Revised Common Lectionary (Complementary)
46 Maryanna waxay tidhi,
Naftaydu Rabbigay weynaynaysaa,
47 Ruuxayguna wuxuu ku reyreeyey Ilaaha Badbaadiyahayga ah.
48 Waayo, wuxuu eegay hoosaysnimada addoontiisa,
Bal eeg, tan iyo hadhow qarniyada oo dhammu waxay iigu yeedhi doonaan tan barakaysan.
49 Waayo, kan xoogga leh ayaa waxyaalo waaweyn ii sameeyey;
Magiciisuna waa Quduus,
50 Tan iyo ab ka ab naxariistiisu waxay gaadhaa
Kuwa isaga ka cabsada.
51 Wuxuu xoog ku sameeyey gacantiisa,
Oo kuwii fikirradii qalbigoodii ku kibray ayuu kala firdhiyey.
52 Kuwii xoogga lahaa ayuu carshiyadoodii ka soo dejiyey
Oo kuwii hooseeyey ayuu sarraysiiyey.
53 Kuwii gaajaysnaa ayuu wax wanaagsan ka dhergiyey,
Kuwii hodanka ahaana iyagoo madhan ayuu diray.
54 Midiidinkiisii Israa'iil ayuu caawiyey
Inuu xusuusto inuu u naxariisto
55 Ibraahim iyo farcankiisii weligoodba
(Siduu awowayaasheennii ula hadlay).
6 Bal maxaan Rabbiga hortiisa la imaadaa? Oo sidee baan Ilaaha sare ugu hor sujuudaa? Ma qurbaanno la gubo baan Rabbiga hortiisa la imaadaa? Ma weylo gu jira baan la imaadaa? 7 Rabbigu ma ku farxaa kumanyaal wanan, amase toban kun oo webi oo saliid ah? Xadgudubkayga aawadiis miyaan curadkayga u bixiyaa? Dembigii naftaydase ma midhaha jidhkaygaan u bixiyaa? 8 Nin yahow, Rabbigu wuxuu ku tusay waxa wanaagsan. Oo bal maxaa Rabbigu kaa doonayaa, inaad caddaaladda samaysid, oo aad naxariista jeclaatid, oo aad si hoosaysa Ilaahaaga ula socotid mooyaane?
5 Saas daraaddeed kolkuu Masiixu dunida soo galay wuxuu lahaa,
Allabaryo iyo qurbaan ma aad doonaynin,
Laakiin jidh baad ii diyaarisay.
6 Waxyaalo la bixiyo oo la gubo oo dhan iyo dembi allabaryadiis kuma aad faraxsanayn.
7 Markaasaan idhi, Bal eeg, waxaan u imid
Inaan sameeyo doonistaada, Ilaahow.
Kitaabka duudduuban wax igu saabsan baa ku qoran.
8 Siduu horay u yidhi, Allabaryo iyo qurbaan iyo waxyaalo la bixiyo oo la gubo iyo dembi allabaryadiis ma aad doonayn, kumana aad faraxsanayn, kuwaas oo loo bixiyo sida sharcigu leeyahay. 9 Markaasuu yidhi, Bal eeg, waxaan u imid inaan sameeyo doonistaada. Wuxuu rujiyey kii kowaad si uu ka labaad u taago. 10 Sida doonistaasu tahay, waxaa quduus laynagaga dhigay bixinta jidhka Ciise Masiix oo mar keliya la bixiyey.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya