Revised Common Lectionary (Complementary)
Kanu waa sabuur Mikhtaam ah oo Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu luuqeeyaa Yoonad elem rexoqiim. Wuxuuna tiriyey markii reer Falastiin ay isaga Gad ku qabteen.
56 Ilaahow, ii naxariiso, waayo dad baa waxay doonayaan inay i liqaan;
Maalinta oo dhan isagoo diriraya ayuu i dulmaa.
2 Cadaawayaashaydu maalinta oo dhan waxay doonayaan inay i liqaan,
Waayo, kuwa kibirka igula diriraa waa tiro badan yihiin.
3 Markaan cabsado,
Waan isku kaa hallaynayaa.
4 Ilaah caawimaaddiisa ayaan eraygiisa ku ammaani doonaa,
Waayo, Ilaah baan isku halleeyey, oo innaba baqi maayo,
Haddaba bal binu-aadmigu muxuu igu samayn karaa?
5 Maalinta oo dhan erayadayda way qalloociyaan,
Fikirradooda oo dhammu waa igu col si ay shar iigu sameeyaan.
6 Way isa soo wada urursadaan, oo way dhuuntaan,
Oo waxay fiirsadaan tallaabooyinkayga,
Markay gaadayaan naftayda.
7 Iyagu ma xumaan bay ku baxsan doonaan?
Ilaahow, dadyowga adoo cadhaysan hoos u tuur.
8 Waad og tahay warwareeggayga,
Bal ilmadayda qaruuraddaada ku shub,
Waayo, miyaanay buuggaaga ku qorrayn?
9 Markaasaa cadaawayaashaydu dib u noqon doonaan maalinta aan kuu yeedho,
Waayo, waxaan ogahay in Ilaah ila jiro.
10 Ilaah caawimaaddiisa ayaan eraygiisa ku ammaani doonaa,
Oo Rabbigana caawimaaddiisa ayaan eraygiisa ku ammaani doonaa.
11 Ilaah baan isku halleeyey, oo innaba baqi maayo,
Haddaba bal dad muxuu igu samayn karaa?
12 Ilaahow, nidarradaada waan qabaa,
Oo waxaan kuu bixinayaa qurbaanno mahadnaqid ah.
13 Waayo, naftaydaad ka samatabbixisay dhimasho,
Sow cagahayga dhicitin kama aad samatabbixin?
Inaan Ilaah hortiisa ku socdo
Iftiinka kuwa nool.
Naagtii Carmalka Ahayd Ee Joogtay Sarefta
8 Markaasaa waxaa isagii u yimid Eraygii Rabbiga oo leh, 9 Kac oo waxaad tagtaa Sarefta oo ay reer Siidoon leeyihiin, oo halkaas iska deg; oo bal eeg, naag carmal ah oo halkaas joogta waxaan ku amray inay ku quudiso. 10 Sidaas daraaddeed wuu kacay, oo wuxuu tegey Sarefta, oo markuu magaaladii iriddeedii yimid waxaa halkaas joogtay naag carmal ah oo xaabo guranaysa; oo intuu u yeedhay ayuu ku yidhi iyadii, Waan ku baryayaaye, wuxoogaa biyo ah weel iigu keen aan cabbee. 11 Oo markay u sii socotay inay u keento ayuu u yeedhay oo ku yidhi, Waan ku baryayaaye waxaad gacanta iigu soo qaaddaa in yar oo kibis ah. 12 Iyana waxay tidhi, Waxaan Rabbiga Ilaahaaga ah noloshiisa ugu dhaartay inaanan kibis haysan innaba, laakiinse waxaan haystaa sacab muggiis oo jidhiidh ah oo weel ku jira, iyo in yar oo saliid ah oo kusad ku jirta, oo bal eeg, laba qori baan u guranayaa si aan intaan gurigayga galo ugu diyaariyo aniga iyo wiilkayga, dabadeedna aan cunno oo aan dhimannee. 13 Markaasaa Eliiyaah ku yidhi iyadii, Ha cabsane tag oo yeel sidaad tidhi, laakiinse marka hore ii soo samee in yar oo kibis ah oo ii keen, dabadeedna u samee adiga iyo wiilkaaga. 14 Waayo, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Weelka jidhiidha ahu idlaan maayo, kusadda saliidda ahuna idin gabi mayso ilaa maalinta Rabbigu dhulka roob ku soo daayo. 15 Markaasay tagtay oo waxay yeeshay sidii Eliiyaah ku yidhi, oo iyadii iyo isagii iyo reerkeediiba maalmo badan bay wax cunayeen. 16 Oo weelkii jidhiidha ahaa ma uu idlaan, kusaddii saliidda ahaydna ma ay gabin, oo waxay ahaatay siduu ahaa eraygii Rabbigu u soo dhiibay Eliiyaah.
6 Waxaannu xigmadda kula hadallaa kuwa garashadu ku dhan tahay, taasoo aan ahayn xigmadda wakhtigan, oo aan ahayn xigmadda madaxda wakhtigan oo ah kuwa la baabbi'in doono; 7 laakiin qarsoonaan ayaannu ugu hadallaa xigmadda Ilaah oo la qariyey, oo Ilaah dunida horteed ka dhigay ammaanteenna aawadeed, 8 tan madaxda wakhtigan midkoodna aanu garanaynin, waayo, hadday garan lahaayeen, iskutallaabta kuma ay qodbeen Rabbiga ammaanta, 9 laakiin sida qoran,
Waxyaalo aanay ishu arkin, oo aanay dhegtu maqlin,
Oo aan qalbiga dadka gelin,
Wax kastoo ay yihiinba, Ilaah baa u diyaariyey kuwa isaga jecel.
10 Innagase Ilaah baa inoogu muujiyey Ruuxa, waayo, Ruuxu wuxuu baadhaa wax kasta, xataa waxyaalaha hoos u dhaadheer oo Ilaah. 11 Waayo, dadka dhexdood yaa garanaya nin waxyaalihiisa, ruuxa ninka ku jira mooyaane? Sidaas oo kalena ninna garan maayo waxyaalaha Ilaah, Ruuxa Ilaah mooyaane. 12 Laakiin innagu ma aynu helin ruuxa dunida laakiinse Ruuxa Ilaah ka yimid, inaynu garanno waxyaalaha uu Ilaah nimco ahaan inoo siiyey. 13 Waxyaalahaasna ayaannu ku hadalnaa, kumase hadalno hadallo la baro ee ah xigmadda dadka, laakiin waxa Ruuxu baro, annaga oo waxyaalaha ruuxa ah ku simayna waxyaalaha ruuxa ah. 14 Ninka nafta raacaa ma aqbalo waxyaalaha Ruuxa Ilaah, waayo, nacasnimo bay u yihiin, mana garan karo, maxaa yeelay, ruuxa ayaa lagu imtixaamaa. 15 Kii ruuxa raacaa wax walbuu imtixaamaa, laakiinse isaga qudhiisa ninna ma imtixaamo. 16 Waayo, yaa gartay maanka Rabbiga inuu wax baro isaga? Laakiin annagu waxaannu leennahay maanka Ciise.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya