Revised Common Lectionary (Complementary)
Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha markii nebi Naataan u yimid, kolkuu Batshebac u tegey dabadeed.
51 Ilaahow, iigu naxariiso sida raxmaddaadu tahay,
Oo xadgudubyadaydana igaga tirtir sida naxariistaada badnaanteedu tahay.
2 Xumaantayda iga wada maydh,
Oo iga nadiifi dembigayga.
3 Waayo, anigu waan ogahay xadgudubyadayda,
Oo dembigayguna hortayduu yaallaa had iyo goorba.
4 Adiga keliya ayaan kugu dembaabay,
Oo waxaan sameeyey wax hortaada ku xun,
Inaad xaq ahaatid markaad hadashid,
Oo aad daahir ahaatid markaad wax xukunto.
5 Bal eeg, aniga waxaa laygu qabanqaabiyey xumaan,
Oo waxaa hooyaday igu uuraysatay dembi.
6 Bal eeg, waxaad uurka ka jeceshahay run,
Oo meesha qarsoon waxaad iga ogeysiinaysaa xigmad.
7 Haddaba geed husob ah igu daahiri, oo anna nadiif baan ahaan doonaa,
I maydh, oo anna baraf cad waan ka sii caddaan doonaa.
8 I maqashii farxad iyo rayrayn,
Inay lafihii aad jejebisay farxaan.
9 Wejigaaga ka qari dembiyadayda,
Oo iga tirtir xumaatooyinkayga oo dhan.
10 Ilaahow, igu dhex abuur qalbi nadiif ah,
Oo igu dhex cusboonaysii ruux qumman.
11 Hortaada ha iga xoorin,
Oo Ruuxaaga quduuska ah ha iga qaadin.
12 Farxaddii badbaadintaada ii soo celi,
Oo ruux raalli ah igu tiiri.
13 Oo markaas kuwa xadgudba jidkaagaan bari doonaa,
Oo dembilayaashuna adigay kuu soo noqon doonaan.
14 Ilaahow, Ilaaha badbaadadaydow, dhiiggelidda iga samatabbixi,
Markaasaa carrabkaygu wuxuu aad uga gabyi doonaa xaqnimadaada.
15 Sayidow, bushimahayga fur,
Oo afkaygu wuxuu ku hadli doonaa ammaantaada.
16 Waayo, adigu kuma faraxdid allabari, haddii kalese waan bixin lahaa,
Qurbaan gubanna kuma cajebiyo.
17 Allabaryada Ilaah waa ruux is-hoosaysiintiisa,
Ilaahow, adigu quudhsan maysid qalbi hoosaysan oo qoomamaysan.
18 Siyoon wanaag ugu samee sidaad doonayso,
Oo Yeruusaalem derbiyadeedana dhis.
19 Oo markaas adigu waxaad ku farxi doontaa allabaryada xaqnimada iyo qurbaan guban, iyo allabari wada guban dhammaantiis,
Oo markaasay dibiyo ku dul bixin doonaan meeshaada allabariga.
58 Haddeydnan dhawrin oo wada yeelin erayada sharcigan ee kitaabkan ku qoran oo dhan inaad ka cabsataan magacan ammaanta badan oo cabsida badan oo ah RABBIGA ILAAHIINNA AH, 59 markaas Rabbigu wuxuu idinka iyo farcankiinnaba ku ridi doonaa belaayooyin yaab leh oo waaweyn oo wakhti dheer idinku raaga, iyo cudurro xunxun oo wakhti dheer idinku raaga, iyo cudurro xunxun oo wakhti dheer idinku raaga. 60 Oo haddana wuxuu idinku soo dejin doonaa cudurradii Masar oo dhan oo aad ka cabsan jirteen, oo way idinku dhegi doonaan. 61 Oo weliba Rabbigu wuxuu kaloo idinku soo dejin doonaa ilaa aad wada baabba'daan cudur kasta iyo belaayo kasta oo aan ku qornayn kitaabka sharcigan. 62 Oo in kastoo aad u faro badnaydeen sida xiddigaha samada oo kale waxaa uun idinka hadhi doona in yar oo dhawr ah, maxaa yeelay, codkii Rabbiga Ilaahiinna ah ayaad dhegaysan weydeen. 63 Oo sidii Rabbigu idiinku farxay inuu wanaag idiin sameeyo oo uu idin badiyo, ayuu sidaas oo kale ugu farxi doonaa inuu idin halligo oo idin baabbi'iyo, oo idinka waa laydinka rujin doonaa dalka aad ugu socotaan inaad hantidaan. 64 Oo Rabbigu wuxuu idinku kala dhex firdhin doonaa dadyowga oo dhan, iyo tan iyo dunida geesteed iyo ilaa geesteeda kale, oo halkaas waxaad ugu adeegi doontaan ilaahyo kale oo qoryo iyo dhagax ah oo aydaan aqoon idinka iyo awowayaashiin toona. 65 Oo quruumahaas dhexdooda istareex kama heli doontaan, oo cagtiinnuna ma nasan doonto, laakiinse Rabbigu wuxuu halkaas idinku siin doonaa qalbigariir, iyo indhabbeel, iyo naf dulloobid. 66 Oo naftiinnana waad u shakiyi doontaan, oo habeen iyo maalinba waad cabsan doontaan, oo noloshiinnana ma aad hubi doontaan innaba. 67 Oo waaberigii waxaad odhan doontaan, Bal may fiid noqoto! Sababtuna waa cabsida aad qalbiga ka cabsan doontaan iyo xumaanta aad indhaha ku arki doontaan. 68 Oo Rabbigu mar dambe wuxuu Masar idinku celin doonaa idinkoo doonniyo ku jira, oo waxaad mari doontaan jidkii aan idinku idhi, Mar dambe ma aad arki doontaan, oo halkaasaad cadaawayaashiinna isugu iibin doontaan, inaad rag iyo dumarba addoommo u ahaataan, oo weliba ninna idinma iibsan doono.
Cusboonayntii Axdiga
29 Kuwanu waa erayadii axdigii Rabbigu Muuse ku amray, oo uu reer binu Israa'iil kula dhigtay dalkii reer Moo'aab, oo aan ahayn axdigii uu iyaga kula dhigtay Buur Xoreeb.
17 Laakiin markuu soo dhowaaday wakhtigii ballankii Ilaah kula ballamay Ibraahim, ayay dadkii ku soo kordheen oo ku bateen Masar, 18 tan iyo intii boqor kale oo aan Yuusuf oqooni Masar ka kacay. 19 Isaguna waa khiyaaneeyey dadkeenna, awowayaasheenna wuu xumeeyey, oo wuxuuna ku qasbay inay ilmahoodii yaryaraa iska tuuraan si ayan u sii noolaan. 20 Muusena wakhtigaasuu dhashay, oo wuxuu ahaa wax qurux badan; oo saddex bilood ayaa gurigii aabbihiis lagu hayay; 21 markii la tuurayna, Fircoon gabadhiisii ayaa qaadatay oo sidii wiilkeedii oo kale u korsatay. 22 Muusena waxaa la baray xigmaddii Masriyiinta oo dhan; hadalladiisa iyo falimihiisana xoog buu ku lahaa.
23 Laakiin markuu gaadhay afartan sannadood oo buuxa ayaa waxaa qalbigiisa gashay inuu walaalihiis oo reer binu Israa'iil ahaa soo booqdo. 24 Oo markuu arkay midkood oo lagu gardarroonayo, ayuu ka celiyey, oo intuu kii la dulmayay uu aarguday, ayuu Masrigii dilay; 25 oo wuxuu u malaynayay in walaalihiis garteen sida Ilaah gacantiisa iyaga ugu samatabbixinayo, laakiin ma ay garan. 26 Oo maalintii ku xigtay ayuu iyagoo diriraya u yimi, oo wuxuu damcay inuu heshiisiiyo, markaasuu yidhi, Niman yahow, walaalaad tihiine; maxaad isu dulmaysaan? 27 Laakiin kii deriskiisii dulmayay, ayaa isaga iska riixay oo ku yidhi, Yaa nooga kaa dhigay taliye iyo xaakin? 28 Ma waxaad doonaysaa inaad ii dishid sidaad Masrigii shaalay u dishay? 29 Markaasaa Muuse hadalkaas aawadiis cararay, oo sidii ajanabi buu dalka Midyaan u degganaa, meeshaasna laba wiil buu ku dhalay.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya