Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Complementary)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with thematically matched Old and New Testament readings.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Ishacyaah 60:1-6

Ammaanta Siyoon

60 Sare joogso, oo dhalaal, waayo, iftiinkaagii waa yimid, oo ammaantii Rabbiguna way soo baxday oo ku iftiimisay. Waayo, bal ogow, dhulka gudcur baa dabooli doona, oo dadyowgana mugdi dam ah ayaa qarin doona, laakiinse Rabbigaa soo bixi doona oo ku iftiimin doona, oo ammaantiisana korkaagaa lagu arki doonaa. Oo quruumo baa iftiinkaaga u iman doona, oo boqorrona waxay u iman doonaan dhalaalka sarakiciddaada. Bal indhahaaga kor u qaad oo hareerahaaga fiiri. Intay isa soo wada urursadaan ayay kuu yimaadaan. Wiilashaadii meel fog bay ka iman doonaan, oo gabdhahaagana gacmahaa lagu soo qaadi doonaa. Markaasaad arki doontaa oo nuuri doontaa, oo qalbigaaguna farxad buu la gariiri doonaa, wuuna rayrayn doonaa, waayo, badda maalkeeda badan adigaa laguu soo leexin doonaa, oo hodantinimada quruumahuna adigay kuu iman doontaa. Waxaa kuu badan doona awr iyo qaalmihii reer Midyaan iyo reer Ceefah, kulligood waxay ka iman doonaan Shebaa, oo waxay keeni doonaan dahab iyo foox. Rabbiga ammaantiisana waa la naadin doonaa.

Sabuurradii 72:1-7

Kanu waa sabuur uu Sulaymaan tiriyey.

72 Ilaahow, boqorka xukummadaada sii,
Oo wiilka boqorkana xaqnimadaada sii.
Isagu dadkaaga wuxuu ku xukumi doonaa xaqnimo,
Oo masaakiintaadana caddaalad.
Buuruhu waxay dadka u keeni doonaan nabad,
Kuruhuna waxay nabad ugu keeni doonaan xaqnimada.
Isagu wuxuu u garsoori doonaa dadka masaakiintiisa,
Oo wuxuu badbaadin doonaa ka baahan carruurtiisa,
Oo kan wax dulmana cadcad buu u kala jejebin doonaa.
Way kaa cabsan doonaan inta qorraxdu jirto,
Iyo inta dayaxu jiro tan iyo ka ab ka ab.
Isagu wuxuu u soo degi doonaa sida roob caws la jaray ku dul hoora,
Iyo sida tiixyo dhulka biyeeya.
Wakhtigiisa ayaa kan xaqa ahu barwaaqoobi doonaa,
Oo nabadduna way badan doontaa tan iyo inta dayaxu aanu mar dambe jiri doonin.

Sabuurradii 72:10-14

10 Boqorrada Tarshiish iyo kuwa gasiiraduhuba waxay isaga u keeni doonaan gabbaro,
Boqorrada Shebaa iyo kuwa Sebaana waxay isaga siin doonaan hadiyado.
11 Haah, oo boqorrada oo dhammu hortiisay ku wada sujuudi doonaan,
Oo quruumaha oo dhammuna isagay u adeegi doonaan.
12 Waayo, isagu wuxuu samatabbixin doonaa kan baahan markuu qayliyo,
Iyo miskiinka aan mid caawiya lahayn.
13 Wuxuu u nixi doonaa miskiinka iyo kan baahan,
Oo kuwa baahan naftoodana wuu badbaadin doonaa.
14 Naftooduu ka furan doonaa khiyaano iyo dulmi,
Oo dhiiggooduna hortiisuu qaali ku ahaan doonaa,

Efesos 3:1-12

Bawlos Waxaa Loo Diray Inuu Muujiyo Qarsoodiga Ilaah

Sababtaas daraaddeed anigoo Bawlos ah waxaan Ciise Masiix maxbuus ugu ahay idinka oo ah dad aan Yuhuud ahayn aawadiin. Hubaal waxaad maqasheen wakiilnimada nimcada Ilaah oo la iigu kiin dhiibay, iyo sida qarsoodigii laygu ogeysiiyey wixii la ii muujiyey, sidii aan mar hore dhawr eray idiinku soo qoray. Markaad akhridaan waxaad ogaan karaysaan garashadayda xagga qarsoodiga Masiixa, kaas oo aan qarniyadii kale loogu ogeysiin bini aadmiga sida haatan Ruuxu ugu muujiyey rasuulladiisa iyo nebiyadiisa quduuska ah. Taas waxaa weeyaan in haatan dadka aan Yuhuudda ahayn ay yihiin kuwo wax inala dhaxla, oo aan isku jidh nahay, oo ay inagula qayb qaataan ballankii Ciise Masiix xagga injiilka, kaas oo aniga layga dhigay midiidin sida ay tahay hadiyadda nimcada Ilaah oo lay siiyey sida ay tahay shaqaynta xooggiisu. Aniga oo quduusiinta oo dhan ugu liita waxaa nimcadan la ii siiyey inaan dadka aan Yuhuudda ahayn ku wacdiyo hodantinimada Masiixa oo aan la baadhi karin, iyo inaan dadka oo dhan garansiiyo waxay tahay talogelidda qarsoodigii weligiis ku qarsoonaa Ilaaha ah kan wax walba abuuray. 10 Sababtuna waxaa weeyaan in haatan madaxda iyo kuwa amarka leh oo ku jira meelaha jannada, kiniisadda lagu ogeysiiyo xigmadda Ilaah oo badan oo kala cayncaynka ah, 11 sida uu yahay qasdiga weligiis ah oo isagu ku qasdiyey Rabbigeenna Ciise Masiix, 12 kaas oo aynu ku leennahay dhiirranaan, oo aynu iskuhallayn ugu geli karno xagga rumaysadka aynu isaga rumaysan nahay.

Matayos 2:1-12

Imaatinkii Nimankii Xigmadda Lahaa

Goortii Ciise ku dhashay Beytlaxamtii Yahuudiya, waagii Herodos boqorkii ahaa, waxaa Yeruusaalem bari kaga yimid niman xigmad leh iyagoo leh, Xaggee buu joogaa boqorka Yuhuudda ee dhashay? Waayo, bari ayaannu xiddigtiisii ka aragnay, oo waxaannu u nimid inaannu caabudno. Goortuu boqor Herodos waxan maqlay, ayuu welwelay, isaga iyo reer Yeruusaalem oo dhan. Oo intuu isu ururiyey wadaaddadii sare iyo culimmadii dadka oo dhan, ayuu weyddiiyey meeshii Masiixu ku dhalan lahaa. Oo waxay ku yidhaahdeen, Beytlaxamtii Yahuudiya, waayo, sidaasaa nebigii u qoray,

Adigu Beytlaxam, oo dhulka Yahuudah ahay,
Kuma aad yaridba caaqillada Yahuudah dhexdooda,
Waayo, waxaa adiga kaa soo bixi doona taliye,
Kan dadkayga Israa'iil u talin doona.

Markaasuu Herodos nimankii xigmadda lahaa hoos ahaan ugu yeedhay, oo ka hubsaday goortay xiddigtu u muuqatay. Kolkaasuu Beytlaxam cid u diray oo ku yidhi, Taga oo ilmaha aad u doondoona, oo goortaad heshaan i soo ogeysiiya si aan anna ugu tago oo u caabudo. Goortay boqorkii maqleen ayay tageen, oo xiddigtii ay bari ka arkeen ayaa hor kacday ilaa ay timid oo ay kor joogsatay meeshii ilmuhu joogay, 10 oo goortay xiddigtii arkeen ayay farxad aad u weyn ku farxeen. 11 Markaasay gurigii galeen oo waxay arkeen ilmihii iyo Maryan hooyadiis, wayna dhaceen oo caabudeen isaga, oo intay khasnadahoodii fureen waxay isaga u dhiibeen hadiyado dahab iyo beeyo iyo malmal ah. 12 Markaasaa riyo loogu digay inaanay Herodos ku noqon, oo dhulkoodii ayay jid kale u mareen.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya