Revised Common Lectionary (Complementary)
14 Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaa iman doona wakhti aan wada oofin doona wixii wanaagsanaa ee aan dadka Israa'iil iyo dadka Yahuudahba kaga hadlay. 15 Wakhtigaas iyo waagaasba waxaan Daa'uud u soo bixin doonaa biqil xaq ah, oo isna wuxuu dalka ku dhex samayn doonaa caddaalad iyo xaqnimo. 16 Wakhtigaas dadka Yahuudah waa la badbaadin doonaa, oo Yeruusaalemna ammaan bay ku degganaan doontaa, oo kanuna waa magaca iyada lagu magacaabi doono, Rabbigu waa xaqnimadayadii.
Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey.
25 Rabbiyow, naftayda xaggaagaan kor ugu qaadaa.
2 Ilaahayow, adigaan isku kaa halleeyey,
Haddaba yaanan ceeboobin,
Oo yaan cadaawayaashaydu ii faanin.
3 Kuwa adiga ku suga midkoodna ceeboobi maayo,
Laakiinse waxaa ceeboobi doona kuwa khiyaanada ku macaamilooda sababla'aan.
4 Rabbiyow, jidadkaaga i tus,
Oo waddooyinkaagana i bar.
5 Runtaada igu hoggaami, oo i bar,
Waayo, waxaad tahay Ilaaha badbaadadayda,
Oo maalinta oo dhan adaan ku sugaa.
6 Rabbiyow, xusuuso naxariistaada iyo raxmaddaada,
Waayo, weligoodba way jireen.
7 Ha xusuusan dembiyadii dhallinyaranimadayda iyo xadgudubyadaydii,
Laakiinse ii xusuuso sida raxmaddaadu tahay,
Iyo wanaaggaaga aawadiis, Rabbiyow.
8 Rabbigu waa wanaagsan yahay, waana qumman yahay,
Sidaas daraaddeed wuxuu dembilayaasha ku hanuunin doonaa jidka.
9 Kuwa camalka qabow wuxuu ku hanuunin doonaa xaqa,
Oo kuwa camalka qabow wuxuu bari doonaa jidkiisa.
10 Rabbiga waddooyinkiisa oo dhammu waxay raxmad iyo run u yihiin
Kuwa axdigiisa iyo markhaatifurkiisa xajiya.
9 Waayo, mahad intee le'eg baannu Ilaah ugu naqi karnaa idinka aawadiin iyo farxaddii oo dhan oo aannu ku faraxnay Ilaahayaga hortiisa idinka aawadiin? 10 Habeen iyo maalinba aad iyo aad baannu Ilaah u baryaynaa inaannu wejigiinna aragno oo aannu dhammaystirno waxa ka dhiman rumaysadkiinna.
11 Haddaba Ilaaha ah Aabbeheenna iyo Rabbigeenna Ciise qudhiisu jidkayaga xaggiinna ha ku soo toosiyeen. 12 Rabbigu ha idiin kordhiyo oo ha idiin badiyo jacaylka midkiinba midka kale u qabo iyo dadka kale oo dhanba, sida aan annaguba idiin jecel nahay, 13 inuu xoogeeyo qalbiyadiinna iyagoo aan ceeb lahayn oo quduusnimo ku jira Ilaaheenna oo ah Aabbeheenna hortiisa, goortii Rabbigeenna Ciise la yimaado quduusiintiisa oo dhan.
Wakhtiga Dhammaadkiisa(A)
25 Calaamooyin ayaa laga arki doonaa qorraxda, iyo dayaxa, iyo xiddigaha; dhulkana waxaa ku jiri doona dhib quruumahu ka welwelaan guuxa badda iyo hirarka aawadood. 26 Dadkuna waxay la suuxi doonaan baqdin iyo filasho waxa dunida iman doona, waayo, xoogagga cirka ayaa la gariirin doonaa. 27 Markaasay arki doonaan Wiilka Aadanaha oo daruur ku imanaya, isagoo leh xoog iyo ammaan weyn. 28 Laakiin goortii ay waxaasu bilaabaan inay dhacaan, kor eega, madaxyadiinnana kor u qaada, waayo, madaxfurashadiinnu waa dhow dahay.
Soo Jeedid Baa Loo Baahan Yahay(B)
29 Markaasuu masaal kula hadlay, Bal eega berdaha iyo dhirta oo dhan; 30 goortay caleemo bixiyaan waad arkaysaan oo garanaysaan inuu roobku haddaba dhow yahay. 31 Sidaas oo kale idinkuna goortaad aragtaan waxaas oo dhacaya, garta in boqortooyadii Ilaah dhow dahay. 32 Runtii waxaan idinku leeyahay, Qarniganu ma idlaan doono intaanay wax walba dhicin. 33 Cirka iyo dhulku waa idlaan doonaan, laakiinse ereyadaydu ma idlaan doonaan.
34 Laakiin iska jira, yaan qalbiyadiinnu la cuslaan dhereg badan iyo sakhraannimo iyo ka welwelidda ifkan, oo yaan maalintaasu idiin soo kedin sida dabin oo kale. 35 Waayo, sidaas oo kale ayaa ku dhacaysa kulli kuwa dunida oo dhan jooga. 36 Laakiin wakhti walbaba soo jeeda, idinkoo Ilaah baryaya inaad xoog yeelataan si aad uga baxsataan waxaas dhici doonaa oo dhan, oo aad Wiilka Aadanaha isu hor taagtaan.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya