Revised Common Lectionary (Complementary)
Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey.
138 Qalbigayga oo dhan ayaan kugu mahadnaqi doonaa,
Oo ilaahyada hortooda ayaan ammaan kuugu gabyi doonaa,
2 Waxaan u soo tukan doonaa macbudkaaga quduuska ah xaggiisa,
Oo magacaagana waxaan ugu mahadnaqi doonaa raxmaddaada iyo runtaada aawadood,
Waayo, eraygaaga ayaad ka sii weynaysay magacaaga oo dhan.
3 Maalintii aan qayshaday waad ii jawaabtay,
Waanad igu kalsooni gelisay xooggii aad naftayda u yeeshay.
4 Rabbiyow, boqorrada dhulka jooga oo dhammu way kugu mahadnaqi doonaan,
Waayo, waxay maqlaan erayada afkaaga.
5 Haah, way ka gabyi doonaan jidadka Rabbiga,
Waayo, ammaanta Rabbigu waa weyn tahay.
6 Waayo, in kastoo Rabbigu sarreeyo, haddana wuu fiiriyaa kuwa hooseeya,
Laakiinse kan kibra meel fog buu ka yaqaan.
7 In kastoo aan ku dhex socdo dhibaato waad i soo noolayn doontaa,
Oo waxaad gacantaada ku soo fidin doontaa cadhada cadaawayaashayda,
Oo gacantaada midigna way i badbaadin doontaa.
8 Rabbigaa kaamil ka dhigi doona waxa igu saabsan,
Rabbiyow, naxariistaadu weligeedba way sii waartaa,
Ha ka tegin shuqulladii gacmahaaga.
Cotnii'eel
7 Oo reer binu Israa'iilna waxay sameeyeen wax Rabbiga hortiisa ku xun, oo Rabbiga Ilaahooda ahna way illoobeen, wayna u adeegeen Bacaliimkii iyo geedihii Asheeraah. 8 Sidaas daraaddeed cadhadii Rabbigu aad bay ugu kululaatay reer binu Israa'iil, oo wuxuu iyagii ka iibiyey boqorkii Mesobotamiya oo ahaa Kuushan Rishcaatayim; oo reer binu Israa'iil waxay Kuushan Rishcaatayim u adeegayeen siddeed sannadood. 9 Oo markii reer binu Israa'iil ay Rabbiga u qayshadeen, Rabbigu wuxuu reer binu Israa'iil u kiciyey badbaadiye, kaasoo badbaadiyey, oo wuxuu ahaa Cotnii'eel ina Qenas oo ahaa Kaaleeb walaalkiisii yaraa. 10 Oo kaas waxaa ku soo degay Ruuxa Rabbiga, oo wuxuu xukumi jiray reer binu Israa'iil. Dagaal buuna u baxay, oo Rabbiguna wuxuu gacantiisii u geliyey boqorkii Mesobotamiya oo ahaa Kuushan Rishcaatayim, oo isna wuu ka gacan sarreeyey Kuushan Rishcaatayim. 11 Markaasaa dalkii xasilloonaa afartan sannadood. Oo Cotnii'eel ina Qenas wuu dhintay.
42 Goortii ay maalintii noqotay, ayuu baxay oo meel cidla ah tegey; dadkii badnaana way doondooneen oo u yimaadeen. Wayna qabteen si aanu uga tegin. 43 Laakiin wuxuu iyagii ku yidhi, Waa inaan magaalooyinka kalena injiilka boqortooyada Ilaah ku wacdiyo, waayo, sidaa darteeda waa la ii soo diray.
44 Sunagogyada Galilina ayuu dadka ka dhex wacdiyi jiray.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya