Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Complementary)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with thematically matched Old and New Testament readings.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 113

113 Rabbiga ammaana.
Rabbiga addoommadiisow, ammaana.
Rabbiga magiciisa ammaana.
Hadda intii ka bilaabata iyo tan iyo weligeedba
Rabbiga magiciisu mahad ha lahaado.
Qorraxdu markay soo baxdo iyo markay dhacdo inta ka dhex leh
Magaca Rabbiga waa in la ammaano.
Rabbigu quruumaha oo dhan wuu ka wada sarreeyaa,
Ammaantiisuna samooyinka way ka sii sarraysaa.
Bal yaa la mid ah Rabbiga Ilaaheenna ah,
Oo kursigiisa ku leh xagga sare,
Oo hoos u eega
Waxyaalaha samada ku jira iyo waxyaalaha dhulka yaalba?
Wuxuu miskiinka kor uga qaadaa ciidda,
Oo kan baahanna wuxuu sara uga qaadaa meesha digada,
Inuu isaga la fadhiisiyo amiirro,
Kuwaas oo ah amiirrada dadkiisa.
Oo naagtii madhalays ahna wuxuu ka dhigaa inay reer hayso,
Iyo inay ahaato hooyo faraxsan oo carruur leh.
Rabbiga ammaana.

Bilowgii 25:19-28

Yacquub Iyo Ceesaw

19 Kuwanuna waa farcankii Isxaaq ina Ibraahim. Ibraahim Isxaaq buu dhalay: 20 Isxaaqna afartan sannadood buu jiray markuu guursaday Rebeqah ina Betuu'el kii dalkiisu ahaa Suuriya ee reer Fadan Araam, iyadoo ahayd Laabaan kii dalkiisu Suuriya ahaa walaashiis. 21 Isxaaqna naagtiisuu Rabbiga u baryay, maxaa yeelay, madhalays bay ahayd, Rabbiguna waa ka aqbalay, markaasay naagtiisii Rebeqah uuraysatay. 22 Carruurtiina uurkeeday isku dhex riixriixeen; markaasay tidhi, Hadday saas tahay, maxaan sidan u ahay? Kolkaasay u tagtay inay Rabbiga wax weyddiiso. 23 Rabbiguna wuxuu ku yidhi iyada,

Laba quruumood baa maxalkaaga ku jirta,
Oo laba dad oo kala duwan ayaa uurkaaga ka soo bixi doona;
Oo labada dad midkood baa ka xoog badnaan doona dadka kale;
Kan weynuna wuxuu u adeegi doonaa kan ka yar.

24 Oo markii wakhtigii ay umuli lahayd dhammaaday, bal eeg, waxaa maxalkeedii ku jiray mataano. 25 Oo kii hore wuu soo baxay isagoo cas, korkiisa oo dhammuna wuxuu u ekaa dhar dhogor laga sameeyey, magiciisiina waxay u baxsheen Ceesaw. 26 Dabadeedna waxaa soo baxay walaalkiis, gacantiisuna waxay ku dhegganayd cedhibta Ceesaw; magiciisiina waxaa loo bixiyey Yacquub; Isxaaqna lixdan sannadood buu jiray markay iyaga dhashay. 27 Wiilashiina way koreen: oo Ceesaw wuxuu ahaa nin ugaadhsiga aad u yaqaan, wuxuuna ahaa nin duurgal ah; Yacquubna wuxuu ahaa nin aamusan oo teendhooyin degi jiray. 28 Isxaaqna wuu jeclaa Ceesaw, maxaa yeelay, wuxuu cuni jiray hilibkiisii ugaadha; Rebeqahna waxay jeclayd Yacquub.

Kolosay 1:15-20

15 Isagu waa suuraddii Ilaaha aan la arki karin, oo ah curadka uunka oo dhan; 16 waayo, wax kastaba isagaa uumay, waxyaalaha samooyinka ku jira, iyo waxyaalaha dhulka joogaba, waxyaalaha la arki karo iyo waxyaalaha aan la arki karinba, hadday yihiin carshiyo ama sayidnimo ama madax ama amarro; wax walba isagaa uumay oo loo uumay. 17 Isagu wax kastaba wuu ka horreeyaa, oo wax kastaaba isagay isku haystaan. 18 Oo isagu waa madaxa jidhka, kaas oo ah kiniisadda, oo isagu waa bilowgii iyo curadka kuwii dhintay ka kacay, si uu uga horreeyo wax kastaba. 19 Waayo, waxaa Aabbaha ka farxisay in buuxnaanta oo dhammu ay isaga ku jirto, 20 iyo inuu isaga wax kastaba xaggiisa kula heshiiyo, isagoo kula nabday dhiiga iskutallaabtiisa; hadday yihiin waxyaalaha dhulka jooga ama hadday yihiin waxyaalaha samooyinka ku jiraba.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya