
Iyo ninkii hindisooyin shar ah sameeya toona.
Cadhada ka joogso, oo dhirifka ka tag,
Hana isku dhibin inaad shar samaysid.
Waayo, xumaanfalayaashu way go'i doonaan,
Laakiinse kuwa Rabbiga sugaa dalkay dhaxli doonaan.
10 Wakhti yar dabadeedna kan sharka lahu ma jiri doono,
Bal meeshiisa aad baad ugu fiirsan doontaa, oo isna ma jiri doono.
11 Laakiinse kuwa camalka qabow dalkay dhaxli doonaan,
Oo waxay ku farxi doonaan nabad badan.

Sabuurradii 37:39-40

39 Kuwa xaqa ahse badbaadadoodu waa xagga Rabbiga,
Oo wakhtiga dhibaatada isagu waa qalcaddooda.
40 Oo Rabbigu iyaguu caawiyaa, wuuna samatabbixiyaa,
Oo wuxuu iyaga ka samatabbixiyaa kuwa sharka leh, wuuna badbaadiyaa,
Maxaa yeelay, isagay magangaleen.

1 Korintos 15:35-38

35 Laakiin mid baa odhan doona, Sidee baa kuwii dhintay loo sara kiciyaa? Oo jidh caynkee ah bay ku yimaadaan? 36 Doqon yahow, waxaad adigu beertid ma noolaado haddaanu dhiman. 37 Oo waxaad beertidba ma beertid jidhka noqonaya, laakiin iniintoo qudha, ha ahaato iniin sarreen ah, ama iniin cayn kale ah. 38 Laakiin Ilaah wuxuu iyada siiyaa jidh siduu u doonayay, iniin kastana jidhkeeda.

1 Korintos 15:42-50

42 Sarakicidda kuwii dhintayna waa sidaas oo kale. Waxaa lagu beeraa qudhun, waxaana lagu sara kiciyaa qudhunla'aan. 43 Waxaa lagu beeraa maamuusla'aan, waxaana lagu sara kiciyaa ammaan, waxaa lagu beeraa itaaldarro, waxaa lagu sara kiciyaana xoog. 44 Waxaa la beeraa jidh naf leh, waxaana la sara kiciyaa jidh ruux leh. Hadduu jiro jidh naf leh, jidh ruux lihina waa jiraa. 45 Haddaba waxaa qoran, Aadan oo ahaa ninkii ugu horreeyey wuxuu noqday naf nool, Aadankii ugu dambeeyeyse wuxuu noqday ruux wax nooleeya. 46 Hase ahaatee, kan ruuxa lihi ma aha kii ugu horreeyey laakiin kan nafta leh, markaasna kan ruuxa leh. 47 Ninkii ugu horreeyey waa kan dhulka oo cammuud ah, ninkii labaadna waa kan jannada. 48 Sida kan cammuudda ah kuwa cammuud ahina waa sidaas oo kale, oo sida kan jannada, kuwa jannaduna waa sidaas oo kale. 49 Oo sidaynu ugu eg nahay kan cammuudda ah, sidaas oo kale ayaynu ugu ekaan doonnaa kan jannada.

50 Waxaan leeyahay, walaalayaalow, Jidhka iyo dhiiggu ma dhaxli karaan boqortooyada Ilaah. Qudhunkuna ma dhaxli karo qudhunla'aanta.

Luukos 6:27-38

Cadowyadiinna Jeclaada(A)

27 Laakiin waxaan idinku leeyahay kuwiinna maqlaya, Cadowyadiinna jeclaada, kuwa idin necebna wax wanaagsan u sameeya. 28 Kuwa idin habaara u duceeya, kuwa idin caayana Ilaah u barya. 29 Kii dhabanka kaa dhirbaaxa, kan kalena u du; oo kii maradaada kaa qaata, khamiiskaagana ha ka celin. 30 Mid walba oo wax kaa barya, sii; kii waxaaga qaatana, ha ka baryin. 31 Oo sidaad doonaysaan in dadku idiin sameeyo, idinkuna sidaas oo kale u sameeya iyaga. 32 Haddaad jeceshihiin kuwa idin jecel, mahadmaad heshaan? Waayo, xataa dembilayaashuba way jecel yihiin kuwa jecel iyaga. 33 Haddaad wanaag u fashaan kuwa wanaag idiin fala, mahadmaad heshaan? Waayo, xataa dembilayaashuba sidaasay yeelaan. 34 Haddaad wax amaahisaan kuwa aad ka rajaynaysaan inaad ka heshaan, mahadmaad heshaan? Waayo, xataa dembilayaashuba way amaahiyaan dembilayaasha inay ka helaan intii oo kale. 35 Laakiin cadowyadiinna jeclaada, oo wanaag u sameeya, oo amaahiya, idinkoo aan waxba ka rajaynaynin, abaalgudkiinnuna waa badan doonaa, oo waxaadna noqon doontaan wiilashii Kan ugu sarreeya, waayo, isagu waa u roon yahay kuwa aan mahadnaqin iyo kuwa sharka leh. 36 Naxariis lahaada sida Aabbihiin naxariis u leeyahay.

Dad Kale Ha Xukumina(B)

37 Cidna ha xukumina, idinkana laydinma xukumi doono. Ninnana wax ha ku garaynina, idinkana wax laydinkuma garayn doono e; dhaafa oo waa laydin dhaafi doonaa. 38 Siiya oo waa laydin siin doonaa; qiyaas wanaagsan oo hoos u riixriixan oo ruxan oo buuxdhaafaya ayaa laydinku siin doonaa faraqiinna, waayo, qiyaastii aad ku qiyaastaan ayaa laydiinku qiyaasi doonaa.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya