Revised Common Lectionary (Complementary)
5 Rabbigu wuxuu leeyahay, Ninkii nin isku halleeya oo binu-aadmiga gacan ka dhigta, oo qalbigiisu Rabbiga ka tegey, waa inkaaran yahay. 6 Waayo, wuxuu ahaan doonaa sida geed xun oo lamadegaanka ku yaal, oo mana uu arki doono markii wanaag imanayo, laakiinse wuxuu joogi doonaa meelo engegan oo cidlada dhexdeeda ah, oo ah dal cusba ah oo aan ciduna degganayn. 7 Waxaa barakaysan ninkii Rabbiga isku halleeya, oo rajadiisuna ay Rabbiga tahay. 8 Waayo, wuxuu ahaan doonaa sida geed lagu beeray biyaha dhinacooda oo xididdihiisa u fidsaday webiga dhiniciisa, oo kulaylku markuu yimaado kama cabsan doono, laakiinse caleentiisu cagaar bay iska ahaan doontaa, oo sannadda abaarta ah innaba ma uu welweli doono, mana uu joojin doono midhobixintiisa. 9 Qalbiga dadku wax kasta buu ka khiyaano badan yahay, oo aad iyo aad buu u xun yahay, bal yaa garan kara? 10 Aniga Rabbiga ah ayaa qalbiga baadha, anigaa kelyaha imtixaama, si aan nin kastaba ugu abaalmariyo sidii jidkiisu ahaa iyo sidii midhaha falimihiisu ahaayeen.
SABUURRADII
Kitaabka Kowaad
Sabuurrada 1-41
1 Waxaa barakaysan ninkii aan ku socon talada kuwa sharka leh,
Oo aan istaagin jidka dembilayaasha,
Oo aan ku fadhiisan kursiga kuwa wax quudhsada.
2 Laakiinse waxaa isaga ka farxiya sharciga Rabbiga,
Oo habeen iyo maalinba sharcigiisuu ka fikiraa.
3 Oo wuxuu ahaan doonaa sida geed lagu beeray durdurrada biyaha agtooda,
Oo midhihiisa dhala xilligooda,
Oo aan caleentiisuna engegin.
Oo wax alla wuxuu sameeyoba wuu ku liibaani doonaa.
4 Laakiinse kuwa sharka lahu sidaas ma aha,
Iyaguse waxay la mid yihiin buunshaha dabayshu kaxayso.
5 Sidaas daraaddeed kuwa sharka lahu isma dhex taagi doonaan xukunka,
Dembilayaashuna sooma dhex geli doonaan kuwa xaqa ah ururkooda.
6 Waayo, Rabbigu waa yaqaan kuwa xaqa ah jidkooda,
Laakiinse kuwa sharka ah jidkoodu waa baabbi'i doonaa.
Sarakicidda Kuwii Dhintay
12 Haddii dadka lagu wacdiyey in Masiixa kuwii dhintay laga sara kiciyey, sidee baa qaarkiin u yidhaahdaa, Sarakicidda kuwii dhintay ma jirto? 13 Haddaanay jirin sarakicidda kuwii dhintay, Masiixana lama sara kicin. 14 Oo haddaan Masiixa la sara kicin, markaas wacdigayagu waa khasaare, rumaysadkiinnuna waa khasaare. 15 Waxaa la arkayaa inaannu markhaatiyaal been ah ka nahay xagga Ilaah, waayo, waxaannu u marag furnay inuu Masiixa sara kiciyey, kan aanu sara kicin haddii aan kuwii dhintay la sara kicin. 16 Haddii aan kuwii dhintay la sara kicin, Masiixana lama sara kicin. 17 Oo haddii aan Masiixa la sara kicin, rumaysadkiinnu waa khasaare, oo weli dembiyadiinna ayaad ku jirtaan. 18 Oo weliba kuwii Masiixa rumaysnaa oo dhintayna, way halligmeen. 19 Haddaynu noloshan oo keliya Masiix ku rajayn lahayn, waxaynu ahaan lahayn kuwa u liita dadka loo naxo oo dhan.
20 Laakiinse haatan Masiixa ayaa kuwii dhintay laga sara kiciyey, isagoo ah midhaha ugu horreeya ee kuwa dhintay.
17 Markaasuu hoos ula degay, oo bannaan ayuu istaagay, isaga iyo qaar badan oo xertiisa ah, iyo dad badan oo Yahuudiya iyo Yeruusaalem iyo xeebaha Turos iyo Siidoon uga yimaadeen inay maqlaan iyo in cudurradooda laga bogsiiyo. 18 Oo kuwo jinniyo wasakh leh derdereenna waa la bogsiiyey. 19 Dadkii badnaa oo dhan waxay doonayeen inay taabtaan isaga, waayo, xoog baa ka soo baxay oo wada bogsiiyey.
Kuwa Barakaysan Iyo Kuwa Hoogga Leh(A)
20 Markaasuu kor u fiiriyey oo xertiisii eegay oo ku yidhi, Waxaa barakaysan kuwiinna masaakiinta ah, waayo, boqortooyadii Ilaah idinkaa leh. 21 Waxaana barakaysan kuwiinna haddeer gaajaysan, waayo, waad dhergi doontaan. Waxaana barakaysan kuwiinna haddeer ooyaya, waayo, waad qosli doontaan. 22 Waad barakaysan tihiin goortii dadku idin necbaado, oo goortay dhexdooda idinka saaraan, oo idin caayaan, oo magacyadiinna sida wax shar leh u tuuraan Wiilkii Aadanaha aawadiis. 23 Maalintaas reyreeya oo farxad ku boodbooda, waayo, bal ogaada, abaalgudkiinnu waa ku weyn yahay jannada, waayo, awowayaashood sidaasay nebiyadii ku samayn jireen. 24 Hoog waxaa leh kuwiinna hodanka ah, waayo, gargaarkiinna waad hesheen. 25 Hoogna waxaa leh kuwiinna haddeer dheregsan, waayo, waad gaajoon doontaan; hoogna waxaa leh kuwiinna haddeer qoslaya, waayo, waad barooran doontaan oo ooyi doontaan. 26 Waa idiin hoog markii dadka oo dhammu wanaag idinka sheego, waayo, awowayaashood sidaasay nebiyadii beenta ahaa ku samayn jireen.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya