Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Complementary)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with thematically matched Old and New Testament readings.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 147:12-20

12 Yeruusaalemay, Rabbiga ammaan,
Siyoonay, Ilaahaaga ammaan.
13 Waayo, wuxuu xoogeeyey qataarrada irdahaaga,
Carruurtaadana wuu kugu dhex barakeeyey.
14 Soohdimahaaga nabad buu ka dhigaa,
Oo wuxuu kaa dhergiyaa sarreenka ugu wanaagsan.
15 Amarkiisa wuxuu u soo diraa dhulka,
Eraygiisuna aad buu u dheereeyaa.
16 Baraf cad wuxuu u soo daadshaa sida dhogor oo kale,
Sayax barafoobayna wuxuu u kala firdhiyaa sida dambas oo kale.
17 Barafkiisa wuxuu u soo ridaa sida jajab oo kale,
Bal yaa qabowgiisa hor istaagi kara?
18 Wuxuu soo diraa eraygiisa, oo wuu dhalaaliyaa iyaga,
Dabayshiisana wuxuu ka dhigaa inay dhacdo, biyuhuna way qulqulaan.
19 Eraygiisa wuxuu tusaa reer Yacquub,
Qaynuunnadiisa iyo xukummadiisana reer binu Israa'iil.
20 Quruunna sidaas oo kale uma uu samayn.
Xukummadiisiina ma ay garanaynin,
Rabbiga ammaana.

Taariikhdii Labaad 1:7-13

Oo habeenkaas ayaa Ilaah Sulaymaan u muuqday oo ku yidhi, I bari waxaad doonaysid aan ku siiyee. Markaasaa Sulaymaan Ilaah ku yidhi, Aabbahay Daa'uud si weyn baad ugu naxariisatay, anigana boqor baad igaga dhigtay meeshiisii. Haddaba Rabbiyow Ilaahow, ballankaagii aad aabbahay Daa'uud u ballanqaadday ha dhismo, waayo, waxaad boqor iiga dhigtay dad tiradiisu tahay sida ciidda dhulka. 10 Haddaba waxaad i siisaa xigmad iyo aqoon si aan dadkan hortooda ugu baxo oo ugu soo galo, waayo, dadkaagan tirada badan bal yaa xukumi kara? 11 Markaasaa Ilaah wuxuu Sulaymaan ku yidhi, Waxyaalaha qalbigaaga ku jiray aawadood oo ah adigoo aan i weyddiisan maal, iyo hodan, amase sharaf, amase kuwa adiga ku neceb noloshooda, ama aadan i weyddiisan cimri dheer, laakiinse aad i weyddiisatay xigmad iyo aqoon aad ku xukuntid dadkayga aan boqorka kaaga dhigay, 12 ayaa xigmad iyo aqoonba lagu siiyey, oo anna waxaan ku siinayaa maal, iyo hodan, iyo sharaf ayan lahaan jirin boqorradii kaa horreeyey oo dhammu, oo ayan kuwa kaa dambeeya oo dhammuna taasoo kale lahaan doonin. 13 Markaasaa Sulaymaan ka soo noqday meeshii sare oo Gibecoon ku tiil iyo teendhadii shirka, oo yimid Yeruusaalem, reer binu Israa'iil buuna boqor u noqday.

Markos 13:32-37

32 Laakiin maalintaas iyo saacaddaas ninna waxba kama oga, malaa'igaha jannada ku jira iyo Wiilka toona, midna ma oga, Aabbaha keliya maahee. 33 Iska jira oo soo jeeda, waayo, ma ogidin wakhtigu goortuu yahay. 34 Waa sidii nin dal kale tegey oo gurigiisii kaga tegey. Addoommadiisa ayuu amar siiyey, nin walbana shuqulkiisa; wuxuuna amray albaabjoogahu inuu soo jeedo. 35 Soo jeeda haddaba, waayo, idinku ma ogidin sayidkii guriga lahaa goortuu imanayo, inay tahay makhrib, ama habeenbadhkii, ama goortii diiqu ciyo, ama aroortiiba, 36 waayo, waaba intaasuu idinku soo kediyaa oo uu idin helaa idinkoo hurda. 37 Waxaan idinku leeyahay ayaan dadkii oo dhan ku leeyahay, Soo jeeda.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya