Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Complementary)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with thematically matched Old and New Testament readings.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 16

Kanu waa gabay Mikhtaam ah oo Daa'uud tiriyey.

16 Ilaahow, i dhawr, waayo, adigaan isku kaa halleeyaa.
Waxaan Rabbiga ku idhi, Sayidkayga baad tahay,
Oo innaba wanaag ma haysto la'aantaa.
Quduusiinta dhulka joogtaa
Waxaa weeye kuwa sharafta leh oo aan aad iyo aad ula faraxsanahay.
Kuwa ilaaha kale u dheereeya murugtoodu waa badnaan doontaa,
Laakiinse anigu bixin maayo qurbaankooda cabniinka oo dhiigga ah,
Oo magacyadoodana bushimahayga ku soo qaadi maayo.
Rabbigu waxaa weeye qaybtii dhaxalkayga iyo koobkayga,
Adigu qaybtayda waad xannaanaysaa.
Dhulqaybsigii meelo wacan baan ku helay,
Haah, oo waxaan leeyahay dhaxal wanaagsan.
Anigu waxaan ammaanayaa Rabbiga i waaniyey,
Habeenkiina uurkaygu wax buu i baraa.
Had iyo jeerba Rabbigaan hortayda ku xusuustaa,
Oo anigu innaba dhaqdhaqaaqi maayo,
Maxaa yeelay, isagu wuxuu joogaa midigtayda.
Taas aawadeed qalbigaygu waa faraxsan yahay oo naftayduna way rayraysaa,
Oo weliba jidhkayguna ammaan buu ku jiri doonaa.
10 Maxaa yeelay, naftayda She'ool kuma dayn doontid,
Kaaga quduuska ahna uma dayn doontid inuu qudhun arko.
11 Waxaad i tusi doontaa jidka nolosha,
Hortaada farxad baa ka buuxda,
Gacantaada midigna nimco baa ku jirta weligeed.

Daanyeel 4:28-37

Riyadii Oo Rumowday

28 Waxyaalahan oo dhammu waxay ku dheceen Boqor Nebukadnesar. 29 Laba iyo toban bilood dabadoodna wuxuu dhex socday gurigii boqornimada ee reer Baabuloon. 30 Markaasaa boqorkii hadlay oo yidhi, Sow tanu ma aha Baabuloontii weynayd, oo aan u dhisay meel boqornimadu rug u leedahay, oo aan ammaanta weynaantayda ugu dhisay xoogga itaalkayga? 31 Intii hadalkaasu weli boqorka afkiisii ku jiray ayaa cod samada ka dhawaaqay, oo yidhi, Boqor Nebukadnesarow, adaa lagula hadlayaa, boqortooyadii waa kaa tagtay. 32 Oo dadka waa lagaa eryi doonaa, oo waxaad la joogi doontaa xayawaanka duurka, oo waxaa lagaa dhigi doonaa inaad doog u cunto sidii dibi, toddoba wakhtina way ku gudbi doonaan, jeeraad ogaato in Ka ugu Sarreeyaa u taliyo boqortooyada dadka, oo uu siiyo ku alla kii uu doonayo. 33 Oo isla saacaddiiba waxyaalihii waa ku dheceen Nebukadnesar; kolkaasaa dadkii laga eryay, sidii dibina doog buu u cunay, jidhkiisiina waxaa qoyay dharabkii samada, ilaa ay timihiisii u bexeen sida baalal gorgor, ciddiyihiisiina sida ciddiyo haadeed. 34 Oo markii wakhtigii dhammaaday ayaan anigoo ah Nebukadnesar indhaha kor u taagay, waxgarashadaydiina way ii soo noqotay, markaasaan ku mahadnaqay Ka ugu Sarreeya, waanan ammaanay oo ciseeyey kan weligiis nool; waayo, dowladnimadiisu waa dowladnimo aan weligeed dhammaanayn, boqortooyadiisuna waxay raagtaa fac ilaa fac; 35 oo kuwa dhulka deggan oo dhammu isaga lama simna, siduu doono ayuu ciidanka samada iyo dadka dhulka degganba ka yeelaa; mana jiro mid gacantiisa joojin karaa ama ku odhan karaa, Maxaad samaynaysaa? 36 Isla markiiba waxgarashadaydii way ii soo noqotay; oo ammaanta boqortooyadayda aawadeed ayaa weynaantaydii iyo dhalaalkaygii iigu soo noqdeen; markaasay waaniyayaashaydii iyo saraakiishaydii i doondooneen, oo boqortooyadaydii baa la ii dhisay, oo derejo aad u weyn baa la iigu daray. 37 Haatan anigoo ah Nebukadnesar waxaan ammaanayaa oo sarraysiinayaa, oo cisaynayaa Boqorka samada, waayo, shuqulladiisa oo dhammu waa run, jidadkiisuna waa xaq; oo kuwa kibirka ku socdana isagaa kara inuu hoosaysiiyo.

Markos 12:1-12

Masaalka Ku Saabsan Beerta Canabka Ah(A)

12 Markaasuu wuxuu bilaabay inuu masaallo kula hadlo iyaga. Nin baa wuxuu beertay beer canab ah, oo ood ku heraaray, dabadeedna god macsareed ka dhex qoday, oo munaarad ka dhisay, oo niman beerrey ah u kiraystay, oo dal kale tegey. Goortii xilligii yimid, ayuu addoon u soo diray beerreydii inuu beerreydii midhihii beerta ka soo qaado. Markaasay qabteen oo garaaceen oo waxla'aan ku direen. Haddana addoon kale ayuu u soo diray. Kaasay dakhreen oo ceebeeyeen. Haddana mid kale ayuu u soo diray, wayna dileen; oo qaar kale oo badan ayuu diray. Qaar waa la garaacay; qaarna waa la dilay. Weliba wuxuu lahaa wiil keliya oo uu jeclaa. Kolkii ugu dambaysay ayuu u soo diray isagii, oo wuxuu yidhi, Wiilkayga way maamuusi doonaan. Laakiin beerreydii waxay isku yidhaahdeen, Kanu waa kii dhaxalka lahaa, kaalaya aan dilnee, dhaxalkiina innagaa lahaan doonna. Way qabteen, wayna dileen, oo beertii canabka ahayd dibaddeeda ku tuureen. Haddaba sayidkii beerta canabka ah muxuu samayn doonaa? Wuu iman doonaa oo beerreyda dili doonaa, dad kalena ayuu beerta canabka ah u dhiibi doonaa. 10 Miyaanaydin weligiin Qorniinka ka akhriyin

Dhagixii kuwa wax dhisaa ay diideen,
Kaasu wuxuu noqday madaxa rukunka.
11 Tanu xagga Rabbiga bay ka timid;
Oo waa ku yaab indhahayaga?

12 Markaasay waxay dooneen inay qabtaan, laakiin dadkay ka baqeen; waayo, way garteen inuu masaalka iyaga kaga hadlay, markaasay iska daayeen oo ka tageen.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya