Revised Common Lectionary (Complementary)
Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha.
13 Rabbiyow, ilaa goormaad i illoobaysaa? Ma weligaa baa?
Oo ilaa goormaad wejigaaga iga qarinaysaa?
2 Ilaa goormaan naftayda la tashanayaa,
Anigoo maalinta oo dhan calool xun?
Ilaa goormuu cadowgaygu iga sarraynayaa?
3 Rabbiyow Ilaahayow, waxaas u fiirso, oo ii jawaab,
Indhahayga iftiimi, yaanan hurdadii geerida seexanine,
4 Waaba intaasoo cadowgaygu yidhaahdaa, Anigu isagaan ka adkaaday,
Oo ay cadaawayaashaydu farxaan markii lay dhaqaajiyo.
5 Laakiinse anigu waxaan isku halleeyey naxariistaada,
Oo qalbigayguna wuxuu ku rayrayn doonaa badbaadintaada.
6 Rabbigaan u gabyi doonaa,
Maxaa yeelay, wax badan oo wanaagsan buu ii sameeyey.
Fasiriddii Riyada
15 Oo markaan anigoo Daanyeel ah arkay riyadii ayaan doondoonay inaan garto, oo bal eeg, waxaa i soo hor istaagay wax nin u eg. 16 Oo nin codkiis ayaan ka dhex maqlay Webi Uulay wuuna dhawaaqay, oo yidhi, Jibriilow, ninkan riyada garansii. 17 Sidaas daraaddeed ayuu u soo dhowaaday meeshii aan taagnaa, oo markuu yimid waan baqay, wejigaanna u dhacay, laakiinse wuxuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, garo, waayo, riyada waxaa leh wakhtiga ugudambaysta. 18 Oo intuu ila hadlayay ayaan hurdo aad u weyn la dhacay anigoo wejiga dhulka ku hayo, laakiinse isagii baa i taabtay oo i sara joojiyey. 19 Oo wuxuu igu yidhi, Bal eeg, waxaan ku ogeysiinayaa waxa ahaan doona wakhtiga ugu dambaysta ee cadhada, waayo, waxaa leh wakhtiga la ballamay ee ugu dambaysta ah. 20 Wankii aad aragtay oo labada gees lahaa waa labada boqor ee dalka Maaday iyo dalka Faaris. 21 Orgigiina waa boqorka dalka Gariigta, oo geeskii weynaa oo labadiisa indhood dhexdooda ku yiilna waa boqorka kowaad. 22 Oo midkii ka jabay meeshii afartu soo istaagtay, quruuntaas waxaa ka soo bixi doonta afar boqortooyo, laakiinse xooggiisa ma yeelan doonaan. 23 Marka ugu dambaysta boqortooyadooda, ee uu dembilayaasha wakhtigoodu buuxsamo waxaa kici doona boqor wejigiisa laga cabsado, oo garanaya waxyaalaha daahan. 24 Oo xooggiisuna wuu weynaan doonaa, laakiinse ma aha xagga isaga xooggiisa, oo aad buu si yaab leh wax u baabbi'in doonaa, wuuna ku barwaaqoobi doonaa wuxuu sameeyo, oo wuxuu baabbi'in doonaa kuwa xoogga badan iyo dadka quduuska ah. 25 Oo siyaasaddiisa ayuu khiyaanada gacantiisa kaga guulaysan doonaa; markaasuu xagga qalbiga iska weynayn doonaa, oo kuwo badan oo nabadgelyaysan ayuu baabbi'in doonaa. Wuxuu kaloo is-hor taagi doonaa Amiirka amiirrada; laakiinse waa la jejebin doonaa isagoo aan gacan la saarin. 26 Oo riyadii fiidadka iyo subaxyada ee laguu sheegay waa run, laakiinse adigu riyada xidh, waayo, waxaa iska leh maalmo badan oo iman doona. 27 Markaasaan anigoo Daanyeel ahu suuxay, dhawr maalmoodna waan bukay, dabadeedna waan kacay, oo shuqulkii boqorka qabtay: oo riyadii waan la yaabay, laakiinse ciduna ma garan.
Waano
32 Laakiin xusuusta maalmihii hore, kolkii laydin iftiimiyey dabadeed, oo aad u adkaysateen dagaal weyn oo xanuunno badan leh. 33 Mar waxaa laydinku bandhigay cay iyo dhibaatooyin, marna waxaad wax la wadaagteen kuwa sidaas oo kale loo galay. 34 Waayo, waad u naxariisateen kuwii xidhnaa, farxad baadna ku aqbasheen dhicitinka maalkiinna la dhacay, idinkoo og inaad idinka qudhiinnu maal ka wanaagsan oo raagaya haysataan. 35 Sidaas daraaddeed ha iska tuurina dhiirranaantiinna abaalgudka weyn leh. 36 Waayo, waxaad dulqaadasho ugu baahan tihiin si aad u qaadataan wixii laydiin ballanqaaday markaad doonista Ilaah samaysaan dabadeed.
37 Wakhti yar dabadeed
Kii iman lahaa wuu iman doonaa, mana raagi doono.
38 Laakiin kayga xaqa ahu rumaysad buu ku noolaan doonaa;
Oo hadduu dib u noqdo, naftaydu kuma farxi doonto isaga. 39 Innagu ma ihin kuwa halaagga dib ugu noqda, laakiin waxaynu nahay kuwa rumaysad leh si naftu u badbaaddo.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya