Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Complementary)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with thematically matched Old and New Testament readings.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 146

146 Rabbiga ammaana.
Naftaydoy, Rabbiga ammaan.
Intaan noolahay oo dhan Rabbiga waan ammaani doonaa,
Oo ammaan baan Ilaahay ugu gabyi doonaa intaan jiro oo dhan.
Ha isku hallaynina amiirrada
Iyo binu-aadmiga aan waxba caawimi karin.
Naftiisu way ka baxdaa, oo wuxuu ku noqdaa dhulkiisii.
Oo isla maalintaas ayaa fikirradiisu baabba'aan.
Waxaa faraxsan ninkii ay caawimaaddiisu tahay Ilaaha reer Yacquub,
Oo rajadiisuna ay ku xidhan tahay Rabbiga Ilaahiisa ah,
Oo sameeyey cirka iyo dhulka,
Iyo badda iyo waxyaalaha ku jira oo dhan,
Oo runtana dhawra weligiisba,
Oo kuwa la dulmay u garsoora,
Oo kuwa gaajaysanna quud siiya.
Rabbigu maxaabiistuu furaa.
Rabbigu indhahuu u bixiyaa indhoolayaasha,
Oo kuwa gotana Rabbigaa toosiya,
Oo kuwa xaqa ahna Rabbigu waa jecel yahay.
Rabbigu waa ilaaliyaa kuwa qariibka ah,
Oo isagaa taageera agoonta iyo carmallada,
Laakiinse jidka kuwa sharka leh wuu qalloociyaa.
10 Rabbigu xukun buu haysan doonaa weligiis,
Siyoonay, Ilaahaagaa boqor ah tan iyo ab ka ab.
Rabbiga ammaana.

Tirintii 36

Dhaxalkii Gabdhihii Selaafexaad

36 Markaas madaxdii qabiilka reer Gilecaad oo ahaa ina Maakiir, ina Manaseh oo ka mid ahaa qabiilooyinkii ilma Yuusuf way soo dhowaadeen, oo waxay ku hor hadleen Muuse iyo amiirradii ahaa madaxdii qolooyinka reer binu Israa'iil, oo waxay yidhaahdeen, Sayidkayagiiyow, Rabbigu wuxuu kugu amray inaad reer binu Israa'iil dalka dhaxal ahaan saami ugu kala qaybiso, oo weliba, sayidkayagiiyow, waxaa Rabbigu kugu amray inaad walaalkayo Selaafexaad gabdhihiisa dhaxalka siiso. Oo hadday guursadaan wiilasha qabiilooyinka kale oo reer binu Israa'iil, markaas dhaxalkoodii waa laga gooynayaa dhaxalka awowayaashayo, oo waxaa lagu dari doonaa dhaxalka qabiilka ay ka guursadeen, oo sidaasaa looga qaadan doonaa qaybtii dhaxalkayaga. Oo markii reer binu Israa'iil ay gaadhaan sannaddii Yubilii, ayaa dhaxalkooda lagu dari doonaa dhaxalka qabiilka ay ka guursadeen, oo sidaasaa dhaxalkooda looga qaadi doonaa dhaxalka qabiilka awowayaashayo. Markaasaa Muuse reer binu Israa'iil ku amray sidii uu eraygii Rabbigu ahaa, oo wuxuu ku yidhi, Qabiilka ilma Yuusuf wax qumman bay ku hadleen. Waxyaalaha ku saabsan Selaafexaad gabdhihiisa oo Rabbigu amray waa kuwan, oo wuxuu yidhi, Iyagu ha guursadeen kii la wanaagsan iyaga, laakiinse qabiilka aabbahood uun ha ka guursadeen. Sidaasaanu dhaxalka reer binu Israa'iil qabiil uga tagayn oo qabiil kale ugu dhaafayn, waayo, reer binu Israa'iil nin waluba waa inuu sii xajiyaa dhaxalkii qabiilka awowayaashiis. Oo gabadh kasta oo dhaxal ku leh qabiilooyinka reer binu Israa'iil middood waa inay afo u ahaato mid ka mid ah qolada qabiilka aabbaheed, si reer binu Israa'iil nin waluba u lahaado dhaxalkii awowayaashiis. Sidaasaanu dhaxalna qabiil uga tagayn oo qabiil kale ugu dhaafayn, waayo, qabiilooyinka reer binu Israa'iil mid waluba waa inuu dhaxalkiisa sii xajiyaa. 10 Oo sidii Rabbigu Muuse ku amray ayay Selaafexaad gabdhihiisu yeeleen, 11 waayo, Maxlaah, iyo Tirsaah, iyo Xoglaah, iyo Milkaah, iyo Nocaah, oo ahaa Selaafexaad gabdhihiisii, waxay wada guursadeen ilma-adeerradood. 12 Oo waxay ka guursadeen qabiilooyinkii ilma Manaseh oo ahaa ina Yuusuf, oo dhaxalkoodii wuxuu ku hadhay qabiilkii reerka aabbahood.

13 Intaasu waa amarradii iyo xukummadii uu Rabbigu u soo dhiibay Muuse oo uu ku amray reer binu Israa'iil oo jooga bannaankii Moo'aab oo Webi Urdun u dhowaa ee Yerixoo ka soo hor jeeday.

Rooma 5:6-11

Jacaylka Ilaah Waxaa Lagu Gartaa Ciise Dhimashadiisa

Waayo, innagoo weli itaaldaran ayuu Masiixu wakhti qumman u dhintay kuwa aan cibaadada lahayn. Mar dhif ah mid waa u dhintaa nin xaq ah, mindhaase qof waa ku dhici lahaa inuu nin wanaagsan u dhinto. Laakiinse Masiixu waa inoo dhintay intaynu weli dembilayaal ahayn, oo sidaasuu Ilaah jacaylkiisii inoogu muujiyey. Haddaba haddaynu haatan dhiiggiisa xaq ku noqonnay, de si ka badanna isagaynu kaga badbaadi doonnaa cadhada Ilaah. 10 Waayo, haddii, intaynu col la ahayn, Ilaah inagula heshiiyey dhimashadii Wiilkiisa, de si ka badanna, innagoo la heshiis ah, ayaynu ku badbaadi doonnaa noloshiisa, 11 oo taas oo keliyana ma ahaane, weliba waxaynu ku faraxnaa Ilaah xagga Rabbigeenna Ciise Masiix, kan aynu haatan heshiiska ku helnay.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya