Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Complementary)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with thematically matched Old and New Testament readings.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 93

93 Rabbigaa taliya, oo wuxuu huwan yahay haybad,
Rabbigu waa huwan yahay, oo wuxuu dhexda ku xidhay xoog,
Duniduna waxay u dhisan tahay si aan la dhaqaajin karin.
Carshigaagu wuxuu dhismay waa hore,
Oo adiguna waxaad jirtay tan iyo weligaa.
Rabbiyow, webiyadii kor bay u kaceen,
Webiyadii codkooday kor u qaadeen,
Oo webiyadii waxay kor u qaadeen hirarkoodii.
Biyaha badan codkooda,
Iyo mawjadaha badda oo waaweynba
Waxaa ka sii xoog badan Rabbiga sare.
Rabbiyow, markhaatifurkaagu waa hubaal,
Oo weligaaba waxaa gurigaaga ku habboon quduusnimo.

Yexesqeel 28:1-10

Wax Sii Sheegid Ka Gees Ah Boqorkii Turos

28 Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh, Wiilka Aadamow, amiirka Turos waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Qalbigaagu kor buu isu qaaday, oo waxaad tidhi, Anigu Ilaah baan ahay, oo badaha dhexdooda ayaan kursigii Ilaah ku dul fadhiyaa, laakiinse waxaad tahay binu-aadmi oo Ilaah ma tihid in kastoo aad qalbigaagii qalbigii Ilaah oo kale ka dhigtay. Bal eeg, adigu xataa Daanyeel waad ka sii xigmad badan tahay, oo wax qarsoodi ah oo lagaa qarin karaana innaba ma jiraan. Xigmaddaada iyo waxgarashadaada ayaad maalka ku heshay, oo khasnadahaagana waxaad ku buuxsatay dahab iyo lacag. Xigmaddaada badan iyo baayacmushtarkaaga ayaad maalkaaga ku sii korodhsatay, oo qalbigaaguna maalkaaga aawadiis ayuu kor isula qaaday. Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Qalbigaagii sidii qalbigii Ilaah oo kale ayaad ka dhigtay, sidaas daraaddeed bal ogow waxaan kugu soo kicin doonaa shisheeyayaal oo ah kuwa cabsida leh ee quruumaha, oo iyaguna waxay seeftooda ula soo bixi doonaan inay quruxda xigmaddaada ku kharribaan, oo dhalaalkaagana way nijaasayn doonaan. Yamayskay kugu ridi doonaan, oo waxaad u dhiman doontaa sida dhimashadii kuwii badaha dhexdooda lagu laayay oo kale. Kan ku dilaya weli ma hortiisaad ka odhan doontaa, Anigu Ilaah baan ahay, in kastoo aad binu-aadmi tahay, Ilaahse ma tihid, adoo gacanta kan ku dilaya ku jira? 10 Waxaad shisheeyayaal gacantooda ugu dhiman doontaa sida dhimashadii buuryaqabka, waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Aniga ayaa saas ku hadlay.

Falimaha Rasuullada 7:54-8:1

Dhimashadii Istefanos

54 Haddaba markay waxyaalahaas maqleen way ka xanaaqeen oo u ilka jirriqsadeen isaga. 55 Laakiin isagoo Ruuxa Quduuska ahu ka buuxo ayuu samada aad u fiiriyey, oo wuxuu arkay ammaanta Ilaah iyo Ciise oo midigta Ilaah taagan, 56 oo wuxuu yidhi, Bal eega, waxaan arkayaa samooyinkii oo la furay iyo Wiilkii Aadanaha oo midigta Ilaah taagan. 57 Laakiin markaasay cod weyn ku qayliyeen oo dhegaha furaysteen, oo iyagoo isku wada qalbi ah ku yaaceen isagii. 58 Markaasay intay magaalada ka soo saareen dhagxiyeen; kuwii maragga ahaana dharkoodii waxay ag dhigteen nin dhallinyaro ah oo la odhan jiray Sawlos. 59 Markaasay dhagxiyeen Istefanos oo Rabbiga baryaya oo ku leh, Rabbi Ciisow, ruuxayga qaado. 60 Markaasuu jilba joogsaday oo cod weyn ku qayliyey oo ku yidhi, Rabbiyow, dembigan dushooda ha ka dhigin. Oo markuu sidaas yidhi, ayuu dhintay.

Masiixiyiintii Ayaa La Silciyey Oo La Kala Firdhiyey

Sawlosna raalli buu ka ahaa diliddiisa.

Oo maalintaas kiniisaddii Yeruusaalem ku tiil aad baa loo silciyey; oo dhammaantoodna rasuulladii mooyaane waxay ku kala firdheen dalalka Yahuudiya iyo Samaariya.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya