Revised Common Lectionary (Complementary)
Wakhtiga Ugu Dambeeya
12 Oo wakhtigaas waxaa kici doona Mikaa'iil oo ah amiirka weyn oo dadkaaga u kici doona, oo waxaa jiri doona wakhti dhib badan, oo aan isagoo kale weli la arag intii quruunu jirtay ilaa waagaas, oo wakhtigaas dadkaaga waa la samatabbixin doonaa, mid kasta oo laga helo isagoo ku qoran kitaabka. 2 Oo qaar badan oo ku hurda ciidda dhulka ayaa soo toosi doona, qaarkood waxay u soo toosi doonaan nolol weligeed ah, qaarkoodna waxay u soo toosi doonaan ceeb iyo quudhsasho weligeed ah. 3 Oo kuwa xigmadda lahu waxay u dhalaali doonaan sida nuurka samada; kuwii kuwo badan xaqnimada u soo jeediyaana sida xiddigaha weligood iyo weligood.
Kanu waa gabay Mikhtaam ah oo Daa'uud tiriyey.
16 Ilaahow, i dhawr, waayo, adigaan isku kaa halleeyaa.
2 Waxaan Rabbiga ku idhi, Sayidkayga baad tahay,
Oo innaba wanaag ma haysto la'aantaa.
3 Quduusiinta dhulka joogtaa
Waxaa weeye kuwa sharafta leh oo aan aad iyo aad ula faraxsanahay.
4 Kuwa ilaaha kale u dheereeya murugtoodu waa badnaan doontaa,
Laakiinse anigu bixin maayo qurbaankooda cabniinka oo dhiigga ah,
Oo magacyadoodana bushimahayga ku soo qaadi maayo.
5 Rabbigu waxaa weeye qaybtii dhaxalkayga iyo koobkayga,
Adigu qaybtayda waad xannaanaysaa.
6 Dhulqaybsigii meelo wacan baan ku helay,
Haah, oo waxaan leeyahay dhaxal wanaagsan.
7 Anigu waxaan ammaanayaa Rabbiga i waaniyey,
Habeenkiina uurkaygu wax buu i baraa.
8 Had iyo jeerba Rabbigaan hortayda ku xusuustaa,
Oo anigu innaba dhaqdhaqaaqi maayo,
Maxaa yeelay, isagu wuxuu joogaa midigtayda.
9 Taas aawadeed qalbigaygu waa faraxsan yahay oo naftayduna way rayraysaa,
Oo weliba jidhkayguna ammaan buu ku jiri doonaa.
10 Maxaa yeelay, naftayda She'ool kuma dayn doontid,
Kaaga quduuska ahna uma dayn doontid inuu qudhun arko.
11 Waxaad i tusi doontaa jidka nolosha,
Hortaada farxad baa ka buuxda,
Gacantaada midigna nimco baa ku jirta weligeed.
11 Wadaad waluba maalin kastuu istaagaa isagoo adeegaya oo marar badan bixinaya allabaryo isku mid ah, kuwa aan marnaba dembiyo qaadi karin, 12 laakiin isagu kolkuu allabari keliya mar keliya dembiyo u bixiyey ayuu fadhiistay midigta Ilaah; 13 isagoo markaas dabadeed sugaya ilaa cadaawayaashiisa cagihiisa hoostooda la geliyo. 14 Maxaa yeelay, bixin keliya ayuu kaamil kaga dhigay weligood kuwa quduus laga dhigay.
15 Oo taas Ruuxa Quduuska ahuna markhaati ahaan buu noogu sheegaa, waayo, kolkuu yidhi,
16 Kanu waa axdiga aan la dhigan doono iyaga
Maalmahaas dabadood, ayaa Rabbigu leeyahay;
Qaynuunnadayda waxaan gelin doonaa qalbigooda,
Maankoodana waan ku qori doonaa;
markaasuu wuxuu ku daray;
17 Oo dembiyadooda iyo xadgudubyadoodana mar dambe ma xusuusan doono. 18 Markii waxyaalahan la cafiyo, wax dambe oo dembi loo bixiyaa ma jiro.
Dhiirrigelinta Iyo Digidda
19 Taas daraaddeed, walaalayaalow, waxaynu haysannaa dhiirranaan inaynu meesha quduuska ah ku galno dhiigga Ciise, 20 oo ah waddo cusub oo nool oo uu inooga banneeyey daaha, kaas oo ah jidhkiisa. 21 Oo waxaynu haysannaa wadaad weyn oo ka sarreeya guriga Ilaah. 22 Taas daraaddeed aynu ugu soo dhowaanno qalbi run ah iyo hubaal rumaysad, iyadoo qalbiyadeenna laga nadiifiyey niyo shar leh, jidhkeennana lagu maydhay biyo daahir ah. 23 Aynu aad u xajinno qirashada rajadeenna liicliicashola'aan, maxaa yeelay, kan inoo ballanqaaday waa aamin. 24 Oo midkeenba midka kale ha ka fikiro si aynu isugu guubaabinno kalgacayl iyo shuqullo wanaagsan. 25 Yeynan iska daynin isku ururkeenna sida ay tahay caadada dadka qaarkood, laakiin aan isdhiirrigelinno, khusuusan markaad aragtaan inay Maalintu soo dhowaanayso.
Ciise Wuxuu Sii Sheegay Dumidda Macbudka(A)
13 Goortuu macbudka ka baxay, xertiisa midkood ayaa ku yidhi, Eeg, Macallimow, dhagaxyada iyo dhismaha siday u weyn yihiin! 2 Ciise wuxuu ku yidhi, Guryahan waaweyn ma arkaysaa? Halkan lagu dul dayn maayo dhagax dhagax kale dushiisa oo aan la dumin doonin.
Belaayooyinka Imanaya(B)
3 Oo intuu Buur Saytuun fadhiistay, meel macbudka ku toosan, Butros iyo Yacquub iyo Yooxanaa iyo Andaros waxay keli ahaan u weyddiiyeen, oo ku yidhaahdeen, 4 Noo sheeg, Goormay waxyaalahanu ahaan doonaan? Calaamadu maxay ahaan doontaa, goortii waxyaalahan oo dhan dhammaan u dhowaan doonaan? 5 Ciise baa u jawaabay oo bilaabay inuu ku yidhaahdo, Iska eega yaan laydin khiyaanayn. 6 Qaar badan ayaa magacayga ku iman doona, oo waxay odhan doonaan, Anigu waxaan ahay isaga, oo qaar badan ayay khiyaanayn doonaan. 7 Goortaad dagaallo maqashaan iyo dagaallo hadalhayntood ha baqanina. Waxaasu waa inay dhacaan, laakiin dhammaadku weli weeye. 8 Waayo, quruunba quruun bay ku kici doontaa, boqortooyona boqortooyo, oo waxaa meelo kala duwan ka dhici doona dhulgariir iyo abaaro. Waxanu waa bilowga hoogagga.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya